Home"Wakhtiga Aanu Doorashada Ugu Tala-galnay Ayaa Jadwalkiisa Lagu Socdaa" Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

“Wakhtiga Aanu Doorashada Ugu Tala-galnay Ayaa Jadwalkiisa Lagu Socdaa” Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay in hawlahooda shaqo ee ku saabsanaa Jadwalka Doorashada uu u socdo sidii ay ugu talagaleen, waxaanu xusay in wax muddo kordhin la yidhaahdo oo iyaga ka timid ama ay wadaan  aanu jirin.

 

blank

 

 

 

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta cod bixinta ee Gobolka Sool oo la filayo in Gobolkaas si rasmiya uga bilaamato Bari, waxaanu kula dardaarnay dadka Gobolka Sool inay is diiwaangeliyaan, oo ay qaatan kaadhka ay xaq u leeyihiin, wixii khaladaad ahna iska ilaaliyaan, waxaanu yidhi “Wax is bedela maanu arag, wax la kordhinaayana maanan maqal,wax rasmiya oo na soo gaadhayna ma jirto, wixii war suuqa ah ee la isla dhex marayo waa halkeeda, wax badan baa la sheega oo aan waxba ka jirin,laakiin jadwalka anaga noo dagani waa mid sidiisi u socda, oo wakhtigii aanu Doorashada ugu talagalnay ayaa jadwalkiisi lagu socdaa, si habsamiya iyo sidii aanu ugu talagalnay ilaa alaankaas ayey noogu socdaan”.

 

 

 

Afhayeenka Komishanka Siciid Cali Muuse mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa yidhi “Diiwaangelinta Gobolkii ugu dambeeyey lixda Gobol ee Jamhuuriyada Somaliland bari (maanta), oo Axad ah ayaa la daah furi doonaa, oo laga furi doona Magaalada Laascanood oo Gobolka Sool magaalo madax u ah, waxaana Diiwaangelintu gobolkaas ka bilaami doonta maalinta isniinta, ee bishu 23 tahay, , goobaha ay diiwaangelintu Gobolka Sool ka dhacaysa waa 153 goobood, waxaanu faraynaa dadka reer Sool inay is diiwaangeliyaan, waayo waa muhiim inuu qofku codkiisa muujiyo,wacyigelina Komishanku iyo Hay’addo  kaleba wey ku sameeyeen, waxaanu doonaynaa oo aanu jecel nahay in dadka reer Sool ay codkooda muujiyaan, waxayna ku muujinayaan inay is diiwaangeliyaan, Diiwaangelintu sidaas bay muhiim u tahay, qof kasta oo 16 jir ah oo 16 jir noqonaya maalinta la is diiwaangelinayo, diwaangelintaasi wey u furan tahay, waxaanu dadka uga digaynaa inay ku noq-noqdaan, waayo ku noq-noqashada qofka wuu qabanayaa, xittaa haddii aanay Diiwaangelintu toos ugu soo dhacayn xarunta Komishanka, xitta haddii aanay ku soo dhacayn oo maalmo ka bacdi ay ku soo dhacdo mar walba wey sheegaysaa qofkaasi inuu ku noqday, hadhawna qofku wuxuu waayayaa xuquuq aad u fara badan,  oo ah inuu codkiisi waayo oo hadhaw ma codeynayo qofkaasi.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories