HomeWakaaladda Horumarinta WadooyinkaSomaliland oo Bilawday wejigii labaad eewadada isku xidha Wajaale iyo...

Wakaaladda Horumarinta WadooyinkaSomaliland oo Bilawday wejigii labaad eewadada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wajaale (  SLpost   )-Wejigii 2aad ee dhismaha jidka laamiga ah ee isku xidhaya Degmooyinka Kala-baydh illaa Wajaale eegobolka Gabiley ayaa Salaasadii ina dhaaftay si rasmi ah loo dhagax dhigay, kadib markii farta laga qaaday wejigii 1aad ee wadadaas.

waddo wajaale

Dhismaha jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 18Km (Siddeed iyo Toban Killo-mitir) waxa gacanta ku haysa Wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland ee RDA waxa hore loo dhammeeyey 6Km oo ka mid ah, halka wejigan labaadna la qorsheeyey in la bilaabo 5Km oo socon doona illaa bishan aynu gudo galnay ee Novermber. Iyadoo dhinaca kalena la saadaalinayo inta hadhay  dhammeystirka wadada ay kaalintooda ka qaataan bulshada gobolka Gabiley oo loo soo jeediyey inay guntiga dhiisha iskaga xidhaan sidii ay uga dhabayn lahaayeen qabyo-tirkeeda.
Warbixin Wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland ka soo saartay qorshaha ay u dejiyeen dhismaha wadadan ayaa faahfaahiyey saamiyada ay u kala qaybiyeen qaybaha bulshada iyo dawlad ahaan saamiga kaga soo hagaagay. “Wadadan oo dhererkeedu yahay siddeed iyo toban kiilloo Mitir, toban ka mid ah waxa ballan qaaday Dowladda, laba Kiiloo mitirna waxa ballan qaaday Golaha degaanka Gabilay, lixda kalena waxa ballan qaaday xubno ka mid ah Wasiirrada iyo xildhibaanada Gobolka Gabilay” sidaa waxa yidhi Muuse Yuusuf, oo ka mid ah  La-taliyeyaasha Wakaaladda RDA oo waqtiga uu warbixintaasjeedinayay ku sugnaa jidka dhismihu ka socdo ee u dhexeeya Wajaale iyo kala-baydh.waxaanu intaa ku daray “Waxa immika dhammaad ku dhaw tobankii killo miter ee xukuumadda iyo hal kilo miter oo Maayarka Gabilay Bixiyay, markaa waxa hadhsan hal kilo miter oo ku hadhsan Golaha Degaanka Gabilay iyo lixdii ay ballan qaadeen Wasiirrada iyo xildhibaannada Gobolku, markaa waxaan u sheegayaa inay dhan tahay intii ay Dowladdu ballan qaaday, waxa la sugayaana ay tahay intii ay reer Gabilay ballan qaadeen, markaa waxaan leeyahay waa in lagu dhaqaaqo oo ay fuliyaan ballanqaadkooduu intaanu qalabka wadada lagu dhisayaa aanu kala tegin oo wakhtiga laga faa’iideeyo, dadweynaha, Ganacsatada, Tijaarta iyo siyaasiyiinta Gobolka iyo madaxdana waxaan leeyahay wadanka waxa ka socda wax wada qabsi ka dhexeeya Dowladda iyo Bulshada, markaa reer Gabilay waa inay dhankooda wixii ku xidhan soo dhammeeyaan si wadadii u dhammaystiranto.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Wadadan isku xidha Wajaale iyo kala-baydh ayaa ah wado halbawlo u ah isku xidhka laba dal ee Somaliland iyo Itoobiya, dhismaheedana lagaga raysan doono waxbadan ooh ore ay dhibi uga soo gaadhi jirtay dadka ganacsatada ah ee u kala goosha labada dal, kuwaad oo dhibaato badan kala kumi jiray wakhtiyada roobabku ay ka da’ayaan degaankaas.
Somalilandpost.net
Wajaale
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories