HomeWAJAALE: Khasaare ka dhashay Dab-xooggan oo demintiisa Gacmaha loola tagay iyo Shacab...

WAJAALE: Khasaare ka dhashay Dab-xooggan oo demintiisa Gacmaha loola tagay iyo Shacab ka gadooday Adeeg la’aanta Maamulka degmada iyo Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-wajaale (SLpost)- Meherado ganacsi oo iyo guryo tiro-badan, ayaa ku shuf-beelay dab xooggan oo maanta ka kacay badhtamaha faras-magaalaha Xarunta ganacsi ee magaalada Tog-Wajaale oo ku taala xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu dabkani khasaare xooggan u geystay goobo ganacsi iyo guryo xaasas leeyihiin oo goobta dabku ka kacay ku ag-yaala.

wqDabkan oo Barqadii saaka bilaabmay, ayaa ku fiday meherado tira badan, waxaana demintiisa gurmad ka galay dadweynaha magaalada iyo maamulka adeegyadiisu taagta daran yihiiin ee degmada Wajaale, kuwaas oo gacmahooda ula tagay bakhtiinta dabka oo dadweynuhu la tacaalayeen ilaa Duhurkii maanta.

Sida ay ku soo warramayaan wariyeyaasha ka hawl-gala magaalada Tog-wajaale, dabkan oo hawl-galka xakamayntiisu socotay ilaa saddex saacadood, waxa ku shuf-beelay ilaa 20 Guri oo isugu jira Meherado ganacsi iyo guryo xaasas leeyihiin. Haseyeeshee, ilaa hadda lama hubo khasaaraha rasmiga ah ee dabkaasi geystay iyo inay dad wax ku noqdeen.

togwajaaleMagaalada Tog-wajaale oo an xarun ganacsi oo isku-xidha labada waddan ee Ethiopia iyo Somaliland, ayaan lahayn haba-yaraatee wax demis ah, waxaana dab-demis ugu dhow magaalada Gabiley oo dhowr iyo Soddon KM u jirta, arrintaas oo sababtay in hawl-galkii dadweynuhu kula tacaalayeen dabka uu mar kaliya isku beddelo mudaharaad shacabku kaga dareen-celinayeen adeeg-xumada maamulka degmada iyo mid lagaga soo horjeedo Xukuumadda, ka dib markii lagu guulaystay xakamaynta dabka.

wajaleDadweynahan ayaa intii ay bannaan-baxa ku gudo-jireen, ku dhawaaqay kalmado ay ku dhaliilayaan maamulka degmadaoo ay ku eedeeyeen inaanu sidii loogu baahnaa uga qayb qaadan gurmadka lagu xakamaynayey masiibada dabkaasi ka dhalatay, waxaanay ku doodeen in laga qaado cashuurta ugu badan ee ay ganacsatadu soo xerayso laakiin aan waxba loogu qaban.

Dadweynaha mudaharaadka dhigay qaarkood, ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku dhaliilayeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Halkan Ka Daawo

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories