HomeWajaale iyo Arabsiyo waxay u qalmaan degmooyin is-maamula

Wajaale iyo Arabsiyo waxay u qalmaan degmooyin is-maamula

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baarlamaanka wakhtigiisu dhammaaday waxay shalay ansixiyeen sharci ay ku qiimeenayaan degmooyinka Somaliland. Waxay u kala qaybiyeen degmooyinka afar darajo. Hase ahaatee, baarlamaanka ma uusan faahfaahin , shuruudaha lagu qiimeeyey sida tirada dadka, iwm; taasina waxay dhalisay jahwareer hor leh.

 

Laakiin, arrinta uga yaabka badan waxay tahay, sida deegaanooda qaarkood degmooyin loogu magaacabay, kuwa kalena iyagoo tiro dad, baaxad dhul iyo dhaqdhaqaaq ganacsi leh loogu reebay degmoyinka ka jira wadanka. Tusaale ahaan, side bay ku dhacday in Tog-Wajaale, oo ah goobta ganacsiga ee Somaliland ugu weyn, iskuna xidha Somaliland iyo Ethiopia, lehna dhul baaxad weyn oo ku habboon beeraha; Arabsiyo oo dadka ku nool sannad walba ay kordhiyaan aysan noqon degmooyin madaxbannaan oo is maamula.

 

blank

 

Laakin, Dila, Awdal; Dar-Salaam iyo Faroweyne, Hargeysa agagaarkeeda; Duruqsi, Toghdheer; iyo Xiis, Sanaag, ay ku noqdeen degmooyin. Dadka ku nool Wajaale iyo Arabsiyo way ka badan yihiin kuwa ku nool degmooyinkaas.

Degmada Wajaale waxaa hoos yimaada 23 tuulo. Dawlada dhexe iyo ta hoosaba waxaa ks soo gala canshuur baxad leh oo laga qaado shacabka.sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada,dhulka, iyo ganacsatada. .

Magaalada Wajaale aad iyo aad bay u fiday labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waana meelaha ugu dhul qaalisan Somaliland. Waxaa ka socda dhismayaal iyo bakhaaro waaweyn. Laakiin, wadooyinkeeda waxay u baahan yihiin in la hormariyo.Adeegyada aasaasiga ah dhamaan way leedahay degamadu.

Wajaale way ka bilic wacan tahay degmooyin badan oo dalka ka mid ah lana siiyay darajada uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee dhawaan markale golaha wakiiladu ansixiyeen.

Dadweynaha wajaale iyo Arabsiyo waxa ay doonayaan waa xuquuqdooda ay isku maamuli lahaayeen. Laakiin, waxa ka hortaagan faragelin baahsan iyo xakameyn oo ay ku hayso Wasaarada Arrmiha Gudaha, oo u dhaqanta sidii ‘Faqshta” oo kale. Waxaa kaloo caqabad ku ah siyaasiintii u hana qaaday Gabiley oo noqday kuwa a deega dano xisbi iyo mid gaar ahaaneed, laakiin hadda hawlgab noqday

Maanta, Gabiley waxay ku leedahay baarlamaan ku sheega hal xildhibaan oo keliya.Waa tiradii ay ku lahayd Somaliland markay xorriyada ka qaadatay UK. Labo ka mid ah xildhibaanada Gabiley way dhinteen, waxaana lagu bedelay wakiilo degaano kale matala.Ku soo dhawow dimiqoradiyada Somaliland.

Somaliland waa meesha aad helayso xuquuqdaada ama sadbursiba marka aad abaabusho mudaaharaad lagu gubayo taayaro, dariiqa dhagax lagu gooyo, ama lagu hanjbo “Somaliland baa lagu kala tegayaa haddii aanan helin waxan ama waxaas”. Ficiladaas foosha xun oo kale deegaanado qaarkood ayaa ku helay waxaysan u qalmin.

Dadka reer gabiley way ka daaleen balamo madhan ah oo codod lagu helo xilliga doorashooyinka. 2010 iyo 2017 waxay Gabiley u codaysay xisbiga Kulmiya. Biixi, madaxweynaha ma uusan ahaadeen manta codadka Gabiley. la’aantood. Maxaase loogu abaalguday reer Gabiley ? In lagu madaaliyo gobol aan jirin, Wasaarada arrimaha gudaha ay ka dhammaan waydo golaha deegaanka Gabiley.Iyo, in loo magaacabo Wasarad madhan wasiirka metelaya Gabiley.

Waa in reer gabiley ay ka kacaan hurdada ay ku jireen mudada dheer. Maamul xumada ka taagan iyo is qab qabsi joogatada ee golaha deegaanka Gabiley waa qorshe laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliland iyo Wassarada arrimaha Gudaha tan iyo 1993, waxaana suurto geliyey danaystayaal reer Gabiley sida Abiib-Tima-cade iyo kuwa la mid ah.Laakiin, Biixi fursad ayuu u haystaa in wax ka bedelo habkii loola dhaqmo Gabiley.

Wixii tegay tage. Sidee bay reer Tog-wajaale iyo Arabsiyo u heli karaan arrimahooga inay ka taashadaan ayna isku maamulaan sida uu waafaqsan yahay dastuurka— ila iyo hadda aan dib loo eegin ee Somaliland.

Dadweynaha reer Gabiley ama Somaliland oo dhanba khaatiyaan bay ka joogaan Gole deegaan oo tiro badan, lagana hago Wasaarada Arrmiaha Gudaha, wax hagardaamyo ahayn aan u qaban reer Gabiley.

Tusaale ahaan, soo ma habboona in wajaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo Gabiley mid walba u lahaado mayor dadka ay si toos u soo doortan iyo gole deegaan oo aan ka badnayn 3-4 qof. Waa sida ay addunnka uu u shaqeeyo.Mayorka iyo golahaas ay masuul ka noqdaan siday ugu adeegi lahaayeen dadka soo doortay. Haddii ay shqadooda ay ka soo bixi waayeen, dadweynaha ayaa ku ridi kara codkaada.

Maxaase keenay xildhibaan dadweynahu ay soo doorteen in uu ka amar qaato Wasaarada Arrimaha Gudaha?

Ma doonayno dhaqankii “Faqashata” ku dhisnaa “population control” in lagula dhaqmo golaha deegaanada Somaliland. Wasaarada Arrmiha Gudaha waa inay faraha ka la baxdaa arrimaha golaha deegaanada(Local govenrments).

Dastuurka Somaliland ayaa si cad u qeexaya inay golaha deegaandano ay masuul ka yihiin, nabagelyada, biyaha iyo kororntada, waxbarashada, caafimaadka, iyo xitaa isgaadhsiinta.

Dadweynahu waa inay xor u noqdaan siday ay u maamuli lahaayeen arrimahooga.Habka loo qiimaynayo degmooyinka uu noqdaa mid cadaalad ku dhisan oo aan ku dhisnayn deegaan ama reer jeclaysi. Sida ka muuqata degmooyinka qaarkood laguma xulin si xaq ah. Taasna waxay dhalin kartaa in dawladu ay ku weydo kalsoonida qaybo ka mid ah bulshadeenna.

Ugu dambeyn, si loo adkeeyo maamulka iyo nabadgelyada Somaliland, waa in deegaaanada Wajaale, Arabsiyo, Alleybadey iyo kuwa kaleba si toos u soo doortaan mayorka iyo golaha deegaankaba. Xakameyn, cabudhis dadweyne, iyo siyaassin la iibsado kama shaqayn doonto Gabiley. Reer Gabiley waxay u dagaalameen inay arrimahooga ay maamulaan, Somalilandna noqoto ummad isku maamusha dastuur. Wixii kale waa fawdo iyo qab-qabsi hor leh.

Ali-Guban Mohamed
Editor, Gubanmedia.com

Covering Horn of Africa Region

aliadm18@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories