HomeWaftigii Madaxweynaha Oo Kullan Balaadhan La Yeeshay Jaaliyadda Ku Dhaqan Dalka Ireland

Waftigii Madaxweynaha Oo Kullan Balaadhan La Yeeshay Jaaliyadda Ku Dhaqan Dalka Ireland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Dublin(SLpost)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan Wadanka Ireland.

 

Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Ireland, waxay munaasibad ballaadhan la qaateen bulsho weynta Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ireland.

 

Jaaliyada ku dhaqan dalka  Ireland oo laga dheehanaayay jeelka Wadaniyadeed ee ay u qabaan Madaxda Somaliland la kulan keeda, waxaa kulan kaas ka soo qayb galay Dadweyne tiro badan oo isugu jira Waxgarad, Haween iyo dhalinyaraba.

 

Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyada hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xogogaal warameen Xaalada dalkii hadda maraayo iyo Safarka Waftigu ku yimi Dalka Jamhuuriyada Ireland, kaas oo ay ku tilamaameen in midho dhal fiican ay isla gadheen Dawladda Ireland.

 

Gebo Gebadii Xaflada Waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) Madaxweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta ballaadhan ee ay Jaaliyada Ireland ku qaabileen Waftiga uu hoggaaminaayo.

 

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Somaliland, sheegay inay dadaal ugu jiraan goob kastana u marayaan sidii Qaranka Somaliland u gaadhilahaa una helilaha aqoonsiga beesha Caalamka, wuxuuna Madaxweyne Axmed Silaanyo ugu baaqay guud ahaan Shacbiga debadda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalkii joogaba inay isku duub nadaan una midoobaan danta dalkooda.

 

 

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii uu hoggaaminayay oo maal mihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Ireland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta u soo dhammaaday kulamadii kala duwanaa ee ay la lahayeen Madaxda Xukuumadda Ireland, waxaana la filayaa in Waftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan dalka Ireland dhinaca Waddanka Ingiriiska.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories