HomeWafti Wasiirro ah Oo Soo Afjaray Shaqaaqo Laba beelood Udhaxaysay Ee Wadadega...

Wafti Wasiirro ah Oo Soo Afjaray Shaqaaqo Laba beelood Udhaxaysay Ee Wadadega Gobolka Saraar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Caynaba (SLPOST) Wefti wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa soo af jaray shaqaaqo u dhaxaysay beelaha Cali barre iyo Reer Barre ee beelsha Habar jeclo oo wada dega Gobolka Saraar.

wasiirro

shaqaaqadani oo la xidhiidhay Dil loo gaystay Taliyihii xabsiga dhaxe ee magaalada Caynaba oo ay koox hubaysani halkaasi ku dileen muddo sanad ka hor ah, iyo dad arrintaasi loo xidhidhay, ayaa maanta lagu dhawaaqay in heshiis laga gaadhay lana soo af-garay.

Wefti culus oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Saciid Raygal, Hawalaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xidhidhabaan Axmed Ducaale Bulaale, Xil. Faarax Dheere, Gudoomiyaha Saraar Axmed Cumar, Salaadiin iyo cuqaal tirro badan ayaa goob joog ka ahaa madashii laga dhawaaaqay heshiiskaasi.

Munaasibad balaadhan oo laga qabtay Tuullada Ceel-dhaab ee Gobolka Saraar ayaa waxa guddi xeer beegti ahi ay kaga dhawaaqay xukunka ay ka gaadheen Mag labadaasi reer u dhaxaysay, iyadoo halkaasi ay labada dhinac si weyn u soo dhaweeyeen xukunkiin aqbaleen, kuna kala qaateen Xoolo Nool iyo lacag kaash ah.

 

IMG_0188

Gudoomiyaha Saraar Axmed Cali Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” Annigu maanta haddii aan gudoomiyihii gobolka ahay waxaan aad ugu faraxan nahay inay halkan kaga dhawaaqayno xalka dhibaato muddo gobolka ka taagnayd, maanta xukunkeedii aynu halkan u fadhino, iyo heshiiska aynu ku dhawaaaqayno waxana innoo wada oo halkaas fadhiya guddi dhex dhexaad ah oo garsooreyaal ah.”

Gudoomiyaha Guddida Xeer-beegti ah oo arrintan Go’aan ka gaadhay Daa’uud Oogle Faarax ayaa halkaasi kaga dhawaaqay waxa ay xukumeen waxaanu yidhi ” Halkan waxaanu ku xukunay maalintii hore 314 geel ah oo dhagor ah iyo 65 Halkaad oo lacag ah kuwaas oo isku noqonaya 379 Halaad, waxaan aanu u qabannay beesha laga rabo inay ku keenaynaan muddo 45 maalmood ah, oo aan wali dhamaan, maanta dhamaan xoolahaasi waa diyaar, madashana aynu fadhino ayey ku diyaar ku yihiin, waxa kale oo beesha dhiiga loo sheeganayey aanu ku xukunay oo maanta diyaar halkan ku ah laba hablood oo godob reeb ah, waxa aanu madaxada ka cosanaynaa in dadkii arrintan u xidhnaa xoriyadoodii loo soo celinayo.”

Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed oo ah Caaqilka Beesha Cali barre oo magta la siiyey oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qaateen xukunka ay xeerbeegtudu soo saartay, isla markaana ay sidiisa ugu dhaqmayaan, aadna ugu mahad celiyey Guddida xeerbeegtida ah.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali, oo sheegay in heshiishka shaqaaqadani laga gaadhay ay guul u tahay dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolka Saraar iyo guud ahaan Somaliland waxana uu yidhi “waxaan Xukuumadda Somaliland ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyo Wasiirrada sharafta leh ee halkan inala jooga ee safarka dheer innoo soo galay ku bogaadinayaa dadaalka ay galiyeen in maanta heshiiska la galo, waxa kale oo aan ammaanayaa Wasiir Warancade oo fuliyey kana dhabeeyay balankii uu innala galay, maanta sharaf ayey inoo tahay haddii aynu nahay reer Saraar in nabadaa aynu qaadanay ay inala joogaan dad reer Somaliland ah oo ehelu sharaf ah oo safarro u soo galay arrintan.”

Suldaanka Guud ahaa sidoo kalena intaasi ku daray ” Guddida go’aanka soo saartay maaha guddi xal ah, waa guddi xul ah oo aanu ka soo saarnay afar gobol, waa niman aanu ka fiirsanay, oo aanu ku kalsoon nahay, maanta xilkii aanu saarnay si weyn ayey ugu soo baxeen, waxaanu ka dhigaynaa guddidii sare ee beesha, dhinacdaya arrintani ka dhaxaysayna waxaan ku bogaadinayaa sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen go’aanka guddida, waanan ugu ducaynayaa, intii dhimanatayna Alle ha u naxariisto, inteena noolna ha inooga daba naxariisto, Wasiirrada iyo Xukuumadda annagaa idiinka wakiil ah haddii aad bulshada tihiin, annagaa arrintooda xog-ogaal u ah, arrintan dedaal weyna ayey galiyeen waanan ku ammaanyaa.”

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” Iyadoo xoolaha dhinac wax loo sheeganayey la saaray ay aad u badnaayeen mudaduna koobnayd, waxaanu ku faraxan nahay inay balantaasi ka soo baxday beeshu, waxana aniga I galay hadal uu nin yidhi oo ahaa wax walba nabad ayaanu siinaynaa, beeshaasi xoolaha bixisay waxaan ILAAHAY ugu barynayaa in halkii ay ka soo saareen uu wax khayr qaba ugu badalo.”

Gabagabadii munaasibadasi ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, waxaanu yidhi “shalay Xaaji saalax ayaan ka imid shalayna waan cadhaysnaa, laakiin maanta waan farax san nahay, waxaan ku farax san nahay wanaaga halkan yaala, nabada la qaatay iyo khyrka ILAAHAY inna waafajiyey, guddida halkan maanta go’aanka ka soo saartay waan u mahad naqayaa, aadna waan ugu han weyn nahay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa beesha gacanta ku dambaysay ee sida gobonimada tolkood ugu dul-qaadatay, beesha kelena aad ayaan ugu mahad naqayaa gobonimo ayey muujisay, beeshaasi wax loo tirinayey xilkeedii way ka soo baxday mudadii aanu u qabanayna way ku keentay xoolihii laga doonayey.”

“Halkan waxaad ku muujiseen qiimaha ay nabaddu leedahay waxana cadaatay in xikmad wanaagsan aad ku shaqayseen taasuna ay Somaliland anfici doonto, dhibi way dhacaydaa ALLE ha inmaguma keenee laakiin xilka ina saaran ayaa ah waa inaynu xalino, oo haddii wax dhacaan masiibada aynu xallino inta aanay cid kale gaadhin, Haddii aanu dawladda nahay waxaanu idiinku bushaaraynayaa inaanu idiin dhiso doonto Saldhigii Booliska iyo Maxkamadiiba, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in dadkii arrintan u xidhnaa ay xor yihiin saacadaasi laga bilaabo, xoriyadoodiina waanu u soo celinay.” Ayuu yidhi Wasiir Waran Cade.

Munaasibadaasi ayaa markii ay dhammaatay waxa ay Cuqaasha labada dhinaca halkaasi kula kala wareegeen 314 geel ah oo dhagor ah iyo 65 Halkaad lacagtood oo kaash ah, waxana kala wareeejintaasi goob-joog ka ahaa Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland.

Somalilandpost.net

Office/Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories