HomeWafti Somaliland ka Socda oo Safar Shaqo ugu Baxay Kenya

Wafti Somaliland ka Socda oo Safar Shaqo ugu Baxay Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost) – Wefti ka socda Wasaaradaha Beeraha iyo Kalluumaysiga Somaliland, ayaa Maanta Safar shaqo ugu Ambo-baxay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

 

Wefti ka kooban Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax., iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Sheekh Aadan, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya. Waftiga ayaa  Nairobi ku tagay casuumad ay ka heleen Hay’adda cuntada iyo beeraha Adduunka ee FAO, iyaga oo muddada ay halkaa joogaan shirar la yeelan doona hay’ado kale.

Weftiga 3 Weftiga 1

Wasiirrada beeraha iyo Kalluumaysiga Somaliland oo intii aanay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ka dhoofin la hadlay Saxaafadda ayaa faahfaahiyey ujeeddada socdaalkooda.

 

Wasiirka Beeraha JSL Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu Maanta Safar Shaqo ugu baxaynaa Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, weftiga aan ka mid ahay oo ka koobaan Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Maxamed Sheekh Aadan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax”

 

 

Dr. Maxamed Aw Daahir oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Safarkayagana ujeeddadiisu waxay tahay casuumad aanu ka helnay hay’adda FAO fadhigeeda Nayroobi iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya wax soo saarka iyo cuntada, si aanu ugala hadalno kobcinta wax soo saarka dalka. Haddii Alle yidhaahdo waxaanu ku maqnaan doonaa Shan maalmood, iyada oo aanu jecel nahay inaanu la kulano hay’ado badan oo ka shaqeeya wax soo saarka ama dalkeena ha degganaadaan oo fadhigooda halkan ha ahaado ama halkaasiba ha degganaadaane oo aanu kala hadli doono arrimo badan oo wax soo saarka iyo Kalluumaysiga ah.” Ayuu yidhi

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga  iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Buureed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu maanta u baxaynaa safar shaqo oo qaadan doona muddo shan cisho ah oo aanu Nayroobi ku tagayno, isla markaana hay’adda FAO noo fududaysay tegida iyo shirarka u horeeya oo aanu iyaga la gali doono ka dibna aanu la gali doono shirar hay’ado badan iyo ururro badan oo Caalami ah oo ay ka mid yihiin African Union-ku, EU-da iyo hay’addo kale oo xidhiidh la leh Wasaaradahan aanu masuulka ka nahay”

 

Wasiir Buureed waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu jecel nahay in maadaama oo dalkeenu inuu cagihiisa isku taago dhinaca cuno isku filaanshaha loo baahan yahay aanu hay’ado badan oo arrintaasi naga kaalmayn jiray shirar la soo yeelano shirarkaasi oo hore loo qaban jiray, markaa waxaanu safarkaasi ka rajeynaynaa in aanu ka soo faa’iidno wax qaranka wax u taraya Insha Allaah, haddana waad la socotaan oo mashaariic Kalluunka iyo Beeraha ku sabsan ayey hay’adahaasi nala wadaan, waxaananu rajeynaa inaanu soo helno kuwo kale oo dalka iyo dadkaba wax u tara Insha Allah”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Wasiirka Kalluumaysiga Somalil

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories