HomeWafti Somaliland ah Oo ka Waramay Safar Shaqo oo ay ku Tageen...

Wafti Somaliland ah Oo ka Waramay Safar Shaqo oo ay ku Tageen Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost) – Wasiiro iyo Agaasime ka mid ah Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay todoba maalmood oo ay ugu maqnaayeen caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi.

Wasiirro Yimid

Weftigan ka soo laabtay safarka shaqo ayaa kala ahaa Wasiirka wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed) , Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Sheekh Aadan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax

Wasiirada Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumeysiga oo warbaahinta ugu waramayey qolka soo dhawaynta Madaxda ee Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in safarkoodu ahaa casuumad ay ka heleen hay’adda Cuntada aduunka ee FAO xarunteeda Nayroobi, isla markaana kulamo la yeesheen hay’addo badan iyo safaarado dalkaasi ku sugan oo ay kala hadleen xidhiidh iyo wax wada qabsi ay Somaliland la yeeshaan.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo soo dhaweeyey weftiga ka koobnaa Wasiirada Beeraha, Kaluumaysiga, Wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa hadal uu madasha soo dhawaynta ka yidhi waxa ka mid ahaa “Fursad fiican ayey ii tahay inaan halkan maanta ku soo dhaweeyo dhawr wasiir oo miisaan leh oo culus oo ka soo laabtay Shaqo ay u tageen magaalada Nairobi, kuwaasi oo kala ah wasiirka Beeraha, Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha , kuwaasi oo muddo todoba cisho ah shaqo qaran ugu maqnaa dalka Kenya, dalku waa Nabad wax walba way hagaagsan yihiin aad iyo aad ayaan idiinku soo dhawaynaynaa dalkiina Hooyo”.

Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ka waramaya shaqadii ay ugu maqnaayeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu yidhi “Wasiir adiga iyo inta na soo dhawaysay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin anaguna waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu dalkiii oo nabad ah ku soo noqonay ka dib markii ay na casuuntay Hay’adda FAO todobadaa cisho ee aanu joognay Nayroobi waxaanu la kulanay hay’addo faro badan iyo safaarado badan oo ay ka mid yihiin hay’adda FAO iyo laamaheeda, hay’adda Ingiriiska u qaabilsan mucaawinooyinka ee DFID loo yaqaano, safaaradda Australia, safaarada Norway, Safaarada Japan, DENIDA iyo hay’addo fara badan oo kale, waxa iyana nasiib wanaag noo ahayd inaanu halkaasi kula kulano Safiirkii Somaliland halkaa u joogay oo intii aanu joognay isna lagu soo magacaabay wasiirkii qorshaynta qaranka oo wasiirkii ku lug lahaa hay’addaha aanu u wadanay, isagana ay faa’iido u noqotay in dadkii uu u shaqayn lahaa uu halkaasi ku soo barto, waxa uu ahaa safar aad iyo aad faa’iido u leh oo ku sabsan Cunto kordhinta dalkeena haddii ay tahay raashinka Beeraha ka soo baxa iyo haday tahay raashinka badda ka soo baxaba wax badan ayaa nooga soo qabsoomay Insha Allah faahfaahintiisana Xafiisyadii ayaanu la tagi doonaa”.

Wasiirka Kalluumeysiga oo isna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin wasiirka iyo xubnaha kale ee halkan nagu soo dhaweeyey, wasiirka beeraha ayaa soo koobay oo kolay waxaanu u tagnay hawl shaqo oo waad garanaysaan oo waa wasaaradihiii xaga waxsoosaarka cunada wadanka u qaabilsanaa, waxaanu dedaalka horumarka lagu jiraa ahaa inay Somaliland hore uga marto dedaalka ay ugu jirto Cunada maadaama oo hadeer wax kasta oo aynu cuno dibada la inooga soo dhoofiyo haddii ay dhibaatooyin dunida ka dhacaan ILAAHEY inaguma keenee cid waliba wixii ay la soo baxdo ayey cuni doontaa, maadaama oo aanu wasaaradahaasi nahay waxaanu dedaal ugu jirnay sidii la isugu filnaan lahaa ka dibna Nayroobi waxaanu u tagnay oo hay’adda FAO noo balamisay sidaanu halkan hore uga sii sheegnay safaarado badan iyo dawladdo badan oo ah kuwaasi mucaawinooyinka laga helo, waxaana ka mid ahaa kuwaanu la kulanay Midawga Yurub iyo safaarado badan waxyaabo badana waanu kala soo hadalnay waxyaabo badan ayaanay noo soo balan qaadeen oo waad iska garanaysaan dadkaa sida wax lagaga helo iyo hawsha ay qaadato, waxaananu ka faraxsanahay guul weyn inaanu kala soo kulanay, isla markaana gaadhsiinay Wax ka jira wadankayaga”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories