HomeWafti Ka Socda Imraadka Oo Indha-indhaynta Abaaraha Dalka U Yimi

Wafti Ka Socda Imraadka Oo Indha-indhaynta Abaaraha Dalka U Yimi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)-Waxa maanta wefti balaadhan oo ka socda Imaaraadka carabta dalka ku soo dhaweeyey safiirka Somaliland ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay dalka imaaraadka carabta inuu Somaliland wakiil uga noqdo Amb. Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinayaan wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, Mudane Keyse Guray, La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah Amb. Cabdifataax siciid Axmed, Gudoomiyaha xafiiska diwaanka Sekada Sheekh Siciid Maxamed Daahir, iyo isu-duwaha xafiiska samafalka ee Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

?
?
?
?

Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka iyo hay’adaha samafalka ee dhinaca Abaaraha la xidhiidh oo ay weftigii u horeeyey soo dirtay imaaraadka carabtu, ayaa safiirku ku soo dhaweeyey subaxnimadii hore ee maanta garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport. Weftigan ayaa noqonaaya weftigii saddexaad ee dalka soo gaadha intii madaxweynuhu magacaabay wakiilka imaaraadka carabta.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland Ee Wadanka Imaaraadka Carabta Baashi Cawil Cumar oo yidhi  “ Maanta farxad weyn bay  runtii  noo tahay inaan halkan kusoo dhawayno  Hay’adda  KHALIIFA FOUNDATION (Hay’adda Kheyrigaa ee Dawlada Imaaraadka Carabta) maaha runtii markii ugu horaysay ee Hay’addu timi dalka een marar horey timi baa jirtay oo ay ka waday haday noqoto mashaariicdii biyaha ama dhakhtarka, hasayeeshee muhiimada hada ugu wayne ay u timi runtii waxay ahayd inay u kuurgasho xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaanaynu la soconaa markii Madaxweynuhu ku jiray safarkii ceerigaabo inay dalka lasoo derseen abaaro xun wakhtigaa Madaxweynuhu u saaray gudi heer qarana oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka  JSL waxay guddigu markii ay deristay xaalada dalka ay sameeyeen qeylo dhaan ay u direen dhamaan Hay’addaha dunida iyo wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa aynu saaxiibka nahay, Markaa Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya taladii gudiga waxaa uu sameeyey inuu u diro codsi Dawlada Imaaraadka  Carabta uu ka codsaday in lasoo taakuleeyo shacabka reer Somaliland ee iyagu dhibaataysan markaa arrintani waxay jawaab u tahay taakulayntaa iyo dalabkaa uu Madaxweynuha JSL  sameeyey,”

Waxa isna halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Waarada Arimaha Dibada JSL  Axmed Aadan Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu tidhi “ Runtii maanta oo ay bishu 16- august waxaa farxad weyn noo ah hadaanu nahay Wasaarada Arimaha Dibada oo aanu ku metelayno Xukuumada Somaliland ee uu Safiirkii Imaaraadkuna nala joogo innaan halkan kusoo dhaweyno Sayir Khaliifa Foundation(Jimciyatul Kheyriiya) oo runtii u timi jawaabta dalabkii qeylo dhaantii uu Madaxweynaha JSL u ka diray, Fursadan annagoo ka faaidaysanayna uga mahad naqaynaa Sayid Khaliifa Foundation yacni sida dhakhsaha ah ee ay qeylo dhaantii Madaxweynaha iyo Gudiga Abaaruha Gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenku ay uga soo jawaabeen, Waxay joogi doonaan hadii illaahay ka dhigo ilaa mudo ku dhow 20-cisho markaasoo ay indhahooda kusoo arki doonaan heerka ay gaadhsiisan tahay Abaartu saamaysay xoolaha iyo beeraha markaa runtii gadaal baanu ka sheegi doonaa meelaha ay tagi doonaan, iyagoo indhahooda kusoo arki doonaa waftiga kolay Media-hoodiina wata sida baaxada leh ee abaartu u saamaysay dad,  duunyaba iyo xoolaba, Marlabaad iyo mar saddexaadba waxaanu u mahad naqaynaa Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Siyid Khaliifa Foundation yacnii jawaabta ay kasoo jawaab bixisay sida ugu dhakhsiyaha badanle uga soo jawaabtay Dalabkii Madaxweynaha iyo qoraalka ahaa qeylo dhaanta ahaa iyo Gudiga Abaartaba ”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories