HomeWafti Imaaraadka Ka Socda Oo Doonayay Inay Waxtaraan Xarunta Agoomaha iyo Jaamacada...

Wafti Imaaraadka Ka Socda Oo Doonayay Inay Waxtaraan Xarunta Agoomaha iyo Jaamacada Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta  hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay  wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).

DSC_0016

 Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu  hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta & Awqaafta, oo booqasho ku yimid dalka  saaka. Madaxa waftiga ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport ilaa iyo intii uu maraayay xarumaha dawladda Somaliland ee uu  boqday.

 Madaxa waftiga hogaaminaayey  Mudane  Maxamed Madar Saalim Al-kacbi wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaa  dhowr iyo soddon sano ka hor  goob lama degaan ah oo  faqri iyo aqoon darro  taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa waftigu hogaaminta wanaagsan ee sheikh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halkan ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay ku  hogaaminayaan dalka Somaliland.

Wuxuu intaa  ku daray in waxkasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalka Imaaraadku kala hadhaynin dalka Somaliland oo  uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah. sagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka hawl-gala Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargaysa, sidoo kalena ay jaamacada hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaamiga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ay  heshiis kala saxeexanayaan   maamulka sare ee Jaamacada Hargaysa.

 Madax waftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyay  hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka arkay dalka intuu  ku sugnaa.

 Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha  Madaxwaynaha wuxuu si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku tilmaamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan intan abaarta ba’ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haatana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin oo  loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.

 Waxaanu raaciyay ku simaha Madaxwaynuhu in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dadiina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.

 Ugu Danbayntii  ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in mahadnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga Maxamed  Madar iyo Hay’ada Sheikh Saa’id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.

 Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeyeen xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaafinta JSLMudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)oo si gaara uga waramay xaalada abaarta  dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiirku xigeenka wasaarada warfaafintaMarwo Shurgi Xariir Ismaciil,iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.

 Waxay kale oo ay mareen waftigu xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mudaneSheekh Khaliil Cabdilaahi Axmedoo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee hargaysa oo ay warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marwo Caasha Maxamuud Qaalib,waxay kaloo mareen xarunta jaamacada hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud  Yuusuf   oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaa  hormoodka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.

 Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories