HomeWafti Balaadhan Oo Ka Socday Xisbiga Waddani Ayaa Si Diiran Loogu Soo...

Wafti Balaadhan Oo Ka Socday Xisbiga Waddani Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin sar sare oo ka socday dalka Mareykanka oo ugu horeeyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Menisota Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir, Axmed Nuur Qodax iyo Habboon Faarax, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Waxaana weftigan oo u jeedkiisu yahay dar-der-gelinta hawlaha xisbiga iyo sida oo kale u kuur-gelidda xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan gobalka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, sida oo kalena ay wehelinaayeen xildhibbaan Siciid Warsame Gaane, xoghaye xigeenka arrimaha siyaasadda Md.Maxamed Abiib, afhayeenka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Weftigan, ayaa markii ay soo gaadheen xarunta gobalka Saaxil ee Berbera, waxa si weyn u soo dhaweeyey guddoomiyaha gobalka Saaxil ee xisbiga WADDANI, afhayeenka gobalka, garabadda dhallinyarta iyo haweenka, iyo taageerayaal kale.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Saaxil Md.Cali Axmed Kooshin oo ugu horeyn halkaas ka hadlay si diiran u soo dhaweyey weftiga, waxaana uu uga xog waramay hawlaha xisbiga iyo sida oo kale xaaladda guud ee gobalka Saaxil, isaga oo carabka ku dhuftay in uu aad uga dayrinaayo xaaladda ay maanta ku sugan tahay magaalada Berbera.

“Aad iyo aad ayaan idiin soo dhaweynayaa gebi ahaan mas’uuliyiinta kala duwan ee xisbiga WADDANI ee ka kala socda guddo iyo dibadba, gaar ahaan xubnaha weftiga ah ee ka yimi dalka Mareykanka ee u soo kici timay in ay xog-oggaal u noqdaan xaaladda guud ee dalka, aad iyo aad ayaan mar kale idiin soo dhaweynayaa, waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiina. Waxaana aan idiin sheegayaa in Xisbiga WADDANI uu maanta hantiyey quluubta shacabka gobalka Saaxil, ku waasi oo ayidsan in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga qudha ee dalka ka dhallin kara is-bedel xalaal ah oo aan ahayn kii lagu hungoobay ee xisbiga KULMYIYE.”.Ayuu yidhi Md.Cali Axmed Kooshin

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka xog waramay u jeedka safarkooda iyo sida oo kale waxyaabaha uu daaran yahay, waxaana uu sheegay socdaalkoodani khuseeyo dar-der-gelinta hawlaha xisbiga iyo sida oo kale u kuur-gelidda xaaladda guud ee bulshada ku dhaqan gobalka Saaxil. “Farxad weyn ayey maanta noo tahay in aanu soo booqanno magaalada Berbera, aad iyo aad-na waanu uga mahad-celinaynaa madaxda xisbiga WADDANI ee gobalku sida fiican ee ay noo soo dhaweeyern. Weftigan maanta waxa uu ka kooban yahay mas’uuliyiin sar sare oo ka socday dalka Mareykanka, kuwaasi oo u socday xog-oggaal noqoshada xaaladda dhaqan dhaqaale ee dalka, muddooyinkii dambe dalka ayey ku sugnaayeen, gobalka Awdal ayey hore u soo mareen, Hargeysa waa ay soo mareen, goobo kala duwanna waa ay tageen, maantana idinka(Berbera) ayey idin la jooggaan, waxaana ay berry u sii socdaali doonnaan magaalada Burco.”.Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Guddoomiyaha gobalka Menisota ee xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisa, gaar ahaan isaga iyo weftiga ka socda dalka Mareykanka, waxaana uu tilmaamay in kaliya ay dalka u yimaadeen siddii ay xog-oggaal dhabba ugu noqon lahaayeen xaaladda guud ee ay ku nool yihiin shacabka Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa shacabka isla mar ahaantaana looggu horseedi lahaa isbedel xalaal ah.“Farxad weyn ayey ii tahay in aniga iyo weftiga ka socda xisbiga WADDANI iyo gaar ahaan intayada ka timi dalka Mareykanku aanu maanta soo gaadhno Berbera, hore goballada Awdal iyo Maroodi-jeex ayaanu u soo marnay, maantana Berbera, haddii Alle idmana waxa aanu isku deyi doonnaa in intii karaan kayaga ah aanu uga sii gudubno goballada kale. Ujeedka socdaalkayagu waxa uu daaran yahay siddii aan ka qurbo-joog ahaan wax uga oggaan lahayn xaaladda dalka, maadaama oo aanu had iyo jeer kale iya Tv-yada uun wax aragno, waxaana aanu rabnaa in aanu dareen dhow la wadaagno shacabkayaga si wixii aanu tari karno aanu u tarno, sida oo kalena ugu horseedno horumar iyo isbedel habboon. Annaga oo goballaddii aanu soo marnay iyo kanba ka markhaati kacayna in loo baahan yahay isbedel xaala oo dadka iyo dalkaba wax u tara.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir

 

    

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories