HomeWADDANI: Shirkadaha Shidaalka iyo Isgaadhsiintu wer-wer bay qabaan

WADDANI: Shirkadaha Shidaalka iyo Isgaadhsiintu wer-wer bay qabaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Bashiir Cabdi Xariir, ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay Shirkadaha Shidaalka, waxa kale oo uu ka hadlay go’aan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Go’aankaasi oo lagu xadidayo Hirarka Isgaadhsiinta

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Bashiir Cabdi Xariir oo ugu horeyn ka hadlay go’aanka ay soo saartay Wasaaradda Boosuhu ayaa yidhi “Maanta wer-wer badan baa ku furan Ganacsatada, kuwa isgaadhsiinta qoraalo ayaa ku soo baxay iyo go’aamo ka soo baxay Wasaaradda Boosta oo Madaxtooyaduna og tahay oo lagu mamnuucay inay la soo dagi karaan wax qalab ah oo xitaa Hay’adihii ay gacanta ku hayn ay dib u habayn ku samayn karaan, birta jabta tii lagu beddeli lahaa ama lagu balaadhin lahaa maanta way ka xaniban tahay oo way ka xidhan tahay, waa qaraar sharci-daro ah oo khalad ah”.

Mar uu ka hadlayey Shirkadaha Shidaalka ayaa yidhi “Kuwii Shidaalka keenayay waxay wer-wer ka qabaan Shirkado waaweyn oo dibedda kaga yimaadda, way ku filan yihiin inay dalkeena shidaal keenaan, iyaga ayaa iibinaayey, iyaga ayaa gaadhsiinayey, haddii dalalka jaarka ah la doonayo in la gaadhsiiyo Xukuumadda xilka saarnaa waxaa laga doonayaa inay heshiisyo la soo gasho dalalka jaarka, oo ay hor mariso Shirkadaha ay iyadu leedahay ee Waddaniga ah, Maanta waxay ka wer-wer qabaan in qaar dibedda kaga yimid oo ka xoog rooni inay suuqa ka saaran oo ay kala wareegaan, Haamihii hore ayaa looga wareejiyey, Dawladda waxaa looga baahan yahay inay ilaaliso madax-bannaanida Ganacsiga, Xukuumadda waxaa laga doonayaa haddii ay doonayso inay talaabo ka qaado Ganacstada inay soo saarto Xeerkii kala xadaynayey Ganacsiga oo iyaga iyo Ganacstada yar yar Xeerkii u dhexeeyey la sameeyo”.

Dhanka kale, wuxuu soo jeediyey in la sameeyo qorshe lagaga maarmayo caafimaad dibadeed iyo qorshe shaqo abuur loogu samaynayo dhalinyarada jaamacadaha ka baxa, wuxuu kale oo uu ka digay in dalku dhaxal wareego, isla-markaana wax laga qabto dadka aan dalka u dhalan ee ku soo qulqulaya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories