HomeWADDANI oo Xukuumadda ku dhaliilay inaanay inay isku koobtay wada-hadalladii Khaatumo iyo...

WADDANI oo Xukuumadda ku dhaliilay inaanay inay isku koobtay wada-hadalladii Khaatumo iyo ka-maqnaanshaha Xisbigooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dr FadalHargeysa (SLpost) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa sheegay in xisbi ahaan si weyn usoo dhaweynayaan natiijada wada-hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, balse ay saluugsan yihiin inaanay xukuumaddu xisbi ahaan ka talo-gelin wada-hadallada.

Dr Fadal waxa uu intaasi ku daray in bulshada gobolka Sool ay abaal weyn ku leedahay Somaliland isla markaana ay si balaadhan uga soo qayb qaateen dhismihii Somaliland.

Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, isagoo arrimahan ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Marka hore waxa aan doonayaa in aan usoo dhaweynaynaa oo aan aad u amaano weftiga miisaanka leh ee Hargeysa inala jooga ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Khaatumo iyo ragiisa la socda iyo inta kale ee taageersan ee daafaha dunida kala socotaba waan bogaadinayaa, waxaanan leeyahay xisbiga Waddani arintaa wax alaale iyo wixii dedaal ah ee laga soo galay ee weftigaa iyo wadahadaladii Somaliland iyo cidii ay u dirtayba ay ka qayb galayeen wixii ka soo baxay mar walba waanu taageersanahay, waananu hirgalinaynaa, waananu dhiirigalinaynayaa.”

“Waxa kale oo aan bogaadinayaa bulshada Hargeysa ee sida fiican usoo dhaweysay ee ay iyana ka mahad sheegteen ee sida sharafta iyo karaamada leh usoo dhaweysay, laakiin waxa aan doonayaa in aan wax yar oo dhaliil ah usoo jeediyo xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ee talada dalka gacanta ku haya in taabo-gaabni ay ka muuqato arintaasi oo wakhtigii la bilaabay ka hor iyo shirkii Addis Ababa ilaa maanta ay mudo badani u dhaxayso oo wali aynu marayno mabaadii guud oo ay ahayd in maanta aynu ku gudo jirno hirgalinta iyo taabogalinta heshiis taam ah oo ilaa gunta dhaadhaca oo bulshada gudo iyo dibadba kala macaamilno arintaa waan ku dhaliilayaa,” Sidaas ayuu yidhi Dr Fadal.

Waxa kale uu xukuumadda ku dhaliilay inaanay xisbigooda ka qayb-gelin geeddi-socodka wada-hadalladaas, “Waxa kale oo aan ku dhaliilayaa kali-toocsiga Xukuumada Kulmiye isku koobayso ee ay xisbiga Waddani kala dhuumanayso, ka qarsanayso ee ay ka irdhaynayso arintaas oo runtii ah arin masiiriya ayaa runtii arinta masiiriga ahi ay qiimo ku leedahay in loo dhan yahay, labada dhinacba waxa uu iimaankooda iyo qalbigooduba uu ku fadhiisanayaa oo ay qiimo ku yeelanaysaa inaynu isku dhan-nahay marka aynu arintaa xalilayno, sidaas oo ay tahay ayaanu hadana ilaa heerka la soo gaadhsiiyey aanu ku taageeraynaa oo ku ogolahay oo waliba aanu si gaar ah ugu amaanaynaa dedaalka Khaatumo ay arintaasi ka soo galayso. Waxa kolay aynu ognahay in weftiyadii loo dirayey (Khaatumo) inay weyd weyni ka muuqatay oo taasina ay keentay in wakhtigu iska soo jiitamo oo ilaa maanta ay iska soo jiitanto.”

Dhinaca kale mar uu xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga Waddani uu ka hadlayey taariikh ahaan muhiimadda ay Somaliland u leeyihiin bulshada gobollada Sool iyo Buuhoodle, waxaan yidhi, “Dhinaca kale waxa aan doonayaa in aan xusuusiyo ummadda reer Somaliland oo isu dhanba Reer Sool abaal weyn ayay ku leeyihiin Somaliland oo ay ka soo galeen jiritaankeedaba, waxaan idin xusuusinayaa wakhtigii ugu adkaa ee dagaalkii xoraynta lagu jiray doorkii aqoonyahanka reer Sool ee Garaad Cabdiqani uu hogaaminayey ee hadh cad ka soo horjeesteen dagaalkaa, door weyna ay ka qaateen soo afjaridiisa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories