HomeWADDANI oo Naqdiyey Wariye Burco lagu Budheeyay

WADDANI oo Naqdiyey Wariye Burco lagu Budheeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa xukumadda ku naqdiyay wax ka qabasho la’aanta wariye todobaadkii dhammaaday lagu garaacay magaalada Burco. Waxa uu bulshada uu ka soo jeedo wariyuhu ugu baaqay Mr Boobe inaanay wax talaabo ah qaadin maadaama xukumaddu talaabo ka qaadi wayday cidii falkaasi gaysatay.

Wariye Axmed Muuse Sakaaro ayaa Arbacadii la gaadhsiiyay nabaro loo adeegsaday bud “Sidaanu warka ku hayno afar nin ayaa gaadhi ka soo degay dabeedna nin la yidhaahdo Axmed Muuse Sakaaro oo wariye ah ayaa budka lagu boobay, shaashadaha ayaa la soo dhigay isagoo dhiigu ku shaxan yahay dharkiisii, isagoo dhawr nabar qaba. Waa Arbacadii, khamiis, jimce iyo maanta oo Sabti ah ninkaasi sidaas ayuu u dhaawacan yahay oo aan waxba laga qaban  arrintiisa,” ayuu yidhi Xoghaye Boobe.

Mudane Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu ugu baaqay hay’addaha ammaanka iyo maamulka heer gobol iyo degmo ee Burco inay soo qabtaan cidii falkaasi gaysatay

 “Dee ha la soo qabto ma dadkaa la isku dilayaa, mee maayarkii magaaladu, dhacdadaasi maanay ka dhicin magaalada aad madaxda ka tahay? Mee badhasaabkii shaashadaha taagnaa? Maxaa hadhay ma cidluu ka dhashay ninku saw reer kamuu dhalan, saw lama doonayo uun in labada reer isku baaba’aan? Mee taliyihii bilayska ee halkan ka doobinayay een afhayeenka lahayni? Xukumadda waxaan faraynaa dadka ha isku dilina ee kala qabta,” ayuu yidhi Mr Boobe.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Boobe bulshada uu ka soo jeedo wariyaha la jid dilay “ Beesha ninkaasi ka dhashay waxaanu magan idiinka nahay inanku wuu idinka dhashay laakiin, wuxuu ka tirsan yahay bahda warbaahinta, beesha aad moodaysaan mid ka weyn ayuu ka tirsan yahay, mid ka awood badan buu ka tirsan yahay, mid ka qalab badan buu ka tirsan yahay, laga bilaabo saacaddaas wixii aynu qalab haysanay ayaynu adeegsanaynaa, waxaanu magan idiinka nahay inaanay odayaashaasi shir jaraa’id qaban, inaanay arrinta gacanta ku qaadan,inaanay odhan waanu soo aarsanaynaa, arrintaasi dawladda ayay u taalaa, haddday wax ka qaban weydo bahda saxaafadda ayay u taalaa,” ayuu yidhi Mr Boobe.

Geesta kale Gudomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa dhacdadaasi mid fool xun ku tilmaamay

“ Dhacdadii Suxufi  Axmed Muuse Sakaaro aad iyo aad baanu uga xunnahay. Dhacdo fool xun ayay ahayd oo aan loo dulqaadan Karin, tu aan hore inoo soo marin ayay ahayd in inta qof suxufi ah intay cidi u timaado uun ku istaadho, waa la xidhi jiray oo hagar daamo kale way la kulmi jireen dawladdan uun maahee dawlad walba laakiin, dhacdo aan loo dulqaadan Karin ayay ahayd,” ayuu yidhi badhasaabku.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaan wali lahayn cidii falkaasi gaysatay balse odayaashoodu u xidhan yihiin “ markii arrintaasi saxaafadda soo gashay ee la ogaaday amar baan ku bixiyay in la soo qabto cidii waxaas ka dambeysay. Waxa ii muuqata inaan ilaa hadda la hayn cidii falkaas gaysatay. Dhaqan baynu leenahay oo wadooyin bay maraysaa, markaa ehelkoodii baa u xidhan arrintan dadkii gaystay, waxaa ka mid ah jiif caaqilkii, ilaa 5 qof baa xidhan. Iyagu dhib may gaysan laakiin, dhaqan ahaan inankii keena ayaanu leenahay ilayn guryihiina ayuu ku jiraaye Jarmal muu tagine, waana la soo qaban doonaa ha dhawaato ha dheeraatee,” ayuu yidhi Badhasaabku

Somalilandpost, Hargeysa Office

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories