HomeWADDANI oo Ka Hadlay Khilaafka iyo Is-casillaadda Xukuumadda KULMIYE

WADDANI oo Ka Hadlay Khilaafka iyo Is-casillaadda Xukuumadda KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa goor dhawayd soo saaray qoraal uu u bixiyey Dil-dilaaca Xukuumadda iyo Khilaafka Kulmiye islamarkaana uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo is casillaaddii shalay ee xubno badan oo ka mid ah xukuumadda Kulmiye shaqada kaga tageen oo salka ku haysa khilaafka musharaxnimada Kulmiye.

Xisbiga Waddani waxa uu ku eedeeyay Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo is huwan in ay hayaan dariiq aan ahayn himilada habka dimuqraadiga ah ee tartan xalaa ah. Waxa kale oo uu xisbiga Waddani sheegay in ay ay iska ilaalinayeen in ay dhex galaan ama ka hadlaan khilaafka Kulmiye sababta oo ay ku sheegayn in ay ka baqayeen in aannay ka badbaadayn maadaama oo aannay iyaga khilaaf dhex oollin.

War-murtiyeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Somalilandpost ayaa u dhignaa sidan:

 

“Bishan Oktoobar 26dii, 2015ka, waxa magaalada Hargeysa ka dhex qarxay muran iyo is-maan-dhaaf ka dhex jiray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya oo soo taxnaa tan iyo Kal-fadhigii 3aad ee Xisbiga ee Burco ku qabsoomay 2008kii.

Isaga oo Xisbiga Kulmiye ku magacaaban Xisbiga talada dalka hayay ilaa waqtigaas jidka uu marayay wuxu ahaa dariiq aan ka tarjumayn himilada habka dimuqraaddiga ah iyo tartan xalaal ah, bal se wuxu u biyo-shubanayay qori-isu-dhiib kooxeed. Wuxu inagu waday waddo khaldan oo uu ku ambinayo qarankan socod-baradka ah. Waxaynu halis ugu jirnaa in aynu mar kale sidii lixdankii la inoo anmbiyo oo himilada iyo halgankii ummadda loo jaho-wareeriyo.

Haddii aanu Xisbiga Waddani nahay aad ayaanu iskaga dhowrnay in aanu ka hadalno ama faro-gelinno doodaha iyo murannada Xisbigaa dhexdiisa ka socday, annaga oo aamminsan in aanaan ka nabad-galleen annaga oo aan dhiillo naga dhex taagnayn. Mar haddiii immika burbur dawladeed iyo walaac qaranba abuurmeen, waxaanu Xisbi ahaan aamminsan nahay in lagu dhaqmo habka dimuqraaddiyadda, tartanka xalaasha ah iyo xeerara kala gaarka ah ee ay Xisbiyadu ay leeyihiin iyo ka guud ee ka dhexeeya ee Lam. 14aad. Waxaanu aamminsan nahay in laga fogaado kooxaysiga qori-isu-dhiibka ah iyo ku-danaysiga magaca reeraha oo ay Xukuumaddan Siilaanyo si baahsan oo fool xun u adeegsatay intii ay talada dalka haysay.

Waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanu dariiqa ay jeexayaan uu yahay mid aan lagaga dayan karin. Wax la qaadan karo ma aha in Madaxweynuhu isugu yeedho koox Wasiirro ah oo uu reernimo ku xushay, isaga oo isugu yeedhi karayay Golihiisa Xukuumadda oo isu dhan oo uu talo weydiin karayay. Waana dhaqan uu shantaa sannadood ku shaqaynayay oo dal iyo dadba aafeeyay.

Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxay abuurtay shaki iyo mugdi isku gedaamay Somaliland oo werwer iyo walaacba ku abuuray beesha caalamka iyo dadkii maal-gashan lahaaba. Dhaqanka Xukuumaddan iyo Xisbigani, wuxu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa tacabkii iyo guulihii dhiigga lagu hantiyay ee shacbiga Somaliland.

Xisbiga Waddani isaga oo qaddarinaya midnimada iyo nabadgelyada qaranka, wuxu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa feejignaan iyo nabadda oo la ilaaliyo.,

Sow kii Gaarriye lahaa:

“Nin dawee la leeyahay,

Dembi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay,

Isaguu u daranyoo,

In la daaro ma oggola,”  ”

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories