HomeWaddan Muslimiinta ku Dhaqan Qaybo ka mid ah laga mamnuucay Gudashada Waajibaadka...

Waddan Muslimiinta ku Dhaqan Qaybo ka mid ah laga mamnuucay Gudashada Waajibaadka SOONKA ee Bisha Ramadan (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kashgar (SLpost)- Qaybo ka mid ah hay’adaha Dawladda ee ka hawl-gala gobolka Xinjiang ee Galbeedka dalka Shiinaha, ayaa shaqaalaha Muslimiinta ee ka shaqeeya ka mamnuucay gudaha waajibaadka Soonka ee Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gobolka Xinjiang oo ku yaala Galbeedka dalka Shiinaha isla markaana ay xad-wadaagaan dalka Mangolia iyo Jamhuuriyadaha Islaamka ah ee ku yaala Badhtamaha qaaradda Eeshiya, waxa ku nool Qabaa’ilka loo yaqaano Uighurs oo asalkoodu ka soo jeeda qoomiyadda Turkiga ee ku dhaqan badi dalalka badhtamaha Eeshiya.

chinaSaraakiisha iyo shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha dawladda ee gobolkaas, ayaa lagu amray inaanay ka qayb-qaadan karin Soonka Bisha Ramadaan iyo Munaasibadaha kale ee diiniga ah, waxaanu go’aankani ku soo beegmay xilli lagu gudo-jiro hawl-gallo ammaanka gobolkaas lagu xoojiyey oo ay ka dhasheen weerarro sababay isku-dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dadka shacabka ah.

Weerarradan ayaa dawladda Shiinuhu ku eedaysay Qabaa’ilka Uighurs oo ah gooni-goosad doonaya inay ka madax-bannaanaadan dalkaas, haseyeeshe hoggaamiyeyaasha Uighurs-ka ayaa beeniyey inay ka dambeeyaan weerarrada. Waxaana dawladda looga arrimo magaalada Beijing lagu eedeeyey inay faro-gelinta ay ku samaynayso madax-bannaanida iyo dhaqamada Diiniga ugu mar-marsiyoonayso cadaadis ay ku hayso rabitaanka ay shacabka gobolkaasi ku doonayaan inay kaga madax-bannaanaadaan dalka Shiinaha.

Xianjing muslims (1)Telefishanka iyo Idaacadda Dawladdu maamusho ee gobolkaas ayaa laga baahiyey in amarka dawladdu soo saartay uu ku socdo xubnaha Muslimiinta kaga jira Xisbiga Shuuciga ee dalkaas ka taliya, macalimiinta iyo shaqaalaha da’yarta ah ee ka shaqeeya hay’adaha dawladda.

“Waxaanu qof kasta xusuusinaynaa in aan loo oggolanayn inay gutaan soonka bisha Ramadaan,” ayaa lagu sheegay fariinta laga sii daayey telefishanka iyo Idaacadda.

XinjiangDadka Muslimiint ah ee ka shaqeeya cusbitaallada dawladdu maamusho iyo wasaaradda qaarkood, ayaa go’aankani ku khasbayaa inay saxeexaan warqad caddeynaysa inaanay ka qayb-qaadanayn Soonka Bisha Ramadaan, arrintaas oo la aamisan yahay inay sii kordhinayso kacdoonnada ka jira gobolka Xinjiang.

Cuno-qabataynta ay dawladda Shiinuhu ku so rogtay Muslimiinta ku dhaqanka gobolka Galbeedka Shiinaha ee Xinjiang, ayaan ahayn markii u horreysay ee tallaabo noocan ah ay kula kacdo, waxaanay ku eedaynaysaa inay ka dambeeyaan kacdoonno isa soo tarayay oo gobolkaa ka jira. Haseyeeshee, dadka Muslimiinta ah ayaa aamin inuu go’aankani duullaan ku yahay diintooda, taasina ay kor u sii qaadi karto xaaladda taagan.

Xianjing muslims (2)Qoomiyadda Uighurs ee Muslimiinta ah waxa ay boqolkiiba 45 ka yihiin shacabka ku dhaqan gobolkaas, halka boqolkiiba 40 ay ka yihiin qoomiyaha HAN ee Shiinaha, ka dib markii dawladda Shiinuhu ay sannadkii 1949-kii la wareegtay gacan ku haynta gobolka Xinjiang oo hore u lahaa dawlad madax-bannaan oo la odhan jiray East Turkestan, taas oo muddo kooban dhisnayd ka hor intii aanu Shiinuhu la wareegin, waxaana ilaa wakhtigaas lagu daad-guraynaynayey isla markaana dadkii Muslimiinta ahaa baro-bixiyey Qoomiyadda Indho-yarta ee loo yaqaanno HAN oo ah qoomiyadda ugu badan Dal-weynaha Shiinaha.

SOMALILANDPOST.NET

INFO@CODKAHARGEYSA.COM

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories