HomeWaddan Islaam ah oo Haweenka u oggolaaday Inay Guursadaan Ragga aan Muslimiinta...

Waddan Islaam ah oo Haweenka u oggolaaday Inay Guursadaan Ragga aan Muslimiinta ahayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tunis (SLpost)- Dowladda Tunisia, ayaa Wax-ka-beddel ku samaysay Xeerka Islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay guursadaan ragga aan haysan Diinta Islaamka.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid ka hor imanaysa Shuruucda Diinta Islaamka oo dhigaysa Inaanay haweenka Muslimiinta ahi guursan karin ragga aan Muslimiinta ahayn.

 

blank

 

Haweeney afhayeen ah oo u hadashay madaxweynaha dalkaas, Beji Caid Essebsi, ayaa ku dhawaaqday arrintan waxayna dumarka ugu hambalyeysay helitaanka waxa ay ugu yeedhay “Xorriyadda ku saabsan in qof walba uu guursado qofkii dookhiisa ah”.

 

Sharciga u yaalla Dalalka Muslimka ah oo Tunisia ka mid tahay, Nin kasta oo aan muslim ahayn haddii uu damco inuu guursado haweeney reer Tunisia ah oo muslimad ah, wuxuu ku khasban yahay inuu soo islaamo, islamarkaana uu soo bandhigo shahaado caddeyn u ah inuu diinta islaamka qaatay. Balse tallaabadan ayaa wax ka beddelaysa arrintaas gudaha dalka Tunisia.

 

Xuquuqda Dumarka Tunisia

Dalka Tunisia oo 99% muslim ah ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka carabta ee horumarka ugu weyn ka gaadhay ilaalinta xuquuqda haweenka.

 

Isbaddalka cusub ee lagu sameeyay sharciga ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Essebsi ku dadaalay in meesha laga saaro xeerka xaddidaya guurka haweenka muslimiinta ah ee waddankaas, kaasoo la meel mariyay sanadkii 1973-kii.

 

Khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay munaasabadda dabaaldagga maalinta haweenka ayuu ku sheegay in xeerka xaddidaya guurka “uu caqabad ku noqday xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu dookhiisa guursado”.

 

Xaddidaaddaas ayaa sidoo kale loo arkayay mid aan waafqsaneyn dastuurka Tunisiya ee la dhaqan galiyay sanadkii 2014-kii, kaasoo uu sabab u ahaa kacdoonkii loo yaqaannay Gugii Carabta (Arab Spring).

 

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Tunisiya ayaa iyana in muddo ah u ol’oleynayay in meesha laga saaro xeerka isku diidaya haweenka muslimiinta ah iyo ragga aan muslimiinta ahayn.

 

Amarka ay madaxtoooyadu hadda soo saartay ayaa u dhaqan galaya si deg deg ah, lammaanuhuna waxay xor u yihiin inay warqadahooda meherka ka diiwaan galiyaan xafiisyada dowladda.

 

Maxay ka dhigan tahay tallaabadani?

Sida ay sheegtay Rana Jawad, oo BBC News uga soo warranta magaalada Tunis, dad badan oo reer Tunisiya ah ayaa tallaabadan u arka guul kale oo laga gaadhay hirgalinta xuquuqda haweenka ee waddankaas.

Waxay arrintan Tunisia ka dhigeysaa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan gobolka dalalka Carabta ee Bariga dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee laala sharciga guurka ee waafaqsan diinta ugu weyn ee waddanka laga heysto.

 

Horay waxaa ragga muslimiinta ah ee dalkaas loogu oggolaa inay guursadaan haweenka aan muslimiinta ahayn.

 

Dalka Tunisiya waxaa ku nool dad Yuhuud ah iyo masiixiyiin tiro yar ah, mana cadda sida sharciyada guurka xaddidaya loo waafajin jiray.

 

Bishan July gudaheeda, baarlamaanka Tunisia ayaa meel mariyay sharci cusub oo soo afjaraya xeer horay u dhigayay in ragga kufsiga geysta ay ciqaab walba ka badbaadaan haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen.

 

@BBCSOMALI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories