HomeWaddamada Yurub Oo Khaati Ka Taagan Dhallinyaradooda Jihaadka U Safra iyo Go’aamo...

Waddamada Yurub Oo Khaati Ka Taagan Dhallinyaradooda Jihaadka U Safra iyo Go’aamo loo Qorsheynayo Xakameyntooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Cadaymaha loo heayo tirada sii kordhaysa ee dhalinyarada reer Britain ee Jihaadka u tagaya waddanka Suuriya si ay uga barbar dagaalamaan kooxaha Mucaaridka ah ayaa sababtay in xukuumada Uk ay wada xaajood arimahan khuseeya la gasho wadamo dhowr ah oo ku jira Midowga Yurub, iyadoo laga cabsi qabso in halgamayaasha dagaalada ka soo noqonayaa weeraro ka dhex abaabuli karaan gudaha Yurub.

Khubarada is urursatay waxay ku talinayaan in fiiro gaar ah loo yeesho bisha Ramadaan ee Bilaabmaysa 9 bishan July in uu korodh ku yimaado dhalinyarada u safraysa Dhinaca Wadanka Suuriya ee dagaalka sokeeye ka socdo, taas oo keenaysa in dhallin yaro badani tababar ku soo qaataan halkaasi.

Booliiska iyo kooxaha Sirdoonka ayaa iyagu hore ugu hawlanaa isha ku haynta dhallinyarada Muslimiinta ah ee u safarta wadamada ay kamidka yihiin, Soomaaliya, Nigeria, Mali iyo Pakistan si ay uga qayb qaataan dagaalada wadamadaas ay ka wadaan kooxaha mucaaridka ahi.

Booliiska wadanka Tansaaniya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen oo xidheen nin gudaha wadankaasi looga yaqaano Axsaan Cali Iqbaal oo 19 jir ah, sida la tilmaamayna haysta Baasboorka wadanka Ingiriiska, waxaana looga shakisan yahay, ku lug lahaanshaha falal argagixiso oo laga fuliyey gudaha wadanka Britain.

Si kastoo xaal yahayba, waxa jira feejignaan isa soo taraysa oo lagula soconayo tirada sii kordhaysa ee dadka u socdaalaya Suuriya, Howlgalkan Ingiriisku horkacayaana waa mid lagu xakamaynayo cabsida laga qabo waxyeelada dhalintaasi. Waxyaabaha xooga la saarayo ee ah go’aamada suuro galka ay tahay in shirarkan laga soo saarana waxa ka mid ah : In la mamnuuco safarada loogu baxayo ka qayb galka jihaadka, xayiraad lagu soo rogo dhaq-dhaqaaqa ururo khaas ah, xanibaad la saaro xisaabaha uga furan Bangiyada, musaafurinta culimada faafiya ku dhiiranaanta jihaadka iyo sidoo kale in laga saaro liiska dadka qaata caydha ay bixiyaan xukuumadaha wadamadaasi.

Xog-haynta xafiiska Arrimaha Shacabka ee wadanka Ingiriiska, Theresa May, oo hoggaaminaysa doodda waddankeeda iyo Kooxaha waddamada Yurub metelaya ah ee loo badinayo inay ku jiraan dalalka, France, Denmark, Belgium, Spain, Sweden, Holland iyo Ireland, ayaa si weyn loogu lafo guri doonaa la dagaalanka waxay ugu magac dareen “ Dalxiis ugu bixidda Jihaadka”.

Kooxdan ayaa lagu soo dhisay kadib kulan ay wasiiro hore oo dalalkan ka tirsan isugu yimaadeen bishii hore dalka Luxembourg, iyada  oo ay waddamada ku bohoobay Midowga Yurub Ahmiyada Koowaad siiyeen xakamaynta dagaalyahanada ajaanibka ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories