HomeWaddamada Reer Yurub Oo Go'aan Kasoo Saaray Tahriibayaasha Ku Qulqulaya

Waddamada Reer Yurub Oo Go’aan Kasoo Saaray Tahriibayaasha Ku Qulqulaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Brussels , (SLpost)- Hogaamiyeyaasha dalalka Yurub ee ku shirayay magaalada Brussels ayaa ka munaaqashooday sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka tirada badan ee ku qulqulaya qaaradda Yurub ee xuduudahooda ka gudbaya.Tahriibayeyaal

Tallaabooyinka ay ka qaadayaan waxa ka mid ah, in dalalka qaar ay si iskood ah u qaataan qaar ka mid ah dadka magan-gelyo doonka ah ee gaadhaya dalka Taliyaaniga.

Waxay sidoo kale isku raaceen in tallaabo adag laga qaado kuwa aan u qalmin in magan-gelyo la siiyo, dibna loogu celiyo dalalkooda.

Kullankan ayaa imanaya iyadoo boqollaal kun oo qof ay sanadkan oo keli ah ay ka gudbeen xuduudaha dalalka Yurub.

Hoggaamiyeyaasha reer Yurub oo wajahaya xasaradda ka taagan badda Mediterranean-ka ayaa waxay sheegayaan in hadda muhiimaddooda koowaad ay tahay inay ka hortagaan tahriibayaasha sharci-darrada ah ee ku sii qul-qulaya Yurub, iyo sidoo kale inay qaadaan tallaabooyin adag oo dib loogu celinayo muhaajiriinta aan u qalmin in la siiyo magan-gelyo.

Ra’iisal wasaaraha Spain ayaa ku baaqay heshiisyo dheeraad ah oo lala galo waddamada ay muhaajiriintani ka soo jeedaan, iyadoo loo caddeynayo kooxaha budhcadka ah ee dadka tahriibiya in dadka ay safriyaan, iyo in qofkasta oo Yurub si sharcidaro ah ugu tahriiba dalkiisa dib loogu celin doono.

Dhiggiisa Britain David Cameron ayaa isna sheegay in dalkiisa uu doorkii looga baahnaa ka qaadanayo soo badbaadinta muhaajiriinta ku sugan badda gudaheeda iyo in la soo qabqabto kooxaha budhcadda ah ee ka dambeeyay qulqulka muhaajiriinta sharcidarada ah.

Balse muu jirin wax heshiis ah oo ku saabsan in si siman loo qaybsado dadkaasi soo galootiga ah si dalalka Talyaaniga iyo Giriigga looga caawiyo in laga yareeyo culeyska saaran.

Taa bedelkeeda hoggaamiyeyaashani waxay ka wada hadleen qaab ku meel gaadh ah oo afartan kun oo qof loo arko inay u baahan yihiin magan-gelyo si iskood ah lagu geeyo waddamo kale oo reer Yurub ah balse sida loo qaybsanayo tiradaasi ayaa haddana ah mid ay tahay in go’aan laga gaadho.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories