HomeWaddamada Maraykanka iyo Afghanistan oo si Adag Isugu Khilaafsan Sii-Deynta Maxaabiis Daalibaan...

Waddamada Maraykanka iyo Afghanistan oo si Adag Isugu Khilaafsan Sii-Deynta Maxaabiis Daalibaan ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kabul (SLpost)- Dawladaha muddada dheer xulafada ahaa ee Maraykanka iyo Afghanistan, ayaa xilligan si adag isugu khilaafsan masiirka maxaabiis Daalibaan ah oo lagu hayo xabsiga weyn ee Bagram ee  oo hore  ciidammada Maraykanku gacanta ugu hayn jireen, balse xukuumadda Afgaanistan hadda maamusho.

Dawladda Afganistan ayaa qorshaynaysa sidii loo sii dayn lahaa 72 maxbuus oo Daalibaan ah, kuwaasoo loo arkay in aanay halis ku ahayn ammaanka iyo xasiloonida, balse dalka Maraykanka, ayaa arrintaas aad uga soo horjeeda, kaasoo maxaabiistaan u aqoonsan argagixiso khatar ah oo aan sinaba loo cafin Karin.

guantanamo“Ma ogolaan doono in muwaadiniin Afganistan ah oo aan wax dambi ah lahayn in lagu hayo xabsiyada oo ay bilo ama sannado iskaga jiraan, iyadoo aan wax dacwad ah lagu oogin, markaas sabab la’aan uma xidhnaan karaan.” Sidaa waxa wakaallada wararka ee Reuters u sheegay Afhayeenka madaxweynaha dalka Afganistan, kaasoo intaas ku daray; “Waanu ognahay in nasiib-darro arrimahani ka dhacaan xabsiga Bagram, laakiin arrintaasi waxay xad-gudub sharci iyo sharaf dhac ku tahay qaranimada dalka Afghanistan.

Hasayeeshee, dawladda Maraykankan ayaa diidmo culus kala hortimi dalabka xukuumadda Afghanistan ku doonayso in lagu sii daayo maxaabiista la aaminsan yahay inay Daalibaan ka tirsan yihiin ee ku jira xabsiga weyn ee Bagram, arrintaasoo muran xooggan ka dhex abuurtay labada dal ee Maraykanka iyo Afghanistan.

Haweenay afhayeen ah oo u hadashay xukuumada Maraykankanka oo la yidhaah Jen Psaki, ayaa saxaafadda u sheegtay in 72-ka maxbuus ee dawladda Afghanistan doonayso inay ka sii dayso xabsiyadu yihiin qaar khatar ah, loona baahan yahay in aan wax xoriyad ah la siin. “Maxaabiista dhan 72-ka ee dawladda Afghanistan xoriyadda siinayso waa qaar khatar ah oo cadaymo xooggan loo hayo inay yihiin argagixiso xidhiidho la leh dambiilayaal ku shaqaysan jiray qaraxyadda, kuwaasoo dilay dad aad u badan oo rayid ah,” ayey tidhi gabadha u hadashay dawladda Maraykanka.

Waxa kale oo dawladda Maraykanku sheegtay in waqtigu timaami doono xad-gudubyada ay gaystaan haddii maxaabiistaas la siidaayo, kuwaasoo laga shaki qabo inay khalkhal ku beeraan heshiishka dhinaca ammaanka la xidhiidha ee la filayo in Maraykanka iyo Afghanistan kala saxeexdaan, iyadoo ciidamada ugu badan ee Maraykanku ka bixi doonaan Afghanistan dhammaadka sannadkan 2014.

Dhinaca kale, general u dhashay dalka Maraykanka oo ah taliyaha ciidammada NATO ee ku sugan waddanka Afghanistan, Gen. Joseph Dunford, ayaa si rasmi ah u diiday in la sii daayo maxaabiista ka tirsan Daalibaan ee ku xidhan jeelka weyn ee Bagram, kaasoo tilmaamay in heshiiskii la kala saxeexday markii dawladda Afghanistan lagu wareejiyey xabsiga Bagram aanay ku jirin in la sii daayo maxaabiista ku jirta, iyadoo xilligaas lagu heshiiyey in maxaabiista khatarta ku ah ammaanka Afghanistan iyo beesha caalamka ee ku jira jeelkaas aan la siidayn, laguna maamulo shuruucda u yaal dalka Afghanistan.

Kulan Khamiistii toddobaadkan dhexmaray madaxweynaha Afghansitan iyo madaxa Sirdoonka dalkaas, ayaa layskula isla qaatay in 16 maxbuus oo qudha oo ku jira jeelka Bagram loo hayo cadaymo muujinaysa inay khatar yihiin, balse 72 maxbuus oo jeelkaas ku jira aan loo hayn wax muujinaya inay amniga khatar ku yihiin, loona baahan yahay in xoriyada loo celiyo, iyadoo la rumaysan yahay in tallaabadani sii xumayn karto xidhiidhka aan xilligan fiicnayn ee u dhexeeya dalalka Afghanistan iyo Maraykanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories