HomeWaddamada Afrika Oo Ka Shiraya Ka Hortagga Xag-jirnimada

Waddamada Afrika Oo Ka Shiraya Ka Hortagga Xag-jirnimada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi, (SLpost)- Madax ka kala socoto 22 dawladdood oo Afrikaan ah iyo 16 waddamo kale ka socda ayaa maanta ku kulmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay uga arrinsadaan qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo xagjirnimada ka jirta qaaradda Afrika.

Kenya ayaa waxa saaran cadaadis ah inay ka hortagto weeraro kaga imanaya kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Kulankan oo Mareykankuna uu taageerayo ayaa waxa uu daba socdaa mid horee uga dhacay Washinbgton bishii February ee sannadkan.

Inta badan waddamadai ku lug leh shirkani ayaa waxay wajahayaan halis gudaha ah oo kaga imanaya kooxo xag-jir islaamiyiin ah.

Waddamadani Afrikaanka ah ayaa hadda kordhinaya kharashaadka ay ku bixiyaan arrimaha gaashaan-dhigga si ay uga hortagaan halistani isa sii taraysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Nkaissery ayaa sheegaya in kulankani uu horseedi doono qaab midaysan oo waddamadani ay kaga hortagayaan in la duufsado dhalinyarada, isla markaana laga dhaadhiciyo fikrado xag-jirnimo.

Nkaisery waxa uu intaasi ku daray in Kenya oo iyadu marti gelinaysa shirka ay doonayso inay kulankan ku soo bandhigto qaababka ay ula dagaalanto kooxo ay ku tilmaameen inay yihiin cadow, qaababkaasi uu sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono inta uu socdo shirka maanta furmaya.

Midowga Yurub ayaa laamaha amniga ee waddamada Bariga Afrika waxa uu siinayaan taboibaro dhanka ka hortagga argagixisada ah, si loo tayeeyo dalalkan, isla markaana waddamada gobolku ay iskaga kaashadaan baadhitaanada iyo maxkamadeynta shakhsiyaadka ku lugta leh arrimahaasi.

Dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqda aadamaha ayaa sheegaya inay habboon tahay in si weyn loola socdo hab-dhaqanka ciidamadani si looga ilaaliyo inay ku xad gudbaan xuquuqda aadamaha xilliyada ay fulinayaan hawlgalada ammaanka, isla markaana looga hortago inay faquuqaan bulshooyin ka caawin lahaa dhanka mukhaabaraadka.

Somalilandpost.net

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories