HomeWaddadii Baadi-doonka Aqoonsiga - W/Q: Xamse Baashe Muxumed

Waddadii Baadi-doonka Aqoonsiga – W/Q: Xamse Baashe Muxumed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

hamse1In kasta oo aqoonsi yahaya garasho ama garwaaqsasho, khuseeyana xaalad , iyo in dadku sida ay u kala maskax badanyihiin, indheer garadsanyihiin, xogogaalsanyihiin wax uga sheegaan Macnaha iyo Muhiimada uu leeyahay Kalmaddan “Aqoonsi”, waxaan qoraal yar oo kooban ku faaqid doonaa aqoonsiga ay jamhuuriyada Somaliland dal ahaan iyo umadd ahaanba raadiyaan.

Waxaa Somaliland jiritaankeeda kasoo wareegtay muddo hadda ku beegan 23 sanno waxaa jiray sando baddan oo ay ka dhacayeen dabaal degyo xusas iyo in Somaliland magaceeda iyo calankeeda kor loo qaaddo, waxaa soo maray maddaxweynyaal saddex ah oo bookhasho ugu bixi jiray sanad walba waddamo baddan oo caalamka ah, waxaa jiray dad aqoonyahano ah oo iskugu jira wasiiro iyo safiiro oo dawladahaasi u direen waddamo baddan si ay Somaliland qadiyadeeda u meel mariyaan, waxaa ugu dambaysay shirkii ka dhacay dalka turkiga ee Somaliland iyo somaliya isku geed fadhiisteen misana laga wadda hadlaayey xaalada taagan.

Haddaba su’aasha is weydiinta muddan ayaa waxay tahay Aqoonsi Miyaa la raadiyaa mise waa la kasbadaa?

In kasta oo aan jawaabta su’aashan u furaayo dhamaan dhalinta iyo shacabka Somaliland waxaan fikir ahaan aaminsanaha in aqoonsiga noocan ah ee Somaliland raadinayso misana dadku ay ku daaleen aanu ahayn kii la raacdayn jiray ee la daba geli jiray sida geel col qaaday ee uu yahay kii la kasban jiray, Haddaba su’aasha is weydiinta muddan waa sidee loo kasban karaa Aqoonsi? Ma in dadka lasoo shiriyo oo wax loo sheego, ma in kolba doorasho lacag badan ku baxaddo la qabto, ma in kolba nin cadaan ahi iskaga keen dhigo safiir waddan, Mise in waddanka la horumariyo oo dadku isku finlaado?

Waxaa xaqiiqadu tahay in aqoonsiga sida loo kasbadaa tahay in diinta, dadka iyo dalkaba la dhawro oo la horumariyo, waxaan halkan ku soo koobayaa qodobo keeni kara in aqoonsi aanu helno oo weliba aanu ku fa’aano

  1. Horumarinta Diinta islaamka ee aanu ku dhaqano
  2. Is adeecida Dadka dhexdooda iyo dawlada hogaanka inoo haysa (Laakiin hogaamiyaha aan dembi lugu adeecin).
  3. In aynu iska dhaafno Reergalbeedkan aynu xagooda u kacayno, oo Aynu aqoonsiga ka kasbano dawladaha islaamka.

4. In Aynu waddankeena horumarino oo aynu ka dayno khiyaamada iyo musqmaasuqa.

  1. In shacabku u calool furnadaan waxqabadka waddanka oo laga wada shaqeeyo shaqooyinka guud ee iskaa wax u qabso ah oo ay dadku ku da’dalaan sidii ay waddanka horumarkiisa qayb uga qaadan lahayeen ee aanay meel iska fadhiyin oo aanay xukumadda ku eegin.
  2. In xoriyadda Ilahay dadka siiyey isu dayno oo aan xoriyadda laga qaadin muwaadinka haduu khaldamayna khaladkiisa la tuso.
  3. in dadku dhexdooda isku nariistaan oo la is xaqdhawro
  4. in dawladeenu ku dedaasho sidii aynu uga maarmi lahayn waxa aynu dibada ka keensano siiba cuntada oo ugu mihiimsan.

Hadii aynu qodobadan ku dhaqano waxaa laga yabaa in aanu aqoonsi ku kasbano oo aanu helno ictiraaf, laakiin hadii aynu wakhti baddan iyo lacag baddan ku bixino in aynaa helin.

 

ALLAH MAHAD LEH

Hamse Bashe Muhumed

E-mail: xamse18@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories