HomeWadaadoow Kootaduna Waa Xaaraan Sida Ribada Oo Kale - W/Q: C/raxmaan Cadami

Wadaadoow Kootaduna Waa Xaaraan Sida Ribada Oo Kale – W/Q: C/raxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdiraxmaan-Cadami-yyyyShaki kuma jiro in ay Ribadu Xaaraan tahay sida Ilaahay faray umadda muslimka ah ama uga digay in lagu macaamilo, waxa kale oo xaaraan ah in dad gaara oo tiro yar loo xidho qaybo ka mid ah ganacasiga dalka iyada oo la iska indha tirayo Distoorka JSl, qodabkiisa 11-aad oo qeexaaya in dhaqaalaha dalka lagu saleeyo mabaadida suuqa xorta ah iyo in loo sinaado fursadaha ganacsiga, waxa kale oo xaaraan ah lacagta faraha badan ee baananka Islaamka sheegta dul saaraan macaamiisha dan yarta ah ee dantu ku qasabtay in ay iska aqbalaan markii ay hay’adaha xukuumada Somaliland ishortaageen in dalka laga furo baanan ganacsi oo kula tartama suuqa xorta ah.

Hadaba marka madaxada iyo ganacsatada waawayni ku heshiiyaan in ay wada shaqaystaan way sii taajiraan bulshada inta kalena waxa ay sii noqota sabool sababta oo ah looma sina khayraadka dalka wax badanina kama gaadhaan dadwaynaha balse wuxu  ku xarooda jeebabka qoysas tiro yar.
Siyaasi reer kiiniya ah wuxuu yidhi “Ma rabno in Kiiniya ay noqoto dalka kooban 10 milyaneer iyo 10 milyan oo ku nool heerka dawrsiga”.

(We don’t want Kenya of 10 millioniares and 10 million beggers). Sida siyaasigaasi ka digay maanta waxa dhabadaa haysa Somaliland. Hadaba dawladaha siyaasadoodu tahay in dhaqaalaha dad yare ka faa’iidaysto waxa ay dhisaan hay’ado ilaaliya danaha hanti goosatada ku tiirsan awoodda dawladda iyo qoysaska madaxada sarsare. Bal u fiirsada Sharkadan wayn (Cor-poration) ee ka dhisan Somaliland oo ka dhaxaysa ganacsatada, Madaxatooyada, Golaha wakiilada,Hay’adaha dhaqaalaha (Wasaarada Maaliyada iyo Baanka Dhexe) iyo qaar ka mid ah culimada oo u qiil sameeya kootada iyo dhiig miiratada ku dul nool bulshada danyarta ah, mana aha wax lala yaabo dawlad kasta oo xumi waxa ay leedahay culimo ugu hiilisa dulmiga ama ku tageerta . Si kastaba ha ahaate marka Monopoly-ga laga dhiidhiyi waayo ama la xakamayn kari waayo Jabinta Distoorka iyo ku-tagri falka awooda dawladda waxa ku xiga in siyaasada dalkuna noqoto “monopoly”. kudlada dhaqaalihii dalka ku shuraakowday siyaasadana shuraako ayay ku noqon karaan. Siyaasadaha Dawladaha Afrika qaarkood waxa ka mid ah in dadwaynuhu ahaadaan kuwo faqiira oo baahan si codka looga iibsado wakhtiyada doorashooyinka  ama in ay noqdaan kuwo liita oo aan ku baraarugsanayn waxa u danta ah. Si kastaba ha ahaate dabaqadan Somaliland ka abuurantay ma doonayso in dalka wax isbedel ah ama dib u habayn ah (Reform) laga sameeyo,lama rabo in la curiyo ama la dhaqan galiyo xeerarkii qaban lahaa ganacsatada ku xad gudbaysa dadwaynaha sidaasi oo kale la dooni maayo in la dhiso maamul hufan oo lagula xisaabtami karo masuuliyiinta caadaystay ku-tagrifalka awooda dawladda iyo lunsiga hantida umada.

Tijaartu waxa ay isbedelka uga baqayaan in uu ka yaraado macaashkii ay u barteen ee waalida ah, madaxaduna dib u habaynta maamulka waxa ay uga baqaan in awoodooda  xad loo yeelo ama shaqadooda lagu qiimeeyo. Hasa yeeshee marka dib u habaynta la is hortaago ama laga gaabiyo aakhirka waxa ka dhasha kacdoon dadwayne iyo qalalaase siyaasadeed oo keeni kara dhibaatooyin aan laga soo waaqsan Karin sanado badan sida dagaalo sokeeye iyo in uu dalku galo xaalad fawdo ah oo lagu waayo xukunkii la macaansanayay iyo hantidii la urursaday labadaba. Laakiin “Reform”-ku marna waa talaabo xaga horu marka loo qaaday oo wax lagu hagaajinayo marna waa xumad jebin lagu baajin karo butaacada cadhada dadwaynaha sidaas awgeed xukuumada Madaxwayne Siilaanyo waxa horyaala in la kala doorto lababada arimood ee kala ah “Reform” or “Revolution”

Cabdiraxmaan Cadami.
Abdirahmanadami22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories