Home''Wadaaddu beerka xaydha leh way cunaane, Ilaahay maad ka yaabtaanoo na siisaan?''

”Wadaaddu beerka xaydha leh way cunaane, Ilaahay maad ka yaabtaanoo na siisaan?”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Mid suufi ah ayaa beri safar galay, sida la soo wariyey. Sheekh wayn oo laga barakaysto iyo mid yar oo soo alaamiitayna toona muu ahayn ee arday ayuu ahaa. Mawliidka iyo shallaadka iyo ammuurahaa wali muu gaadhin laakiin farsamada wuu hayey. Laba habeen iyo laba maalmood, afartaa caana maal ayuu sii socday oo lugaynayey. Sidan iminka dadku u baaba’eenee jaadku u dishoodayna raggu ma ahayne hilib cun iyo caano dhan ayey ahaayeen dadkii hore. Maalin saddexaaddii isaga oo aan waxba ku noolayn, ayuu ku soo baxay reer Alla baryaya. Odaygii reerka dambaabayey oo beri hore Allaystay ayaa la xusay oo loo ducaynayey. Markii uu soo gaadhay ee uu xaaladdii indha-indheeyey ayuu gartay caawa halkan in ay ka bisishahay. Dabadeed, intuu dib u gurtay, ayuu kayn guriga u dhawayd xagga shisha ka maray. Kiish yar oo uu sahay iyo waxoogaa calal ah ku sitay ayuu furay. Khamiis ayuu kala soo baxay iyo cumaamad, oo daf isa siiyey. Kitaab yar oo waxa ku qoran uu isagu uun akhriyi karana wuu kala soo baxay. Saacaddaa laga bilaabo, sidaas ayuu ku yahay wadaad wadaad aan dabadii la hadlin. Reerkuna, waa meel Ilaahay ninkan wax ka arsaaqayaaye, maba ay haysan cid mawliidka ugu dhufata, wadaadkii beeshuna wuu maqnaa. Soomali waad taqaane, khamiiska markii ay arkeen ayey hor boodeen oo la yidhi wadaadka ha la soo dhaweeyo, waa laylatal khadare.

Markii hilibkii iyo bariiskii laga dhergay, ayuu ula soo kala baxay. Suugaanta ayuu ku wanaagsanaa baa la yidhoo wax buu isku toostoosin jiray wadaad la moodka yari. Wixii ay yaqaaneen uun buu uga dhigay shallaad caynkiisii ah.

”Wal baastadii wal bariiskii calal tamaandho gurgurtii,
Wal biyihii wa kildhigii calal xawaashi sonkortii,
Wal riyihii wa idihii calal baraari maqashii,
Wal qudhacii wa sogsotii calal maraa’i qudhacii,
Wal diracii wa googaraddii calal furaashi barkintii”

Dam dam dam, salliga Nebiga iyo sacabka giijiya. Allaaa! Dhididka dadkii ka dhacayaa ma waxbaa, waa la qiirooday. Islaamaha shaaha laba dhigaya, afada cadarka furcaddaha la boodaysa iyo gashaantimaha mushxaradayaa kala daran. Sidii bahashii meel macaan u maraysay, ayuu, illayn waa ninkaa aan waayo-aragga ahayne, labadiisii kabood, oo meel uu ka arkayo soo dhigtay, saa waa musaafur oo daba-ka-warwar ayuu qabaaye, mid la taabtay kabihii – calashaan kabbaa laga xaday. Isaguna geerkii shallaadka ee uu tiriiga ku waday ayuu ka beddelay oo foor ugu tuuray.

”Marxabbay maarxabbay kabtaydii,
Marxabbay maarxabbay tii halkaa taallay,
Marxabbay maarxabbay waa la taabtay”

Dadku maba ay fahmayn ”maraxabbay maarxabbay” waxa ka dambeeya ee ninba waxbuu iskaga buuxsanayey; mid yidhaahda kubkayga iyo mid yidhaahda kurkayga. Ninyahow, anna waxbaan is idhi sameeyoo, wax noocaas oo kale ah ayaan malmalluuqay, laakiin iminka indhaha ayaa innagu badane waa inoo mar kale.

Khadar Cabdi Cabdillaahi
Bahda Hiil Qalin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories