HomeWadaad Kaliya ka Hadla Waxa Somaliland ka Dhaca Jimce Kasta

Wadaad Kaliya ka Hadla Waxa Somaliland ka Dhaca Jimce Kasta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Aqoonyahanku mid diineed iyo duunyaba kuu doonoba ha bartee waxa bulshadiisa ka saaran xil aad u culus xagga tallo bixinta iyo toosinta. Haggid iyo hanuunin ayaa saaran aqoonyahanka inuu ku toosiyo jidka ugu toosan ee loo marri karo badhaadha aduun iyo aakhiraba.

Aduunyada cimrigaga aad wanaag ku dhamaysata waxay horseed u tahay libinta aakhiro inaad haleeshid sidaasi darteed ayay aduunyada iyo aakhirada danbe yihiin mataano wadaaga falka suuban aad aduunka ku fashid inuu yahay raasamalka kuu yaala ee kaa badbaadin kara dabka kulul ee Ilaahay kaga aargoosanayo kuwii ka madax adaygay wixii uu faray.

Somaliland waxay leedahay dad tiro badan oo ku foogan siyaasada dalkana maamula taladiisuna ay ka go”da. Waxay la meel joogaan amiiradii muslimiinta waayo waxay horjooge u yihiin dad muslin ah waxay la midyihiin amawiyintii, cabaasiyiinti  Camar Binu Cabdi cassis iyo qaar la mid ah. Axmed Siilaanyo wuxu xukumaa dal muslin ah waa amiirul muslimiin diintuna waxay ina faraysa in taladiisa loo hogaansamo.

Dadka aqoonta  Ilaahay siiyay waa kuwa waano iyo wax sheeg wanagsan ugu nasteexeya madaxdoda xaqana aan kala gaban masaajidana ka sheega wixii dhibaato dhacday iyo taladii lagu maaraynlaha. Hal sheekh ayaa dalka Somaliland ka hadla waxa dalka ka dhaca haday dil tahay haday boobka umada hantigeeda lagu hayo tahay haday cadaalad xumo tahay.

Waa loo dhag raariciya wadadkaas khudbadiisana waa la sugaa waxan odhan karnaa waa qofka kaliya ee musdanbeed u ah dalka ee xanbaarsan dareenka bulshada hoosna u og waxay tabanayan.WAYDIINTU waxay noqonaysa maye culimadii kale maye aqoonyahankii kale??? Warcelintu ma dheera way buuxaan iyagoo qamiisyo cad cad iyo gawaadhi cad cad ku gaadhan guryo raaxo lehna ku jira.Masajidana codbaahiye aad u qaylo dheer ayaa ugu xidhan intaana way wacdiyayan isuimaado qanayan iyo shirar waawayn, nasiib daro muslimiintii hore mooyaane afkoda way ka dhawraan muslinka nool inay xaaladiisa ka hadlaan.

Salaada iyo soonka kaliya aya dadka la faraa way ku amaanan yihiin ilahay mahadii masaajidadu way buuxdhaafen xaga soonka magaalada Hargaysa ramadaantii dhawayd may jirin meel dab ka qiiqay u furnayd in xaaran lagu cuno.Waxa ka maqan waxyaabihii bud dhiga u noqonlaha qaran muslin ah walaanimadi, kalagacalki, akhlaaqdii suubanayd, iskaashigii, waxwada qabsigii  iyo waxkastoo iridaha u furilahaa hormar aduun iyo aakhiraba bulshadi way ka aradantahay.

Waxa hagraday  aqoonyahankeedi  oon malaha garanayn hawsha guudkiisa saaran, aragti kalena waxay leedahay wadaadadu waxay ku milmeen siyaasada waxanay ilaashanayan dano gaar ah oo ganacsigoodu u horeeyo taasaana keentay inay dadwaynaha ku wacdiyaan kutubo iyo qudbado ka hadlaya xaalad dad hore iyo taariikho dhaadheer Ciraaq iyo Suuriya oon saamayn ku lahayn qofka muslinka ah ee geeska afrika ku nool. Kama hor imanayno  taariikhda diinteen suuban xaasha sidaasna uma jeedno.

Tagtadii iyo tan hada la joogo ayaa looga qiyaas qaadan karaa siday timaadada soo socota u ekan karto, tagto kaliya hadaad isku xiijiso waxad noqon aabahayba 1000 halaad lahaa aniga dameer leh ayaa ka roon waayo geelas aad sheeganayso waxba kama noola noloshan maanta aad joogtana dameerkan ayaa kuu hantiya

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories