HomeWadaad ka tirsan Culimada Hargeysa oo laga joojiyey Khudbadda Salaadda Jimcaha oo...

Wadaad ka tirsan Culimada Hargeysa oo laga joojiyey Khudbadda Salaadda Jimcaha oo Masaajid uu Khaddiib ka yahay ka jeediyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

wadaadHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa wareegto uu soo saaray khudbadaha Jimcaha iyo masuuliyadda masaajidka uu Khaddiib ka yahay kaga mabnuucay Sheekh Aadan Cabdi Warsame  (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadan Sunne oo ah Wadaad si weyn looga yaqaanno Caasimadda, ayaa khudbadaha Salaadda Jimcaha ka jeediya isla markaana Khaddiib ka ah Masaajidka Al-Fadxi oo ku yaala Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo shabakadda Somalilandpost.net heshay, ayaa lagu socodsiiyey Hay’ad Islaami ah oo lagu magacaabo Al-Huda, taas oo dib u dhista Masaajidka Al-Fadxi oo ah Masjid Qadiimi ah, waxaanu wasiirku ku amray masuuliyiinta hay’adda inay masuuliyadda masaajidka ka wareejiyaan Sheekh Aadan Sunno.

Wasiirka oo wareegtadiisa ku xusay sababta kalliftay in sheekha laga joojiyo Khudbadaha uu masaajidka ka jeediyo, ayaa u qornayd sidan:- “Aniga oo tixraacaya masuuliyada naadirnimo ee idinka saaran masaajidada aad dhisteen ee aad gacanta ku haysaan  oo ah goobo cibaado loogu tala galay iyo in lagu wacyi geliyo bulshada muslimka ah ee dalkeena loona baahan yahay in si deggan oo naxariis leh loogu baraarujiyo khudbadaha, lana ilaaliyo asluubta fiican iyo dhaqanka muslimiinta oo ah in laysku wado bulshada lana dhawro midnimada iyo nabad galyada umadda, iyada oo lagu cadaynayo waxa ay diintu ina fartay  loona raacayo adaabta sharciga ah ee wanaag farista iyo xumaan reebista, waxa idinku waajib ah inaad la socotaan hadba culimada ka hawl gala oo aad hagtaan.

suneWaxaan halkan idinku farayaa inaad ka joojisaan Sheekh Aadan Cabdi Warsame  khudbadaha iyo casharada uu ka bixiyo masaajidka aad ka masuulka tihiin  ilaa amar danbe, sidoo kale culimada ka hawl gali doonta waa inaad nala soo socodsiisaan  wasaarad ahaan,” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada Wasiirka.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa go’aanka Wasiirka, haseyeeshee Sheekh Aadan Sunne, ayaa inta badan lagu eedeeyo inuu jeediyo khudbado kicinaya dareen bulshada, waxaanu amarka wasiirku ku soo beegmay kaddib markii dhowaan xorriyaddiisa loo soo celiyey Sheekha oo muddo iyo dheeraad ah ku xidhnaa Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories