HomeWada-hadallo u Bilaabmay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

Wada-hadallo u Bilaabmay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta qasriga madaxtoooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay kulankii koowaad ee wada-hadallada u dhexeeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, oo uu gadh-wadeen ka yahay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxmauud Aadan oo way wehelinayaan ergedii is-xilqaantay ee ku hawllanaa arrintan.

Ugu horrayn, guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo kulanka furay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu xal ka gaadhaan khilaafkooda, lagana gun-gaadho wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, si hore loogu socdo, waxana uu dhinacyada ka codsaday inay tanaasul sameeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey madaxda axsaabta mucaaridka iyo ergeda dhexdhexaadinta waddaba, waxana uu u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in la isku soo dhawaado, lana gudo galo kulanka ugu horreeya ee dhinacyadu isku arkayaan.

Hoggaanka axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaadho xurfugta iyo khilaafka siyaasiga ah ee taagan, dhinacyaduna isku soo dhawaadaan.

Dood iyo is dhegaysi dheer kaddib, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo murrashax madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa midho-dhalka wada-hadalka bilaabmay, dhankoodana ay fulinayaan wax kasta oo keenaya in khilaafka jira la suuliyo, lana ambo qaado geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay oo uu diyaar u yahay gunaanadka khilaafka jira iyo daaweynta tabashada mucaaridka, islamarkaana ay daruuri tahay in cid kastaaba masuuliyad gaar ah iska saarto gaadhista xal lagu wada qanacsan yahay.

Xubno kamid ah ergeda dhexdhexaadinta isu xilqaantay oo ay kamid yihiin Sheekh Ismaacil Cabdi Hurre (Dheeg), Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo hadallo kooban jeediyey, ayaa madaxweynaha qaranka iyo hoggaanka axsaabta qaranka ugaga mahadnaqay sida masuuliyadda leh ee ay u jawiga wanaagsan ugu bilaabeen kulankooda koowaad, waxana ay kula dardaarmeen inay ku dedaalaan sidii usoo saari lahaayeen natiijo bulshada ka farxisa oo qaranka dan u ah.

Kulankan oo ibo-fur u ah kulamo dhawr ah oo ay dhinacyadu yeelan doonaan, ayaa kusoo dhammaaday guul iyo isu soo dhawaansho buuxa, waxana kulanka kan xiga loo ballammay ciidda Carrafo ee foodda inagu soo haysa kaddib.

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ah, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda katirsan.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories