HomeWada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya oo Mar kale dib ugu Dhacay Muddo aan...

Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya oo Mar kale dib ugu Dhacay Muddo aan la Cayimin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Iyada oo todobaadkan gudihii loo ballansanaa inay dib-u-bilaabmaan wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya oo dhowr jeer oo hore dib-u-dhac ku yimi, ayaa mar kale arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay muddo aan cayinneyn, ka dib markii Dawladda Somaliya codsatay in wakhti loo siiyo dhismaha xukuumadda Cusub ee dhawaan la magacaabay raysal-wasaaraheeda.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo maalintii Jimcaha ka soo laabtay  Safar shaqo uu ugu maqnaa waddamo dibadda ah, ayaa sheegay inay toddobaadkan gudihiisa ay furmi doonaan wada-hadaladii u dhexeeyay labada dal, iyada oo qorshuhu ahaa in shalay oo Axad ahayd ay dalka ka amba-baxaan weftigii u meteli lahaa Somaliland.wada-hadalladaas oo loo qorsheeyey inay maalinta Berri ah ka furmaan dalka Turkiga.

Maxamed Biixi YoonisHaseyeeshee, isbeddelka ku yimi qorshahaas waxa isla shalay daboolka ka qaaday Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibbada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo maanta warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland waxa uu sheegay in ay dawladda Somaliya u soo gudbisay Xukuumadda Somaliland codsi ay kaga cudur-daaranayaan in aanay shirkaasi ka qayb-gali Karin, dibna loogu dhigo sababo farsamo awgood, balse wasiirku ma sheegin wakhti rasmi ah oo ay wada-hadaladdu furmi doonaan.

Wasiirka oo sababaynayey isbeddelka ku yimi bilowga wada-hadallada, waxa uu yidhi, “Sida aanu hore u sheegnay, waxay ahayd inay wada-hadalladu bilaabmaan todobaadkan aynu ku jirno, haseyeeshee maadaama aan xukuumaddii Xamar wali la dhisin, waxay na waydiisteen dawladda Xamar iyo Madax-weynaheedu inaanu wada-hadallada dib u dhigno, waxayna ku taliyeen inaanu bishan 15-keeda ka dhigno oo aanu toban cisho dib u dhigno, anaguna waanu ka garawsannay, haseyeeshee 15-kuna annaga ayaanay noo habboonayn, markaa wakhtiga rasmi ah ee uu qabsoomayo shirku dib ayaanu idinka soo sheegi doonaa, shirkuna wuu qabsoomayaa, iyagana waxaanu ka rejaynaynaa inay si dhakhso leh u soo dhisaan dawladdooda.”

Wasiirka oo la weydiiyey in sababaha keenaya dib-u-dhaca wada-hadallada labada dhinac ay ka imanayaan dhinac dawladda Somalia oo aan daacwad ka ahayn iyo waxa ka jira warar lagu baahiyey saxaafadda oo lagu sheegay inay Somaliya doonayso sidii ay uga bixi lahayd wada-hadallada,  waxa uu ku jawaabay, “Xidhiidho badan baa naga dhexeeya, dawladda Muqdishona kamay bixin wada-hadalladii, aadbaanu uga wada-soconnaa waanu dhacayaa shirkii, waxaanu sugaynaa uun intay dawladdu ka baxayso wakhtiga adag iyo intay soo magaaabayso oo la ansixinayo wasiiradii oo markaa iyaga oo sharci ah oo talo gaadhi kara ay noo iman karaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Mar wax laga weydiiyey Ajandaha ay doorkan Somaliland ahaan la tagayaan miiska wada-hadallada ee uu kaga duwan yahay kulammadii hore, waxa uu ku jawaabay, “Arrimaha aanu doonayno inaanu ka wada-hadalno annagu waanu ka sii diyaar-garownay, iyaguna dabcan kuwoodii way ka soo diyaar-garoobeen, markaanu isku tagno waxa la samayn doonaa guddi labada dhinac ah oo isla eega Ajandaha waxaanu wadanno iyo waxay iyagu wataan, dabadeena ajandihii rasmi ahaa ayaa ka soo bixi doona,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories