HomeWejiga Shannaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya oo Maanta ka furmay magaalada...

Wejiga Shannaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya oo Maanta ka furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Wejigii shanaad ee wada-hadallada u socday Somaliland iyo Somaliya oo muddo saddex-maalmood ah qaadanaya, ayaa maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo shalay ay gaadheen ergooyin labada dal u metalaya wada-hadalka.

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa habeen hore gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, balse wefti uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya oo shalay ka duulay magaalada Muqdisho ay gaadheen magaalada Istanbul.

WADA-HADALLADA SOMALILAND IYO SOMALIAQoraal shalay ka soo baxay safaarada Turkigu ku leeyahay Muqdisho, ayaa lagu sheegay in wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay maanta ka bilaabmayaan magaalada taariikhiga ah ee Istanbul oo ahaan jirtay caasimaddii boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Qoraalka safaarada ayaa la raaciyey in wada hadaladaasi socon doonaan inta u dhexeysa 16-ka bisha oo maanta ah ilaa 18-ka bishan, isla markaana ay ergooyinka labada dhinac isla shalay ku sugnaayeen magaalada Istanbul.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inaanu jirin ajande rasmi ah oo ay shirkaas la tagayaan labada dhinac, marka laga reebo in Ajandaha laga wada-hadlayo ay labada dhinac kuwada heshiinayaan ka hor intaanay wada-hadallada rasmiga ahi u bilaabmin, sida uu wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland-ba hore u shaaciyey.

Sarkaalkani waxa uu sheegay inay wada-hadallada qayb ka yihiin qodobbo kulamadii hore layskula soo qaaday oo dib loogu dhigtay kulankooda maanta furmaya.

“Waxyaalaha haatan la raadinayaa waa wax iska caan ah oo la ogyahay, mar kastana waxa la sameeyaa marka meesha laysugu tago ajandeha laga wada hadlayo, waxaanu rajaynaynaa in markasta marka ka sii danbeysa ay sii fiicnaato, oo la gaadho guulo la taaban karo, berito wax gooni ahi ma jiro, balse waxaanu rajaynaynaa waxyaabo markii hore laga wada hadlay oo dib loo dhigtay ayaanu rajaynaynaa iney waqtigan ay ka sii dhawaato intii hore,” ayuu yidhi masuulkan u hadlay dawladda Somaliya, isaga oo intaas raaciyey, “Waxaan is leeyahay waxa u danbeeya ee la gaadhi doono waxa ka horeeya waxyaalo badan oo loo baahan yahay in laysla fahmo, culayso farobadan baa jira, shirkastana waxa ka horeeya marxalado badan, oo aan is leeyahay waa in marka hore kuwaasi laga soo gudbaa, qaar badana waa laga soo gudbay, kuwo faro badan oo xasaasi ahina waa dhiman yihiin,  waxaanu rajaynaynaa in meel fiican ay ku dhamaadaan.”

Ergada Somaliya u metalaysa Wada-hadallada waxa xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo weftigaas hoggaaminaya, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, weftiga Somaliland ee wada-hadallada ka qayb-galaya waxa xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, guddoomiye ku-xigeennada Labada Aqal Baarlamaan iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories