HomeWada-hadalladii Somaliland iyo Somalia oo lagu Soo Gunaanaday is-garad laga Gaadhay Murankii...

Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia oo lagu Soo Gunaanaday is-garad laga Gaadhay Murankii Maamulka Hawada ee Labada Waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Wejigii labaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Somalia ee Dawladdu Turkigu gogosha u fidisay oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Ankara, ayaa maanta la soo gebo-gabeeyey, waxaanay ergooyinka labada dhinac wada-hadalladdooda ku soo gunaanadeen Qodobbo nuxurkoodu ku kooban yahay is-garad laga gaadhay murankii dhanka maamulka hawada ee labada waddan.

Qodobbada heshiiskani ka kooban yahay oo tilmaamaya sii-amba-qaadka wada-hadallada laba dal ee dawladda Turkigu marti-galisay oo wejigiisa saddexaad loogu muddeeyey muddo afar bilood ah ka dib, waxaana dhinaca Somaliland heshiiska u saxeexay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, halka Soomaaliyana uu qalinka ugu duugay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilkariim Xuseen Guuleed. Waxaanay labada Wasiir sheegeen inay ku qanacsan yihiin heshiiska la gaadhay waxaanay u mahad celiyeen dawladda Turkiga oo isku hawshay ka mido dhalinta wada hadalada labada geesood u socday oo ay marti-gelinaysay.

Sawirka warka koowaadHeshiiskan oo ka kooban saddex Qodob, ayaa waxa cusub hal qodob oo uu kaga duwan yahay qodobbadii lagu heshiiyey wejigii hore ee wada-hadallada Turkiga oo qabsoomay 13kii April, 2013, waxaanu qodobkani tilmaamayaa xal laga gaadhay murankii dhanka maamulka hawada ee Qaramada Midoobay ka dhex-aloostay Somaliland iyo Somaliya.

Saddexda Qodob ee lagu Gaadhay Heshiiska, ayaa u dhignaa sidan:

1)- Maamulka Hawadda lagala Wareego Qarammadda Midoobay oo lagu wareejiyo Guddi wada jir ah oo ka kooban Somaliland iyo Soomaaliya. Gudidaasna fadhigoodu noqdo Hargeysa. Guddidaasi waxay soo gudbin doonaan nidaam si siman dakhliga loogu qeybsan doono.

2)- In la sii wado wada hadaladda.

3)- In wada hadaladda kan ku xigaa lagu qabto isla dalka Turkiga muddo 120 maalmood ah (afar bilood) ah ka dib.

Shirkan, ayaa muddo laba maalmood ah u socday labada Waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay inay ahaayeen wada hadaladii ugu adkaa ee labada geesood isku soo hor-fadhiistaan, iyadoo la isku mari waayay ajande ka koobnaa tobanka qodob ee miiska u saarnaa, kuwaas oo xal ka gaadhistooda dib loogu dhigay wejiyo kale oo ergyooyinka labada dal ka socdaa ku kulmaan dalka Turkiga.

Shirka wada-hadallada ee maanta soo gebo-gaboobay, ayaa noqonaya wejigii afraad ee wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, iyada oo wejiyadii koowaad iyo labaad oo ku qabsoomay magaalooyinka London iyo Dubai ay dawladda Somalia ka talinaysay xukuumadda ku-meel gaadhka ahayd ee Sh. Shariif Sh. Axmed, halka labada weji ee u dambeeyey wada-hadallada oo dalka Turkigu marti-galiyey ay ku soo beegmeen wakhti dalkaasi Soomaaliya loo doortay Dawlad Federaal ah oo maamulka kala wareegtay dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Sh. Shariif Sh. Axmed.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories