HomeWada-hadallada Labada Dhinac Waxaa Loo Maraya Go’aan Shacbi Oo Lid ku Ah...

Wada-hadallada Labada Dhinac Waxaa Loo Maraya Go’aan Shacbi Oo Lid ku Ah Ahdaaftii Iyo Himiladii Qaranka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMuddooyinkii u dambeyey waxaa u socday somaliland iyo dawladii ku meel-gaadhka Somalia wada-hadalo bishii jun/2012 u bilaabmay,inkastoo xukumada somaliland mar badan ku dhawaaqday inaney sii wadi doonin ,halka markii afraad ay sheegtey inay hakisay.

Go’aankii shirkii ugu horeyey ee ka dhacay London waxaa xukumada somaliland sheegtay in somaliland wada-hadal la sameyn doonta dawlada rasmiga ee bedeli doonta  ku-meel-gaadhka isla markana aaney waxba u furi doonin hogaanka dawlada ku meel gaadhka Somalia,qorshahas oo siday xukumadu somaliland u dhigtay ka turjumayey ku talogal ay isku raacsan yihiin beesha caalamka,gaar ahaan dawladihii gacanta ku hayey talada shirkii London ee hormuudka u ahayd dawlada Britain.

Si kastaba ha ahaate ,waxaa albaabada loo furey wada-hadal wareegyo badan qaatey oo ay yeesheen labada dhinac ee somaliland iyo dawladii KMG Somalia,kuwaso wareegii u dambeyey ka dhacay dubia,shirka xukumada somaliland ku macneysay in loo gudbay marxalad soo gaadhey kulan labada madaxweyne dhexmara,hase yeeshe aanu kasoo bixin go’aan soo afjarey wada hadaladii labada dhinac,maamlmo kooban ka dib xukumada somaliland ayaa sheegtey iney hakad gelinayso,iyadoo aan sabab cad oo meesha ka saarta geedi socodkii ay hore u sheegtay ee wada-hadalada sii socon doona aan xusin.

Aragtida go’aanka noqnoqonaya ayaa cadeyn u ah sida xukumad somaliland aney u hayn xogo dhaba oo dhiirin kara iney kusii socoto wada-hadalada ay gashay oo ku qotonta masuuliyada asaaska kulanka labada dhinac,siyaasada ka dambaysa,danaha laga rabo iyo cidda ay taladu gacanta ugu jirto,xukumada somaliland noqoneysa iney arinka ku gashay qorshe dawlado shisheye usoo dhigeen,iyagoo daneynaya talogalkooda siyaasada qabow sidii somaliland dhabaha logu sooridi lahaa.una adeegsadey hal ku dhig ah  in aaney somaliland qaybka ahayn somalida dib u heshiisinta laga dhex wado,balse ay ku yeelan doonto meeqaamka dawlad aqoonsi leh,mar labaad shirkii istanbuul ayaa gacan haadiskiisu ahaa ka qaybgalka deeqaha caalamiga ah.

Siyaasada qarbiga ayaa ujeedda laga lahaa ee soo dedejisay wada-hadalada hordhaca gundhigeedu ahaa sidii loo jeexi lahaa dariiq aaney somaliland ka baydhi karin loona daliishanayo wada -hadalka ay gacan gelisay.

Isbedelka siyaasada somaliya ayaa laga doonaya dawlad ururisa dalweynihii Somalia oo ku dhisan nidaamka fededaralka isla markana dastuur iyo map ahaanba aaney somaliland ka baxsaneyn ee dawladaha qarbiga,waa mid soo jirey tan iyo markii uu burburey taliskii caskariga ee siyaad bare,dawladahas oo u arkayey iney uga faa’iideysan karan waayo aragnimo ay ku dabaqaan hab casriya oo si fudud losoo taaban karo danaha ay hagayso siyaasadoodu, waxaa hubaal ah iney guuldareysteen qorshayaal fara badan,sida arimaha sugida amniga iyo dib u heshiisiinta.

Beesha caalamku indhaha ayey ka qarsatey qaranka somaliland ee hano-qaadka xasilooni iyo kala dambeyn ku gaadhey hanaanka dimuqraadiga ee ka jira,iyadoo in badan oo ka mida dawladaha waaweyn ee ku hawlan wada-hadalada marar badan u qireen,balse ay ka doorbideen wada-hadalo hordhac u ah sidii somaliland nidaamka fededaralka ay ugu mid noqon lahayd,hadaba Su’aasha taagan ayaa ah talaabada ay ka qaadeyso xukumadu qorshaha shisheeyuhu wato ee ku waajahan bisayl go’aan shacbi oo lid ku ah ahdaaftii iyo himiladii qaranka somaliland oo xukumadoodu ka tahay hawlwadeen dhexe.arinkaas oo ah qodob khasbaysa in xukumadu shacbigeeda usoo bandhigto ku talo-galka ay ka leedahay iyadoo ka hortegaysa khilaaf siyaasadeed soo kala dhexgala awooda hogaaminta iyo bulshad.

Maxamed xuseen Ciise “Qamari”

Phone 002522 4447184

Dharaar200@hotmail.com

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories