HomeWada-hadalkii Axsaabta: KULMIYE Iyo UCID Oo Aragti Ku Midoobay Iyo WADDANI Oo...

Wada-hadalkii Axsaabta: KULMIYE Iyo UCID Oo Aragti Ku Midoobay Iyo WADDANI Oo Ka Hadlay Mawqif Ka Duwan Oo Uu Qaatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wada-hadalkii muddada u socday saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda, kaasoo lagu lafo-gurayay xalinta khilaafkii siyaasiga ahaa ee ka dhashay muddo kordhintii ay dhawaan guurtidu u samaysay wakiillada iyo xukuumadda ayaa waxa kasoo baxay natiijo lagu kala aragti duwan yahay.Mucaaradka

Kulankii saddexaad oo maanta ka qabsoomay guriga madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxa kasoo baxay aragtiyo aan midaysnayn, waxaanay aragtiyo isku dhinac ah qaatay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo xisbiga UCID, halka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu keligii dhinac isku taagay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in wada-hadalkii u dhexeeyay xukuumadda iyo saddexda xisbi ay burbureen, isla markaana xisbi ahaan ay kasoo baxeen. Sidoo kalena ay bulshada caalamka iyo dhinacyada danaynaya ay usoo jeedinayaan wixii ergo ah ee ay ka galayaan iyo sidii ay u galayaan ay u madax-banaan yihiin, isla markaana ay soo dhaweynayaan.

“Waxaad ka war qabteen in xukuumaddu ay gogol dhigtay oo ay axsaabta mucaaradka ah u dhigtay, maanta waxaanu isugu nimi fadhigii saddexaad, markaa maanta waxaanu rajaynaynay in heshiis kasoo baxo, fadhigu intii hore wuu fiicnaa waa la doodday, waxaana laga dooddayay arrintaa taagnayd ee ahayd khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii guurtida, kulankaasi wuxuu ku dhamaaday is-afgarad la’aan, waxaanu diyaar u nahay cid kasta oo xal u haysan arrintan, hadday yihiin saaxiibaddii aanu ka nimi ee KULMIYE, UCID iyo xukuumadda, hadday yihiin shacabka reer Somaliland iyo hadday yihiin iyo hadday tahay beesha caalamka ciddii arrintaa xal ka gaysanaysa diyaar baanu u nahay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanu wada-hadalkiis burburin, WADDANI wuxuu ka cadhooday ayuu sheegay in xisbul-xaakimka iyo xukuumaddu ay qabsadeen in 24 saacadood la siiyo, si ay go’aan wada-jir ay iyagu usoo gaadhaan, laakiin uu WADDANI diiday. Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha UCID tilmaamay inaanu wada-hadalku burburin, sababtoo ah waxa laisla meel-dhigay waqti go’an in doorashada muddo kordhinteeda laga dhigo.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna sheegay in 24 saacadood la siiyay xisbul-xaakim ahaan iyo xukuumad ahaan, isla markaana 24 saacadood ka dib ay kusoo warcelinayaan xisbiyada.

Guud ahaan wada-hadalkan lagu kala aragti duwanaaday ayaa noqonaya in xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xisbiga UCID ay isku dhinac ka taagan yihiin aragtida xal u helida khilaafkan siyaasiga ah, halka WADDANI isagu uu keligii mawqif cid la taagan yahay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories