HomeWada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya! - W/Q: Mingiste - Qaybtii 4aad

Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya! – W/Q: Mingiste – Qaybtii 4aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank(Marka runta laga hadlayo, culayska arimaha laga wada hadlayo iyo Wasiirada Somaliland iyo Soomaaliya  u soo  dirteen wadahadalka aad iyo aad ayey u kala miisaan  weyn yihiin .)

 

Weli waxaa inoo socda qaybihii kala duwanaa ee aynu kaga hadlaynay  wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya  la filayo in uu dhex maro mustaqbalka ,qaybtana waxaan idiinku soo gudbinayaa sida ay iila muuqdaan  saddex qodob oo kala ah  dhexdhexaadinta(goobjoogayaasha),goobta lagu wada hadlayo iyo luqada lagu wada hadlayo.

Cida dhexdhexaadinaysa Somaliland iyo Soomaaliya:-

Inkasta oo aanay weli cadayn,wadamada goob jooga ka noqonaya wadada hadalada dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya ,haddana waxaa la hadal hayaa  wadamada  ay mid yihiin  Uk,Itoobiya ,Kenya,Jabuuti,Uganda  iyo wakiilka  UN,ee Soomaaliya  iyo ururo kale.

waxaa ogataan in wadal kasta oo Soomaaliyeed , oo ay ka soo qayb galaan wadamada Itoobiya, Kenya ,Uganda iyo Jabuuti  in aanu noqon doonin wada hadalo  guulaysta waxaana u sabab ah:-

  1. Wadamada aan kor ku soo sheegay iayagaa ka masuul Siyaasiyan dhibta guud ahaan Soomaalida Soo gaadhay,daacadna kama aha in guud ahaan geyiga Soomaaliyeed  nabad noqdo.
  2. Waxaa is diidan danaha ay wadamadaasi leeyihiin iyo danaha Soomaalidu leedahay,runtii waa laba aad u kal fog.
  3. Haddii Dowladaha dhexdhexaadinayaa aanay daacad ka ahayn ,arinta ay dhexdhexaadinayaa,markaa way adag tahay in heshiis laga gaadho arimihii laga wada hadlayey,qodobada wada hadalka ka soo baxaana waxay noqonayaan  qodobo aan cidina ku farxi  doonin,siina kala fogeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Goobta ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo soomaaliya:-

 Waxaan maqlay in  goobta lagu wada hadlayaa ay tahay   Uk-London,runtii ceeb ma aha in wadan kale lagu wada hadlo,balse waxaa fiican in aad loo tixgeliyo  dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-

  1. Dhaqaqanka  wadanka lagu wada hadlayo,oo runtii  aynu aad u kala fog nahay,kala fogaanshaha dhaqankuna wuxuu keeni karaa carqalado ku yimaada wada hadalka.
  1. Uk-waxaa ku nool Soomaali aad u fara badan,gaar ahaan Siyaasiyiin aad u kala aragti duwan,kuwaasina waxay  fara gelin joogto ah ku samayn karaan wada hadalada.
  2. Waa goob aad uga fog Soomaaliya iyo Somaliland,markaa markasta oo loo baahdo in wada tashi laysugu noqdo waxay noqonaysaa in dib loogu dhoofo Soomaaliya iyo Somaliland,taasi waxay keenaysaa qarash fara badan oo aan loo baahneyn.(In kasta oo isgaadhsiin casri ah jirto haddana waaxaa loo baahanayaa in mar mar dib laysu noqdo).

Dhaqaalaha ku baxaya waadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya:-

Runtii ma garanayo cida bixinaysa  dhaqaalaha ku baxaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,balse waxaan filayaa in ay bixinayaa Bulshada  caalamku amase Dowladihii fikirka iska lahaa. Waxaa cadahay in dhaqaalaha ku baxaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u  badan, “ogaadana  dunida xilligan ma jiraan wax bilaash laysu siiyaa ,haddii dhaqaalaha  wada hadalka la bixiyo, Soomaalidana waxaa la doonaayaa bedelkii  dhaqaalihii laga bixiyey.

Luqada ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya:-

 Luqada lagu wada hadlayaa aad iyo aad ayey muhiim u tahay,sababaha ay muhiim u tahay waxaa ka mid ah:-

  1. Waa in ay si fiican isu wada fahmaan dhamaan ka qayb galayaasha wada hadala,gaar ahaan  kooxaha wada hadlay.
  2. Waxaa qabaa in Afka hooyo uu yahay kan keliya ee dareekooda ay ku cabiri karaan dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee wada hadlayaa.
  3. Waxaa aad u fiican in lagu wada hadlo Afka hooyo,si loo adeegsado maahmaaha,halkudhegyada,gabayada iyo guud ahaan suuganta Afka Soomaaliga.
  4. Haddii luqad kale lagu wada hadlo waxaa yaraanaya is fahanka Soomaalida ,waxaa yaraanaya adeegsiga suugaanta  Afsoomaaliga,waxaana dhici doonta in la saxeexo wax qaldan,muran iyo sidaa umaan fahmin waa la maqli doonaa.

Hadal iyo dhamaan weli waxaad moodaa in ay kala fog yihiin  Soomaaliya iyo Somaliland ,waxaad moodaa in aan weli la helin isu soo dhowaansho  iyo saaxad caafimad qabta oo lagu wada hadlo midna.

———–La soco qaybta dambe  iyo farqiga u dhexeeya/kala fogaanshaha  Dastuurada Somaliland iyo Soomaliya —–

ALLAA   MAHAD  LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories