HomeWada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya!! - Qaybtii 9aad

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya!! – Qaybtii 9aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis  iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis,waa laba qodob ee ay isula imanayaan laba wafti ee Somaliland iyo Soomaaliya.)

Aqoonta aad u leedahay shaqsiyaadka aad wada hadlaysaan:-

Waa muhiim in aad aqoon fiican u leedahay  shaqsiyaadka ka socda cida wada hadalku idin dhexmarayo.Arimaha loo baahan yahay in aad wax ka ogaato inta aadan wada hadalka tegin waxaa ka mid ah,sida aqoonta ay u leeyihiin Somaliland,sida ay u fahansan yihiin taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya sidii ay isu yimaadeen,mudadii ay Siyaasada ku jireen.miisaanka Siyaasadeed ee ay ku leeyihiin Shacabka ay ka socdaan,Dowlada ay ka socdaan iwm.

 Haddii aad aqoon fiican isu leedihiin waxaa inta badan dhib yaraanaya isla rogrogista arinta aad ka wada hadlaysaan,waxaa  sahlan in aad si  fudud isula fahantaan arimaha aad ka wada hadlaysaan,waxaa dhibyaraanaysa in aad wada gaadhi kartaan heshiis buuxa.

Haddiise ayadan aqoon fiican u  isu lahayn waxaa mar kasta  adag isfahankiina  iyo fududaanta wada hadalka idin dhex maraya.

Daraasado dhamaystiran oo laysula yimaado:-

Marka laga hadlayo daraasad buuxda ,waxaa muhiim ah in dhowr arimood hore daraasad  buuxa hore loogu  sii sameeyo ,waxaa ka mid ah:-

  1. Waa in ay jirtaa  Cilmi baadhis buuxda  oo lagu sameeyo wixii faaiido iyo qasaare lagala kulmay Midowgu Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960.
  2. Waa in ay jiraan wax  la taaban karo oo qolo waliba soo daliishanayso/markhaati ka dhigaynayso  sida Film—Suugaan–Daraasado lagu kalsoonaan karo IWM
  3. Dad goob joogayaal ahaa kana markhaati kacaya wixii dhacay,haddii loo baahdana  la horkeeni karo  Gudiyada wada hadlaya .
  4. Waxaa  fiican in  haddii la heli karo aad sii xuuraanto,xogagaal u sii ahaato mowqifka ay taagan yihiin Dowlada aad wada hadlaysaan,waxaa fiican in  aad xog ka sii hayso qoodobada  adag iyo ku sahlan ee ay wataan Dowlada aad wada hadlaysaan  si ay kuugu dhib yaraato in aad u sii tabaabushaysato,oo aanay hadhow naxdin kuugu noqon.

Waajibaadka:-

Waajibaadka ku saran waxaa loola jeedaa masuuliyadii  ay kuu soo dhiibeen Shacabka aad wakiilka ka tahay,Dowlada aad ka tirsan tahay iyo Shuruucda wadan ka aad ka socoto.Inta badan Waajibaadka waxaa ku soo siinaya Dowlada aad ka wakiilka tahay   oo  iyaduna ka sii wakiil ah Shacabkii iyo Shuruucdii wadanka.Waxaa ka mid ah waajibaadkaaga in go,aanka aad gaadhaysaa uu noqdon  mid raali geliya Dowlada –Shacabka iyo Shuruucdii aad ka wakiilka ahayd, waa in aad ogsoon tahay miisaanka iyo mudnaanta ay leedahay  wada hadaladan aad ka qayb qaadanaysaa.

Shaqsiyaadka isbeddelka badan looma dirto wada hadalada:-

Shaqsiyaadka  isbedelka badan waxaa loola jeedaa  shaqsiyaadka Siyaasadooduna aanay lahayn meel loogu soo hagaago–aan lahayn Siyaasad  degan—Shaqsiga marba Maamul ku biira—Shaqsiga marba Xisbi ku biira  iwm.

Runtii shaqsiyaadka noocaas ahi waxay aad iyo aad  halis ugu yihiin in  aanay gudanin howshii shacabku u igmaday,waxay halis u yihiin in si dhib yar loola heshiiyo.

Ugu dambayntiina  way dhib yar tahay in XIL IYO XOOLO  mid uun loo balan qaado oo ay ka mid noqdaan  amase raacaanba  kuwa kaa soo horjeeda .

Runtii dad  aan sidaa u badaneyn ayaa ka soo jawaabay suaasha ah-

“SOMALILAND IYO SOOMAALIYA MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN” ?

Fadlan bal mar kale isku daya in aad jawaab buuxda  u heshaan suaashaas,haddii aad garato jawaabta ,markaas waxaa kuu dhib yaraaneysa in aad fahanto waxa Somaliland iyo Soomaaliya isku hayaan iyo sidii ay kala bixi lahaayeen.

ALLAA   MAHAD  LEH

———–la soco qayb ta dambe  —–

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories