HomeWada Hadalka Siilaanyo Vs Shariif waa 'Mission Impossible!'

Wada Hadalka Siilaanyo Vs Shariif waa ‘Mission Impossible!’

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Aslaamu Calaykum

blank

Marka hore waxaan halkan ka salamaya warbaahinta somaliland oo hawl warbaahineed oo muhiim ah u haysa bulshada somaliland meel kasta oo ay joogan, waxaan kale oo salamaya shacabka somaliland guud ahaanba.

Inta ka dib, runtii waxaan qalinka u qaatay maanta bal inaan bulshada iyo xukuumada somaliland ee hadda talada haysa uga digo khatarta ka iman karta wada hadal uu ku baaqay madaxweynaha dawlada taagta daran ee TFG da sheekh shariif, wada hadalkaas oo guddi u saaray bilowda sidii madal u soo wada fadhiisan lahaayeen isaga iyo siilaanyo ( Shariif Vs Siilaanyo).

Haddaba, tan iyo intii uu dhamaaday shirkii london, waxa jiray qodob ka mid ah war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii london oo bulshada caalamku ku dhiiri gelinaysay somaliland inay wada hadal la yeelato dawlada TFG ama iyada wixii bedela, qodobkaas oo dadku siyaabo kale duwan u fasirteen oo nin walba meeshu doono ula kacay. Haddba, Ma xuma in la wada hadlo laakiin su’aasha meesha taal waxa weeye yaa la la hadlaya ? goorma se la wada hadlayaa Somaliland vs Somaliya?.

Xukuumada Somaliland oo u hogaaminayo Siilaanyo ayaa sheegay markuu london joogay inuu wada hadal la furayo xukuumada TFG mar ay idaacada Voa waraystay laakiin waxa maanta nasiib daro ah in madaxweyne la soo doortay oo codka shacabka ku yimid uu ku fikiro inuu soo hor fadhiisto nin madaxweyne sheeganaya oo kaare lagu sido, taas oo runtii aan u arko inay midnimada somaliland iyo jiritaankeeda khatar weyn gelin karto.

waxaan uga digaya dawlada Somaliland ee maanta hogaaminayo Siilaanyo inay maanta quudhsi tahay in shariifka oo aan xaafad muqdisho ah maamulin oo  weliba amxaaro iyo ugaandhiis ilaalinayso uu ku hamiyo inuu wada hadal soo qaado, keliya waxa koonfurta somaliya wada hadal la la furi kara marka ay timaado dawlada sifahan leh:

Dawlad aaminsan in somaliland tahay dal ay midoobeen oo xornimadeeda qaadatay 26 june 1960 la soo noqotayna 18 may 1991. Dawlada hogaaminteeda ku timid kalsoonida shacabka ( fair & free elected leaders like Somalilanders)Dawlada maamusha dhulkii la odhan jiray Italian somaliland ( koonfurta somaliya oo dhameystiran oo tafaariiq ahayn sida imika tahay).Barlaman la soo doortay ( elected parliament) oo meel marin kara wixii Somaliland iyo koonfurta Somaliya ku heshiiyan.

Haddaba, Haddii Xukuumada Siilaanyo sii wado sheeko xariireedka ah inay la fadhiisan doonan madaxweynaha TFG oo maanta somaliland u la dhaqmaya ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LALA DHACA oo durba tageeraya welibna hub u soo raraya qolada Khaatumo seeg iyo Qurbo meerka Awdal State oo iyana hore u soo dhaweeyey ka dib markii Xukuumad Somaliland ka arkay inay ka gilgilaneynin fargelinta uu ku hayo oo weliba xukuumada Siilaanyo carabka u laa ladinayso inay wada hadal doonayso ayuu isna maanta maraya sheekh shariif inuu ba guddi farsamo u saaro sida uu sheekhu is tusay wada hadal lala furo walaalaha reer waqooyi galbeed!!!….. cajiib goorma ayaa sidan loo ba’ay???

Ugu danbeyntii, Wada hadalkaas waxay khatar ku noqon doonta horumarka iyo dumqraadiyada somaliland waxaana mugdi gelin doonta rajada somaliland beesha caalamka ka qabto inay aqoonsi hesho, waana in xukuumada somaliland jawaab cad ka bixiso hadalada raqiiska ah ee ka soo yeedhay shariifka oo isba amni haysan oo cidna meteli karin, haddii kale waxaynu sugna waa somaliland oo ku danbeysa Mar haddaan ka gabayay go’aygiina ka qaatay maxaa iga gidhiish ah!!!.

Alla Mahad leh

Saeed Abdullahi dualeh

Bristol, Uk.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories