HomeWada-hadaladii Ku Saabsanaa Muranka Hawada Oo Maanta Turkiga ka Furmay Iyo Agaasimaha...

Wada-hadaladii Ku Saabsanaa Muranka Hawada Oo Maanta Turkiga ka Furmay Iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista iyo Hawada JSL Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa dhawaan waddanka Somaliland ka ambabaxay wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waftigaasi waxa ay kulan kaga qayb galeen waddanka Turkiga. Kulanka ayaa ah mid daarran wada hadal ku saabsan muranka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.DSCF5026DSCF5027

Agaasimaha wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland Mudane Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa ka kulankaasi ka soo saaray warsaxaafadeed uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Somalilandpost. Waxa uu agaasimuhu warsaxaafadeedkan ku sheegay wada hadaladu xaga ay marayaan iyo xubnaha uga qaybgalay afarta dhinac ee kullankan ka wada qayb qaadanaya.

Agaasimuhu waxa uu warsaxaafadeedkan ku yidhi:

“Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi,  iyo  sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.

Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo bari-na uu sii socon doono.  Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.”

Xubnaha Ka wada Qaybqaatay Wadahadalkan:

Xubnaha Dawladda Somaliland.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi,        :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed             : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye,                 : Agaasimaha Waaxda Duulista

  1. Axmed Cumar Caga-dable,    :  La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali)  Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar            : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif                  : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan          :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan                     :  Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim               : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

  1. Olgan Baker             : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya
  2. Kareem Yilmaz         : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
  3. Hulusi Kilic                 : Agaasimaha bariga Afrika
  4. Ahmed Riza Demirer  : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya
  5. Seval Ince  :                 Air Traffic Controller

 

Wadahadalkan ayaa la rajaynayaa in ay ka soo baxaan midho dhal wacan oo ay labada dal ku wada maamulan karaan si wada jir ah hawada ka dhaxaysa Kadib markii dhawaan magaalada Xamar laga dhagax dhigay xarun lagu sheegay in laga maamulayo hawada laba dal. Xaruntaas iyo qaabka loo maamulayo oo aan ku jirin heshiiskii ay hore uga wada gaadheen labada dal ayaa sababtay in Jamhuuriyadda Somalilandna ay si degdeg ah uga falceliso oo sheegto in lagu dhaqmayo uun wixii lagu heshiiyay Soomaaliyana aannay awood u lahayn in ay maamusho hawada Somaliland.

Somalilandpost.net, Hargiesa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories