HomeWacdarihii Maanta ee Xuska Sannad-guurada 26aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Weedhihii...

Wacdarihii Maanta ee Xuska Sannad-guurada 26aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Weedhihii laga Jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Xus ballaadhan oo loo sameeyey Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu intaanu gaadhin goobta xafladdu ka qabsoontay waxa uu kormeer iyo xadhig ka jarid ku maray miiska saraakiisha ciidanka qaranka oo lagu soo kordhiyey xarumo muhiima oo ay ka mid yihin qaybta jidh dhiska saraakiisha iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey cusbitaalka Ciidanka qaranka ee Birjeex.

blank
default

Waxaanu u soo gudbay Munaasibadda dabbaal-degga sannad-guurada 26-aad ee Aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliand oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka oo ay madaxweynaha  kala qaybleen shir-guddoonka golaha wakiillada,  wasiirada wasaaradaha gaashaandhigga, arrimaha gudaha, warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, horumarinta biyaha, badhasaabka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada,  qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray,  taliyayaasha iyo hoggaannada kala duwan ee ciidamada qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay axsaabta qaranka, madaxda safaaradaha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay Somaliland ku leeyihiin, saraakiil ka socota dalka Ingiriiska iyo Itoobiya,  siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha  ugu horrayn lagu soo bandhigay masraxiyad ku qotonta dedaalka iyo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkiisa.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo munaasibadda  xuska Aas-aaska sannnad-guurada 26-aad  ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka qaranka, guulaha ay gaadheen iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.

Taliye  Nuux waxa uu caddeeyey inay ciidamada qaranku nafta u hureen difaaca qarannimada, islamarkaana ay ku guulaysteen sugidda xuduudaha dalka iyo gacansiinta shacabka, waxana uu yidhi, “Laga soo bilaabo sannadkiisii koowaad ilaa maanta oo uu 26-jirsaday wuxuu ciidanka qaranku heegan u ahaa difaaca qarannimada lama taabtaanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu diyaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah, wuxuuna ku tallaabsaday fidinta maamulka dawliga ah, sidii uu u sugi lahaa dhammaanba xuduudaha Somaliland iyo gacansiinta ciidamada kale iyo hay’adaha kale ee dawliga ah marka ay sugayaan amniga qaranka iyo gacan siinta dadweynaha marka ay timaaddo xaalad degdeg ahi.”

Wasiirka wasaaradda Gashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey guud ahaanba ciidanka qaranka, saraakiishooda, dablayda iyo xaasaskooda, waxana uu xusay inuu ciidanku Astaan u yahay qarannimada iyo dawladnimada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka qaranku waxa uu astaan u yahay midnimada qaranka, taas oo ka turjumaysa dhammaanba ummadda reer Somaliland, sida Distuurka iyo xeerarka ku xusanna waxa uu ciidanku leeyahay mabaa’dii iyo waajibaad qaran, waxana uu u xilsaaran yahay difaaca madax-bannaaniada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaabadda xuska sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidanka qaranka, ubadkooda iyo xaasaskooda, waxana uu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca qarankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada qaranku guteen waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdooda ahi keentay inuu qarankani guulaysto, “Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay, ka Edaab wanaagsan yahay  oo ka adkaysi badan yahay, ciidamada qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahadnaqayaa iskaashi  amni iyo xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa si wacan u wada shaqaynaya oo isku xidhan ciidanka qaranka, ka  Booliska, ka asluubta, ka socdaalka, ka badda iyo ka wardoonka oo haddii ay isku baahdaan daqiiqado dhexdood ku xidhiidha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sheegay inay ciidamada qaranku dalkooda magac iyo taariikh uga tagaan oo aanay ahayn dheef raadis, waxana uu yidhi, “Adduunyada ninna magac buu u joogaa, ninna dheef buu u joogaa, Ciidamada qaranku waxad ogaataan inay magac doontaan, dalkana wax uga tagaan oo aanay dheef  doonin, waanan ku hambalyeynayaa doorashadooda.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu billad-geesi guddoonsiiyey labada taliye qaybeed ee 31aad iyo 12aad ee Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Gashaanle Sare Cismaan Faarax Cawaale (Dolaal) iyo gashaanle sare Axmed Hurre Haariye oo muddadii ay shaqaynayeen muujiyey adkaysi, shaqo-wanaag iyo masuuliyad, waxaanu madaxweynuhu xusay in ay diyaarinayaan bixinta 750 bilad geesi oo isugu jira dahab iyo qalin.

 

 

blank
default

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blankblank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blankblank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
default
blank
default
blank
default
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories