HomeWacdaraha isu soo Baxyada Taageerayaasha KULMIYE ee Dalka Maalintiisa Afraad oo u...

Wacdaraha isu soo Baxyada Taageerayaasha KULMIYE ee Dalka Maalintiisa Afraad oo u Quusgooyey Mucaaradka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shacabka Gobolka Saaxil oo dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku qaabilay Murrashaxa Madaxweynaha + dadweynaha reer Hargeysa oo cuddudooda soo bandhigay iyo baaxadda taageerayaasha isugu soo baxay gobollada Somaliland maalinta afraad ee ololaha KULMIYE

 

Hargeysa (SLpost)- Taageerayaasha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu soo baxyo wacdaro ah ku soo bandhigay gobollada iyo degmooyinka dalka maanta oo ah maalintii afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE ee doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13-ka bisha November 2017.

Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa isu-soo-baxyo indhaha soo jiitay oo ay ku muujiyeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay fagaarayaasha kala duwan ee loogu talogalay in shacabka lagala hadlo, waxaanna mahrajaannada ugu waawayn ee taageerayaasha KULMIYE ka dhaceen dhammaan magaalo caasimeedyada gobollada dalka iyo guud ahaan xarumaha degmo doorashooyinka kala duwan.

Isu-soo-bax lagu tilmaamay inuu ahaa xudunta wacdaraha ololaha maalinta afraad ee KULMIYE oo ay ku dabbaaldegeen shacabwaynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, waxa kala qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahan bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay ka mid yihiin; Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Xoor-xoor, Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obaama), Marwo Rooda Axmed Yaasiin, Guddoomiyaha Guddida ololaha ee Gobolka Saaxil Md. Cabdilaahi Abokor iyo xubno kale oo fagaaraha khayriyada Berbera kala hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyey sida qiimaha badan ee ilbaxnimadu ku dheehantahay ee iyagu isku duuban ay bannaanka u soo dhigeen taageerada aan la qiyaasi karin ee ay la barbartaagan yihiin xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

“Reer Berberow waxaad joogtaan magaaladii xuddunta u ahayd dhaqaalaha Somaliland, halkanna (KULMIYE) mustaqbal weyn baa yaalla, ballankeenuna waa bisha soo socota 13-keeda oo aad safka si wacan u gasho, codkaagana aad dhiibato, KULMIYE-na uu soo baxo oo uu Muuse Madaxweyne inoo noqdo.” Sidaa waxa yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban u jeediyey shacabka reer Berbera, ayaa uga mahadnaqay taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, waxaannu xusay in horumarinta dalka iyo caddaaladdu gun-dhig u yihiin tiirarka xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Waa noo guddoon cuddudaas iyo taageeradaasi, Berbera iyo Saaxil-na cid la dardaarayo maaha, waxaana aynu ku wadasoconaa oo aynu xisbi u nahay inaynu dalkeena dhisanno, diinteena wada ilaashano oo aynu dadkeena hore u marino, waa inoo caddaalad, xaqsoornimo iyo Somaliland oo hore u marta.”

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cuddudooda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo maanta taageerayaashiisu isu soo baxyo miisaan leh ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalintii afraad ee ololaha xisbiga.

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka magaalada Hargeysa oo isu soo baxa maalinta afraad ee xisbiga isugu yimi fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si laxaadleh u muujiyey miisaanka iyo cudduda aan la loodin karin ee xisbul-xaakimku ku haysto Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna dabbaaldegga ismuujinta kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, guddiga ololaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo badan.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo wasiirro xukuumadda ka mid ah oo fagaaraha Beerta kala hadlay reer Hargeysa, ayaa ku bogaadiyey dadweynaha reer Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiye Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaayo oo ay ka warrameen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgeliyey dalka muddadii uu xilka hayey.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa, ayaa si faahfaahsan uga warramay waxyaabaha ummadda reer Somaliland ku dooranayso xisbiga KULMIYE mar labaad oo isugu jira waxqabadka ballaadhan ee uu fuliyey muddadii uu talada hayey, miisaanka iyo waayo-aragnimada murrashaxiintiisa u tartamaysa hoggaaminta waddanka iyo qorshaha cusub ee xisbigu doonayo inuu ku maamulo dalka.

“Waxaannu hortiinna idiinka ballanqaadaynaa in aannu wax hagaajin doono nidaamka waxqaybsiga oo aannu dhisi doono Somaliland wadajirkeeda iyo wax-wada lahaanshaheeda in khayraadka dalka wixii yimaada loo sinnaado xag dhaqaale iyo xaq shaqaba waxaannu ballanqaadaynaa in aannu caddaalad ku maamuli doono, in garsoorka oo aannu wax badan ka qabanay oo dib u hagaajin badan aannu ku samaynay in aannu sii adkayn doono oo adeegga maxkamadaha loo dhaadhicin doono ilaa heer degmo iyo tuulo, in amniga aynu aad u sii xoojin doono,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey xubno ka mid ah xisbiga WADDANI oo ay ka soo yeedheen hadallo naxli ah oo halis ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxa ayaan-darro ah in odayaal waawayn ama siyaasiyiin waawayn oo xisbiga WADDANI taageersani inay yidhaahdaan haddii aannu annagu heliwayno doorashada waanu ka tashanaynaa dalka, taasi waa nasiib-darro, tartan baa socda, garina laba nin kama wada qosliso, haddii la tartamo nin uun baa guulaysta, markaa ninka maanta leh haddii la i dooranwaayo dalka waan ka tashanayaa miyaan ka yeelnaa? Maaha wax laga yeelayo.”

Geesta kale, isu soo baxyo waawayn oo xisbiga KULMIYE lagu taageerayo ayey sameeyeen shacabka ku dhaqan magaalooyinka dalka sida Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood, Caynaba, Gabiley, Balligubadle iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobollada dalka oo dhan oo dhigay wacdaro u quus-gooyey mucaaradka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories