HomeWaayeelkii Tahriibay!

Waayeelkii Tahriibay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Goobtu waa Dhagaxbuur, waa meherad lagu qaxweeyo waxaanu ku fadhinay toboneeyo nin oo isugu jira Dhalinyaro iyo rag waayeel ah. Intayaduba waxaanu lafa guraynay oo aanu hadal haynay dhibaatada tahriibta, waxaananu si gaara u hadal haynay wiilkii yaraa ee u dhashay dalka Siiriya isla markaana maydkiisa laga helay xeebaha dalka Turkey ga.

Waxaanu kolba dhan ka eegnaba isla markaana kolba midkaayo waayeel iyo dhalin yaraba ka sheekeeyo hagar daamo uu kala kulmay tahriibta amase looga sheekeeyayba ayaa nin waayeel ah oo fadhiyay kursi aan ka mid ahayn kooxdayada sheekadu dhex marayso se aan wax sidaasa noo jirin sheekadayadana dhegta kala socday, hadal intuu naga soo tuuray yidhi, “ war maati iyo dhalinyaro ayaad ka hadlaysaane aniga islaantaydii ayaaba iga tahriibtay”.

Dhamaan waanu aamusnay islamarkaana waxaanu u wada jeedsanay kursiga uu ninka waayeelka ahi nagala hadlay. Waayeelkii wax hadala oo kale noomuuna sii wadin, se cabaar markii aanu aamusnayn dhamaantayo ayaa mid naga mid ahi yidhi, adeer sidee islaantu kaaga tahriibtay?. Ninkii waayeelka ahaa dhankii aanu ka jirnay ayuu u holladay inuu u soo kaco, kursigii ula soo boodnay meel aan naga fogayna fadhiisinay.

Ninkii Waayeelka ahaa noo bilaw sheekadii naguna yidhi, “Islaantaydu waxay ii dhashay afar iyo toban caruura (14), waxayna haysatay meherad waxaana u shaqaynayay aniga iyo wiilkayga oo labadayaduba laba gaadhi kala watay.

Waxaanu goor habeena ka war helnay inaanay islaantii guriga joogin, kadib markii aanu caruurtii waydiinay hooyadiin aaway iyo halkee jirtaa waxay noogu jawaabeen ma aanaan arag ilaa maanta, oo xataa meherada maanta ma ayna joogin.

Yaabnay oo nidhi oo tolaw xagay aaday?, habeenkii sidii ayayna ku soo dheelman, habeenkii ku xigayna si la mida ayayna u soo dheelman. Markii aanu laba caana maal warkeeda la’ayn baadi goobnay oo dhamaan waydiinay dadkii aanu qaraabada ahayn, cid wax noo sheegtana marnaba ma aanaan arag.

Muddo markii aanu la’ayn ayay mid ka mid ah caruurteedu noo tibaaxday inay hooyadeed odhan jirtay waan tahriibayaa, yaabnay oo nidhi aabo xagee ayay odhan jirtay waan u tahriibayaa nagu tidhi gabadhii yarayd “TALYAANIGA”.

U qaaqdan waa igu dhac oo idhi ma iyada oo da’dana ayay tahriibaysaa, baadi goobkayagii hargeysa uun ahaa u badelnay inaan u baxno dhinacaa iyo jahada loo tahriibo, waxaanu isku raacnay aniga iyo laba wiil oo aan sodog u ahay qabana gabadha ay iyadu ii dhashay jigjiga aadnay una sii dhaafnay Addis ababa waxna soo waynay, waanu iska samirnay iskagana soo laabanay dhagaxbuur.

Ku dhawaad bil markii ay naga sii maqnayd nagala soo hadashay Xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan noona sheegtay inay tahriibtay halkaana sii marayso. Halkaa hawshu markay marayso aniga iyo ubadkii ay dhashay tashanay kuna tashanay inaanu dhaafino MAGAFAHA ay gacantiisa ku jirto.

Waxaan iibiyay jago yar oo aan lahaa waxaanay mar kale igala soo hadashay xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya igana codsatay inaan u soo diro lacag dhan Shan kun iyo konton doolar ($5050), u diray lacagtii una dhaqaaqay dhankaa iyo miyiga si aan geel halkaa ii joogay u soo kado si aan mar kale ugu diro lacagta doonta.

Markii aan muddo hawdka ku maqnaa geeliina soo iibshay kuna soo socdo magaalada Dhagaxbuur taleefankayga gacantu igu soo dhac waa mid ka mid ah gabadhahaygii iina sheegtay in hooyadeed geeriyootay yaabay oo naftayduna is waydiisay sawdigii MAGAFIHII dhaafiyay sidee ayay u geeriyootay. Se ma rumaysan geerida la ii sheegay.

Hal bil iyo maalmo markii aanu joognay nala soo hadashay naguna tidhi liibiya ayaan joogaa gaar ahaan caasimadeeda. U dirnay lacagtii ay mar labaad naga dalbatay noona sheegtay inay doonta ku raacyaso. Todobaad markii ay naga maqnayd igala soo hadashay mid ka mid ah xeebaha Talyaaniga iina sheegtay inay gudubtay iguna tidhi Wallee ma nooli kuna fal celiyay waa yeelkadaa.”

Intayadii fadhiday mid waliba kursigii uu ku fadhiyay ayuu ku qalalay oo dhabanka iyo gacantu isku dhageen, waxaananu la dhacnay sheekada uu wadaadku nooga sheekeeyay. Welibana waxa uu noo raaciyay oo intayadii meesha fadhiday layaab kale ku sii noqotay “bishu maanta waa lix shan iyo tobankana waxaan doonayaa inaan gabadh yar u fadhiisto, maadaama oo ay duqudaydii iga tahriibtay.”

Akhrise, tahriibtu waa aafo qarane aynu ka waanino da’yarteena iyo dadkeena maalin walba sida tiro beelka ah ugu dhiminaya xeebaha liibiya iyo talyaaniga.

W/Q: Maxamed Muuse Cismaan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories