HomeWaayaha Nolosha – Aadamiga iyo Garashada

Waayaha Nolosha – Aadamiga iyo Garashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Nin ragga xaajooyinka lafagura ka mid ahaan jiray ayaa waxa uu beri dhegaystay guddi xeerbeegti ahayd oo arrin loo saaray. Ninkaas oo arrinta xogogaal u ahaa, hase yeesho ee aan guddida ku jirin ayaa arkay in ay guddidu geed sare waabayso oo aanay arrintaba meeshii ay sarteedu ka qudhuntay hoos ugu daaddegayn. Ninkii, inta uu kor u dhawaaqay, ayaa waxa uu yidhi: ‘Guddiyeey milil guudkii lama dhayo’.

Sidaas ayey murtidaas caanka noqotay ku baxday maalintaas. Mililku waa caabuq nabarka buka hoostiisa ku jira. Ilaa hilbaha dhinta ee nabarka hoostiisa ku jira iyo dheecaanka si fiican meesha looga safeeyo dawadu gaadhi mayso, nabarkuna bogsan maayo. Sidaas oo kale, haddii aan xaajo halka ay xumaanteedu ka soo unkantay la gaadhin wixii laga qabtaaba waa uun dhaymo milil korkii la saaray”. (Xigasho: Afsoomaali iyo Suugaan 4).

“John waxa uu muddo shan sannadood gaadhaysa u shaqaynayey shirkad, waxa uuna goyn jiray dhirta waaweyn ee looxyada laga sameeyo. Shantaa sannadood ee uu shirkadda u shaqaynayey marna lama dalacsiinin. Shirkaddii ayaa waxa ay qaadatay nin kale oo shaqaale ah oo Bill la yidhaahdo kaas oo sannad gudihii lagu dalacsiiyey. John ayaa xanaaqay oo markiiba u tegey ninkii maamulaha ahaa si uu ugala hadlo in la dalacsiiyo. Ninkii maamulaha ahaa ayaa John ku yidhi: ‘Weli waxa aad soo goysaa tiro geedo ah oo la mid ah tiradii aad shan sannadood ka hor soo goyn jirtay. Annagu waxa aannu qiimaynaa waxsoosaarka qofka (Result oriented). Farxad baa ay noo ahaan lahayd in aannu ku dalacsiino haddii uu waxsoosaarkaagu kordhi lahaa’.
John waa uu iska tegay. Waxa uu bilaabay shaqo adag oo uu ku bixiyey saacado intii hore ka badan. Laakiin waa uu awoodi waayey in uu dhir badan soo gooyo oo uu waxsoosaarkiisa kor u qaado. Dabadeed waxa uu ku noqday ninkii maamulaha u ahaa, waxana uu u sheegay arrinta daran ee haysata. Maamulihii waxa uu ku yidhi: ‘Bill u tag oo warayso. Waxa laga yaabaa in wax aynaan garanayn uu garanayo e’ ‘.
Ninkii John ahaa waxa uu u tegay Bill, waxana uu weydiiyey sida ay ugu suurtagashay in uu soo gooyo dhir badan. Bill baa ku jawaabay: ‘Mar kasta oo aan geed jaro labo daqiiqo ayaa aan nastaa, faashkaygana waa aan afeeyaa (soofeeyaa). Adiga goorma ayaa kuugu dambaysay in aad afayso faashkaaga?!’ “ (Xigasho: Dhiganaha “You Can Win” ee uu qoray qoraaga caanka ah, Shiv Khera).

Waxa la yidhi, “Maan dad waa mudacyo caaradood”, waxana aynu wada garanaynaa in dadku sida ay midabka iyo muuqaalka guud ugu kala duwan yihiin si la mid ah in ay fikirka iyo garashadana ugu kala duwan yihiin.
Qoraaga magaciisu kor ku qoran yahay ee aynu wax ka soo xigannay waxa kale oo uu qoray shanta dareen ee ay dadku leeyihiin ee kala ah: aragga, taabashada, dhadhanka, maqalka iyo urinta. Waxa uu sheegay in dadka qaar shantaa dareen uu u dheer yahay dareen lixaad oo ah “garasho guud” (Common sense). Garashada guud waa waxa qofka u suurtageliya in uu shay ama wax kasta u arko sida dhabta ah ee uu yahay, isla markaasna uu u qabto haddii loo baahdo sida ugu qumman ee ay tahay in waxaa ama shaygaas loo qabto.

Nin baa waxa uu arkayaa nin xarragoonaya oo uu garanayo meelna maraya. Inta uu u yeedho ayaa uu lacag siinayaa iyada oo aanu waxba weydiisan. Ninkaasi iyada oo aanay cidina wax u sheegin ayaa waxa uu gartay in ninkaas uu lacagta siiyey uu baahnaa. Arrimaha noloshu waa wada caynkaas. Dadbaa markiiba wax garta halka ay qaar kalena farta waaweyn wax ku fahmaan. Garashada guud waxbarashada caadiga ah ee aynu naqaanno kuma xidhna ee waa qofba inta ku jirta.

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories