HomeWaaya’arag Wax Weyddii!

Waaya’arag Wax Weyddii!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dhawaqayagu wuu is gaadhayaa dhegtuna way ka bogan kartaa hadalka kolba kaayaga hadlaa leeyahay. Ma naqaanno! Waa oday. Go’ buu ku hillaaban yahay waanu daymo iyo qooraansi badan yahay. Waddada ayuu daawanayaa dhinacna tusbax buu ka rogayaa.  Wuxuse u muuqdaa qof maankiisu aanu la socon faraha tusbixiisa rogaya. Wuu faraxsan yahay oo dhibi kama muuqato. Waanu ka baallaynaa laakiin nooma dhaxayso masaafo badani. Tolow waa kuma ninkani ayaanu is waydiinay. Dareenkaas se kuma aannu sii hawshoon aniga iyo saaxiibkaygii ila fadhiyay oo waxa noo qulqulaya qubanayaal warar, is xaal waraysi iyo waayo-aragnimo wadaag ah. Waa jawi deggan oo sheeko ku habboon iyo habeen dhaxan iyo dabayl, siigo iyo sawaxan midna aan lahayn.

Sheekadayadii ayaa dhegaha kaga duushay oo uu maqal jeclaystay. Wuxuu yidhi “ma idinla soo fadhiisan karaa?” ka hor inta aanu nagula bohoobin sheekada. Waannu ogollaannay daqiiqado kadibna wuxu soo bandhigay midhadh ka mida sheekadayadii intii dhagihiisu weeleeyeen, isagoo leh “waxa aad ka hadasheen arrimo badan oo dalka ka jira oo dadka u dan ah, waxaanan idiin arkay inaad tihiin dad la yaab leh oo fikir iyo arrin wadaagaya, isna dhagaysanaya oo ka duwan in badan oo dhallinta da’diina ah”.

Isaga oo isku kaaya sheegaya ayuu yidhi, waxaan ahay “beeso”. Beeso marka ay daasho ee ay duugowdo waxa qaata oo kaliya bangigii ay ka soo baxday. Anna sida beesadaas oo kale ayaan ku soo xerooday waddankayga markaan dibad iyo hawl ka soo daalay. Waxan ka soo shaqeeyay xilalna ka soo qabtay jaamacado, bangiyo iyo hay’ado caalami ah iyo kuwo dalka ka dhisanba.

Waxa uu sheekada noola wadaagay si kal iyo laab ah annaga oo falanqaynay arrimo door ah. Dooddiisa waxa igaga duxay tusaaleyaal cajiib ah iyo su’ aalo. Wuxuu yidhi “haddii qof ku sharfo, ku siiyo hanti iyo maamuus, ma ugu abaalgudi lahayd xatooyo iyo khiyaamo? Ka warran haddii gabadha guriga idiinka shaqaysaa ay cuntada sagsaagto oo ay badh leexsato hantida guriga? Waxa arrimahan la mid ah qofka dawladda u shaqeeya ee sharaf iyo magac, milgo iyo hanti ku helay xilka ee haddana ka badsaday intiisii, intii dadwaynahana u dhaafay oo khiyaamo ku dhaawacay qaranka.

Waxa uu sheegay in islaanta yar ee suuqa dahabka, lacagta, ama khudaarta dul fadhida aanay cidi u dhawaan oo la yidhaa waa reer hebel. Waxa qof kugu aaminana waynu iska dhawrnaa. Laakiin maxaa loo ilaalin waayay xil iyo xoolo ummad dhami kugu aamintay. Maxaa keenay in madaxdu nolol sare ku naalooto oo hantida ay ku takri falaan iyaga oo dadkoodii ay dhulka yaallaan oo ay barriinsatay baahidu? Sidee bay ku dhacday waddo dadka aan loo oggolayn oo ka xidhan inuu nin dawlad u shaqeeyaa aayar iska maro ? Dadku haddaanay isla-xisaabtan aqoon oo aanay xalaasha danayn, xitaa hadday iyagu wax dhaqdaan, mustaqbalka inta kale ee ubadkoodu ka mid yahay ayay rajada ka laalaan. Lama arag dal ku caano maalay sidan.

Waannu sii waraysannay. Sidii caadada ahayd ee maqaaxi iyo rag lagu yaqaannayna falanqayntii siyaasadda ayaannu sii wadnay, shaahiina waannu labaysanay. Wuxu yidhi “waxaan ka naxay beerka markii aan maqlay aniga oo dabadda ku maqan samaynta axsaabta waqtigii Cigaal. Waxaan arkaayay inaan loo bislayn diyaarna loo ahayn axsaab oo sidii markii gumaystuhu inaga tagay laga dhaxlayo wax qabiil ka daran qaranna hodi kara.

Ninkani waxa uu aaminsanaa in qabiilkii ha laga tago la yidhi ee xisbiga lagu beddali rabay uu ahaa laab-la-kac annana waannu ku taageernay. Qabiilna lama tiri karo in si fiican oo caddaalad iyo xaqqa loogu tashado mooyee. Wixii la qarsado ee la dafiro ayaa xune, Allaa innaga dhigay qabiil qaranna waa danteenna. Laakiin waa in mar walba danta qaranku mudnaanta ka leedahay ta qabiilka iyo qofkaba. Taasi maaha dhabta waddanka taalla oo qarankani qabiilbuu u raran yahay, dawladnimo eedday qabiilka oo dadwaynaha ayaa ku dhib qaba. Dadkana in baa nool oo hanatay raaxada badankuna way liitaan. Qabiil waa gaadiid gardarrada loo fuulo. Axsaabtiina shookaanta ayay qabsadeen oo reero iyo beelo iyo xero u xidhan dad gaar ah weeye. Dawladdiina habkaasaa lagu bineeyay. (Weedhsan.com) Dibusocod mooyee manay dhalin in la qaado tallaabo hor leh.

Odaygu waayo-aragsanaa. Wuxu intaa ku sii daray in siyaasiga maanta taagan uu yahay nin isagu tiisa u galay tu kalana uma daneeyo. Doorasho kasta oo timina waxay horseedday inay doc kale innaga furuurto, dadka kala kaxayso, oo dhaqaale-burbur horseeddo. Fartaa lagu qabtaa wadnaha hadday doorasho timaaddo. Xisbigii hadla iyo siyaasiga war sheegaana waxa ka soo yeedha xajiin, xagxagasho iyo xishood li’i. Haatanna waxa ina hor yaalla habka qaran iyo qabiil la isu qabadsiinayo. Maaha inaynnu soo guurinno hab u shaqeeyay dad aan inala duruuf ahayn. Mana aha ujeeddadu doorasho ha la galo oo qudha inaynnu u xamaan qaadanno. Waa in wax laga beddelo nidaamyada la soo dhoofiyo, danteenna iyo duruufahana lagu sargooyo oo garaadka iyo dhaqanka muwaadinnimadu salka u tahayna inoo hagaan. 

“Qiimo ma leh maanka qabiilku afduubay, qiraal iyo soo furashuu rabaa, qufulkana waxa lagaga jabin karaa, qaran adag iyo qofnimo.”

Ugu dambayn, waxa aannu uga gudubnay talada ah dawlad wanaag wixii lagu heli lahaa. Wuxuu yidhi waxa mudan in saddex dhadhaar laga unko dawladnimo: 1) Hoggaan xirfad leh oo himilo fog, hagar la’aan iyo daacadnimona dadka ugu hawlgala. 2) Hay’ado dawli ah oo la awoodeeyay kuna shaqeeya madax bannaani iyo isla xisaabtan 3) Siyaasado, shuruuc iyo habdhaqan dawladeed oo baahiyaha dadka ka jawaaba kuna qotoma karaankeenna iyo hadafkeenna. Intaasna waxa ugu sii mudan oo inta kalaba keeni kara maamul iyo hoggaan tayo leh.

Siciid Maxamed Daahir

Email: siciidmd@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories