HomeWaardiyihi Bilyaneerka Noqday

Waardiyihi Bilyaneerka Noqday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankWaa Ganacsade Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Kuuriyada Konfureed Balse Ku Aflaxay Dalka Maraykanka, Waa Shaqsi Waardiye Ka ahaa Goobaha La Dhigto Gawaadhida Balse Maanta ah Mid Kamida Bilyaneerada Ugu Caansan Dunida Mr Do Won Chang Wuxuu Ku Dhashay Kuriyada Koonfureed Taariikhdu Markay ahayd March 20,1954 Yarantiisi Wuxuu Ahaa Mid Jecel Waxbarashada, Waxaanu Ku Gulaystay Waxbarashada Hoose Iyo Sare, Balse Riyadiisi ahayd Inuu Galo Jamacada Way U Suura Geli Wayday, dhaqale La’aan Awgeed, balse wuxuu go’aansaday inuu la yimaado dadal iyo haw karnimo, Waxaanu Bilaabay inuu Shaaha Ku Iibiyo Mid Kamida Wadooyinka Caasimada Dalka Korea Konfureed Ee Caasimada SEOL

Duruuftaasi Kamay Hor Istaagin Inuu Guursado Mr Do Won, Waxaanu Guursaday Gabadh Lagu Magacaabo Jin Sook Chang Waxanay Labadoodu Noqdeen Laba Qof Oo Si Wada Jira U Hawl Gala Markaasna Leh Hadaf Qudha, Waxaanay Si Wada Jira U Ururin Jiren Lacagta ay Soo Shaqeeyaan.

Waxaana U Suuragashay In ay u dhoofaan Gobolka California Magaalada Los Angels Ee Dalka Maraykanka, Halkaas Oo Ay In Mudo ah Bila shaqo Ku Ahayeen Iyago Isticmaalayey Lacagtii ay Hore U Urursadeen Markii ay Joogeen Kuriyada Konfureed, Laakin Ugu Danbayn Lacagtaasi Way Ka Dhamaatay Waxaana Soo Foodsaray Caqabado Dhawr ah Sida Shaqo La’aan Iyo Luqadii Englishka Oo Ku Adkayd Balse Wuxuu Mar Kale Qaatay Go’aankii Hore Ee u Qaatay Markii u Dalkiisa Joogay, Waxaanu Ka Shaqo Bilaabay Sadddex Shaqo, Sida Goob Lagu Iibiyo Coffe-ga Iyo Goob shidaal Habeenkiina Wuxuu Ilaalin Jiray Xarun La dhigto Gawaadhida, Balse Waxaa Laga Yaaba Inaad Is Waydiinayso Waqtiga U Nasto ama Seexdo.

Mr Do Won Chang Waxaa U ahaa Mid Seexda Hal Saacad Oo Keliya Waxaanu Ku Jiray Mudo Saddex Sano,Balse Fikrada Maanta Ka Dhigtay Inuu Taajir Noqdo Wuxuu Helay Isago Ku Dhex Jira Shaqadiisa Waardiye Ee Habeenkii Marka U Ku Jiro Ayuu Waydiin Jiray Dadka Dhiganaya Baaburta Waxa ay Ka Shaqeeyaan,inta badan dadka Su’aasha U Waydiyey Waxay Si Isku Mid ah Ugu Jawaabeen Inay Ka Ganacsadan Dharka, Balse Maw Jeclaysan Fikrad Ganacsi, madama aanu khibradeeda lahayn balse wuxuu bilaabay inuu baadho aqoonta ku saabsan ganacsiga dharka si u xaliyo khibrad la’aanta ka haysata Ganacsiga Dharka, Waxaanu Mudo Afar Sano ah Baadhayey Arimaha Ku Saabsan Ka Ganacsiga Dharka, Isago akhriyey Bugaag Faro Badan Oo Ku Saabsan Ka Ganacsiga Dharka, Ugu Danbayn Isaga Iyo Xaaskiisa Waxay Go’aansadeen Inay Ka Furan Dukan dharka lagu iibiyo waqooyiga Los Angels Kaas Oo Ahaa Xafad ay Deganayeen Dadka Danyarta ah Do Won Chang Wuxuu Waajahay Caqabad aanu Ka Sii Fikirin In ay Ku Wareegsan Yihiin Lix Dukaan Oo Lagu Iibiyo Dharka Qaaliga ah Balse La Daladhacaya Fashil Ganacsi, Iyado Dukanka U La Wareegay Shan Jeer Albaabada Loo Laabay Balse Baadhitaan Dheer Kadib Waxaa U Go’aan Ku Gaadhay Inuu Keeno Dhar Jaban Kana Soo Iibsado Dalkii U Ka Soo Haajiray Ee Kuriyada Koonfureed,Kadib Markii u furay wuxuu filayey inuu sanadka Kowaad Ka Fa’idi Doono Sodon Kun Oo Dollar($30,000) Balse Wuxuu Helay Lacag Dhan Todoba Boqol Oo Kun Oo Dollar($700,000) Waxaanu Garawsaday Inuu Ku Socdo Wadada Saxda ah Qofkii Doonaya Inuu Gaadho Guusha Ganacsi.

Shan Sano Ka Dib Wuxuu Ka Furtay Maraykan Shan Dukaan, Waxaanu Markii Hore U Bixiyey Ganacsigiisa Fashion 21 Balse Markii Danbe Wuxuu Ku Bedelay Forever21 , Taariikgdu Markay ahayd 2010 Waxay Dukaamadiisu Gaadheen 457 Dukaan, Waxaana Hada U Shaqeeya 40,000kun Oo Shaqaale, Waxaana Sanadkii 2015 Dukamadii Gaadheen 600 Boqol Oo Dukaan,Balse Hada Wuu Sii Balaadhiyey Ganacsiga Isago Ku Soo Daray Alaabooyinka Guryaha Lagu Qurxiyo Iyo Haweenka, Waxaana Waqti Xaadirka Ay Gaadheen 700 Oo Xarumood Dhaqalaha ay Hada haystaan Wuxuu Dhan Yahay 5.9Bilyan Oo Dollarka Maraykan Sida Ay Xaqiijisay Jariirada Fobes, Dakhliga Sanadkkii Soo Gala Waa 4.4bilyan Oo Dollar.

Waa Maxay Casharada Aynu Ka Baran Karna Sheekada Waardiyaha Bilya Neerka Noqday

1. Xirfad Kasta Oo Aad bilaabaysa In ay U Bahan Tahay Samir

2. Hadaf Bilaa Higsi ah In aanu Midho Dhalayn Hadanad La Iman Dadal

3. Aqoon Inaad U Lahato Waxaad Doonayso Inaad Bilowdo

 

W/Q Maxamed Cabdi Idiris

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories