HomeWaar yaa yidhi 27ka July ayay Madaxweyne Siilaanyo ka Dhamaanaysaa? Amb. Kaysar...

Waar yaa yidhi 27ka July ayay Madaxweyne Siilaanyo ka Dhamaanaysaa? Amb. Kaysar Cabdilaahi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Asalaamu Calaykum, Sida uu Dastuurkeenu dhigayo Qodobka 83aad waxa uu Tilmaamayaa Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka marka ay muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto.
Hadaba iyaga oo Golaha Guurtidu gudanaya Waajibkaas Qaran ee Dastuurki siiyay ayay Muddo Xileedka Madaxweynaha Iyo ku Xigeenkiisa ay u kordhiyeen laga Bilaabo 27/7/2015 oo Xiligii Hore ku eekaa ilaa 27/4/2017. Waa go’aan Sharci ah oo aan mugdi ku jirin.

Waxaana ku Waajib ah Muwaadin Kasta oo Mucaarid ah ama Muxaafid ah Inaan Mugdi iyo Madmadow la gelin Dastuurka iyo Nidaamka Sharci ee Dalkeena u yaalla oo ah mid aynu kusoo Caano maalnay kuna soo liibaanay Mudada uu Qarankeenu dhisnaa.

silanyo iyo kayserHaddii ay Xisbiyada Mucaaridku Dood Sharciyeed ay ka qabaan Go’aanka Guurtida waxa ay Xaq u leeyiihiin inay Maxkamada Sare ee Dalkeena Dacwad u gudbiyaan. Hase yeeshee Looma baahna Xaqna Shacbiga looguma laha in Jahawareer iyo Qas la geliyo. Waxaana lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Nabadgelyada iyo Dawladnimadeena. Waxaa kale oo Muhiim ah loona baahan yahay in Mucaarid iyo Muxaafidba laga fogaado Cayda iyo Aflgaadada iyo is Xajiimaynta nusqaanta ah ee Warbaahina la isu marinayo.

Hubaal waxa ah in Shacbiga Reer Somaliland uu yahay Shacbi Xalaal ah oo Waayo-arag ah oo aan Mucaarid iyo Muxaafid midna ka ogolaan doonin wixii nusqaan ku ah Qarankeena. Waxaana lagama maarmaan ah inaynu dhamaanteen ilaaliyo Degenaanshaha iyo Xasiloonida Qarankeena.

Ugu danbayn sida uu Dastuurka Dalkeenu dhigayo Madaxweyne Xilka haya waxa bedeli kara oo qudha Madaxweyne la soo doorto oo Codka Shacbiga ku yimidaada. Waxaa Muhiim ah in laga fogaado in lagu fikiro wax kasta oo ka duwan Doorasho Xalaal ah oo dhacda Xiliga ugu Haboon ee Hay’adaha u xilsaarani ay soo jeediyaan. Waxaa kale oo Muhiim ah in aynu noqono Ummad isku duuban oo ka fogaata Talaabo kasta oo Cadawgeena ka farxin karta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories