HomeWaar Jooji! (Sheeko gaaban) - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waar Jooji! (Sheeko gaaban) – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Coomay

Goor-sheegtu waa sagaalkii iyo badhkii aroornimo, waa maalin salaasa ah. Cadeedu ma kulula mana qabooba. Dabayl aan sidaa u sii badnayn ayaa ka soo dhacaysa dhinaca koonfureed. Waxaan soo istaagay isgowska xer-awr si aan bas uga raaco ilaa suuqa hoose. Goobtan waxa taagan shan inan oo u muuqda inay isla-socdaan, waanay wada sheekaysanayaan. Waxay isha-hoosta kagaga xadayaan gabadh aad u xaragoonaysa, oo malaha iyana baska sugaysa. Waxa na dhaafay baskii hore wuuna buuxay, kii labaadna wuuna dhaafay. Mid kastana jooji ayaanu is wada jir ah, ugu dhawaaqayna. kii saddexaad ayaa soo joogsaday waxaana ka banaan laba kursi oo keliya, ka dib hadal badan iyo dood dheer, waxa la isku raacay inay gabadhii xaragoonaysay fadhiistato, ka soo hadhayna qofkii ugu da’ weyni fadhiisto. Waanay dhacday. Baska dhexdiisa waxa ka socota sheeko hab-qan ah.

Dhalinyar iga horaysaa waxay ku murmayaan real madrid iyo barcelona ka ciyaar fiican. Odey iyo laba nin waxay isku haystaan siilaanyo iyo riyaale ka xukun fiican, laba wadaad waxay isku khilaafsan yihiin tusbuxu waa bidco yo maah, saddex hablood waxay xamanyaan gabadh hor-fadhiday labiskeeda. Nin ayaa tilifoonka gacanta ku hadlaya, oo qaylada ka baxaysa aad moodo inuu joogo xero-jaadii, nin qurbojoog ahi wuxuu ka sheekaynayaa wadankuu ka yimid iyo kan uu joogo siday u kala duwan yihiin. Waxaanu caayayaa soomalida, waxaanu amaanyaa dalkuu ka yimid. Afar nin oo xaga hore fadhiyaa waxa isku haystaan qabyaalad. Nuxurka doodoodu waa reer hebel ayaa ka badan reer hebel.

Dirawalk basku wuxuu nuugayaa sigaar, afkiisana waxa ka muuqda cagaarka qaadka, balse waxba ma raamsanayo. Wuxuu aad ula dhacsan yahay hees ka baxaysa baska, oo xasan adan samatar qaado. Heestu wey dalacan tahay. Mid ka mid ahaa rakaabka baska oo u muuqday nin wadaad ahaa, ayaa ka codsaday inuu naaquso heesta ama bakhtiiyo. Wadihii baska ayaa ugu jawaabay” qaybta jacaylku ha ku shaqayso”. Koox dhalinyaro ahayn oo heesta la dhacsanaa ayaa qosol-kooxeed jaanta wadhay. Ninkii cadho ayuu jiq-noqday waxaanu dalbaday in baska la joojiyo, si uu uga dego. Manay dhicin.

Waxaanu soo gaadhnay afaafka idaacada raadhyow Hargaysa. Baskiina wuuu istaagay. Hal-mar ayuu rakaabkii  ku dhawaaqay waar jooji. Dad aan ku qiyaasay toban ayaa ka degay. Waxa albaabka soo buux dhaafiyey koox masaakiin dawarsanaysa, oo codod kal duwan ku luuqaynaya. Islaan fadhiday kursiga albaabka xiga, ayaa ku qayliday masaakiintii kuna tidhi na dhaafa baahina idinma hayse, waxaad tihiin shaqo doone. Odey kursiga ku xiga fadhiyey yaa ku booday islaantii, uguna jawaabay” iska daa dadka baahan, haddii aad adigu ladan tahay”. Doodd kulul ayaa dhexmartay odeygii iyo islaantii. Dadkii rakaabka ahaa waxay ku midoobeen  sheekadan. Badankoodu waxay isku raaceen inaanay baahiyi hayn oromada, balse ay yihiin shaqo tag. Waxaanu soo gaadhnay isgoyskii togdheer. Nin taraafig ah ayaa siidhi wiqiiq ka siiyey, waanu na joojiyey. Gabadh xaga dambe fadhiday ayaa tidhi meelaha jooji. Way naga degtay. Haddana dooddii ayaa isu-rogtay cidhiidhiga wadada. Odey ayaa ku dooday, in cidhiidhigu bilaabmay markuu siilaanyo kursiga qabtay. Balse waxa ku soo booday, nin dhexe oo aan da’diisa ku qiyaasay shan iyo konton, waxaanu ugu warceliyey “ ilaahay ka baqo, weligeedba sidan ayey ahayd”. Islaantii fadhiday kursiga albaabka ayaa ku raacday odeygii. Oo tidhi waa runtii oo markuu xukunka qabtay, ayuu belaayo nala soo galay.

Dhalinyartu doodda kuma jirto. Waayeelkii ayaa geesaha isla-galay.derawalkii baska ayaa doodda ku soo biiray, waxaanu yidhi” maxaa qof kasta oo weyn ku diray m/weyne siilaanyo”. Odeygii ayaa kula booday, kuna celiyey” inan yar oo shalay dhashay ayaad tahay, ee taariikhda baro. Siilaanyo waxaanu ku baranay S.N.M iyo qaaxo”. Waxaa ku raacay hadalkan dhamaan waayeelkii baska saarnaa. Laakiin dhalinyartii way ka aamuseen. Waxaanu soo gaadhnay suuqii, oo hawshii aan u socday ayaan qabsanayaa, ee nabadeey.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories