Home“Waar Jabhad lahaanine, Karoonaha ka Dhuunta!” – Siyaasi Jaamac Shabeel oo Caqli-xumo...

“Waar Jabhad lahaanine, Karoonaha ka Dhuunta!” – Siyaasi Jaamac Shabeel oo Caqli-xumo ku tilmaamay Koox Jabhad ka iclaamisay Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka mid ah siyaasiyiinta madaxa-bannaan ee dalka ayaa tallaabo deel-qaaf iyo caqli-xumo ku tilmaamay Koox deegaamada Galbeedka Gobolka Sanaag kaga dhawaaqay Jahbad Khamiistii Shalay.

blank
Siyaasi Jaamac Shabeel

Kooxda sheegtay inay Jabhadda ku dhawaaqeen, ayaa sababaha ku kallifay go’aankooda ku micneeyey caddaalad-darro ay ka tirsanayaan Xukuumadda Somaliland, iyagoo ku gooddiyey inay diyaar u yihiin dagaal ay la gaalaan ciidamada Somaliland haddii Gacan la saaro Boqor Cismaan Buur-madow oo Beeshooda ka tirsan, kaas oo ay sheegeen in loo hanjabay.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa dhawaan ku baaqay in madax-dhaqameedka laga qayb-galiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaas oo xukuumadda iyo axsaabta siyaasaddu si adag uga biyo-diideen ugu baaqeen in madax-dhaqameedku ku ekaadaan hawlaha Dhaqanka ee ay beelahooda ugu xil-saaran yihiin.

Haddaba, Siyaasi Jaamac Shabeel oo hore u ahaan jiray guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa mar uu maanta la hadlayey Warbaahinta, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab kallifi karta in beesha kooxdaasi ka soo jeeddo ku tallaabsadaan go’aan noocan ah.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories