Home"Waar Dalka Ha Loo Gurmado Oo Ha Laga Badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga Ee...

“Waar Dalka Ha Loo Gurmado Oo Ha Laga Badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga Ee Inyar Oo Dan Lihi Waddo”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Sheekh Aadan  X. Maxamuud  (Aadan Siiro) oo ka mid ahCulimada Somaliland, ayaa khudbaddii salaadii Jimcaha kaga hadlay arrimo  ay ka mid yihiin kacdoono Siyaasi ah oo uu sheegay inaydDalka ka wadaan Koox uu tilmaamay inay dano gaar ah leeyihiin.

 

blank

 

 

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay soo wajahayso isbedel,  kuwaasi oo uu kala mid ah yahay Isbeddellada kala duwan ee Geeska Afrika iyo Guud ahaan Caalamku gelayo.

 

 

 

“Waxaynu galeynaa Duufaanno isbeddel oo ku xeeran Dalka, Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay iyo Dunida oo dhan. Marka Xaaladda noocaas ahi jirto waxa Dad Muslim ah oo meel ku nooli u baahan yihiin Dad leh Go’aan, Geesinimo, Toosni iyo ururin ku dhisan Cilmi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo is-barbar-dhigaya Hoggaamiyeyaashii Muslimiinta ee Wanaagsanaa iyo Hoggaamiyeyaasha Dalalka Muslimka ah ee Maanta, “Rasuulku (CSW) wixii uu qabanayo wuu sugi jiray. Sugnaansho iyo Daacadnimo waa tii uu ku aasaasay Nebigu Dawladdii Islaamka ee uu Hoggaamiyey. Taasina waata ka maqan Hoggaamiyeyaasha Muslimka ah ee taladoodu ku ururtay maxaa i soo gelaya intaan xukunka joogo, intaan joogo maxay Carruutaydu faa’ideysaa, maxay faa’idayaan kooxda ila yaqaanna waxaanu qabsanayno intaan Xukunka joogo. Laakiin Rasuulka (CSW) iyo Hoggaamiyeyaashii wanaagsanaa ee Asaxaabada ee uu sameeyay, waxay ahaayeen kuwa ka saara Dadka Marxaladda Maanta aynu mareyno oo kale. Marka Ummaddu wareerto, marka Hor iyo dib meel ay socoto garan waydo, marka Maslaxadda Qofku uu leeyahay ka hor-marto Afar Milyan iyo Badh Bani-aadam oo Alle ku abuuray bogcad barakaysan oo leh Khayraad badan, laakiin u baahan Hoggaan toosan oo Caqli iyo Xikmad ku wadaya, Laakiin Innaga (Somaliland) Ummad dhan Masiirkoodii ayaa habeen Madow Kooxi wax iska waydiinaysaa, iyadoo lagu salaynayo Maxaan qaadanayaa iyo Inteed i siinaysaa.”

 

 

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo khudbadiisa sii wata, waxa uu yidhi “Ummadda wanaagsan ILAAHAY wuxuu siiyaa Hoggaamiye Cumar Binu Khadaab oo kale ah. Marxaladaha Adag Muslimiintu waxay lahaayeen Rag (Xalkeeda gaadha). Laakiin haddii Shanta Saladood kugu adkaadaan, Waxa Muslimiintana (Hantida) aad iska farsamaysato, xuquuqda Dadkana waydaarato maxay noqonaysaa Quwadda ku riixeysaa marka Marxalad adag timaaddo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu kula talinaynaa Culimada, Salaadiinta, Nabad-doonnada, Dhallinyarada Aqoonta leh, Hooyooyinka iyo Cid kasta oo Caqli iyo Garasho lagu tuhmayo, waxaanu leenahay waar Dalka ha loo gurmado oo ha laga badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga ah ee inyar oo Dan lihi waddo. ILAAHAYOOW waanu u sheegnay oo waanu wada gaadhsiinay, waxaanu leenahay wa

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories