Home"Waanu ku taageersannahay Xukuumadda, laakiin Musuq-maasuq Cid ku kooban..." - Sheekh Aadan...

“Waanu ku taageersannahay Xukuumadda, laakiin Musuq-maasuq Cid ku kooban…” – Sheekh Aadan Siiro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro) ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay la-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo hawl-gallo Ciidammada Amnigu ku xidh-xidheen masuuliyiin lagu tuhmayo Musuqmaasuq.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inay Xukuumadda ku taageersan yihiin inay la dagaalanto Musuqmaasuqa, laakiin aanay marnaba aqbali Karin in Ciidammada Amnigu ay Saqda dhexe u daataan Guryaha Dadka la tuhunsan yahay isla-markaana ay Argagax-geliyaan Dumarka iyo Carruurta, iyagoo duhar cad qaban kara Qofka la doonayo in la xidho.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Islaamku miisaan kamuu dhigin waxyaabaha Bani-aadamka Miisaanka u ah, laakiin Qofka Muslimka ah Xurmo weyn buu siiyey Islaamku, sidaa darteed waxaan khudbaddan u sameeyay inaan Xukuumadda iyo inta caqliga iyo Cilmiga leh u sheego in aanay habboonayn wax kasta oo dhaca in saq-badhka loo daato Dumarka iyo Carruurta, ma jiro Kitaab iyo Xadiis bannaynaya adiga oo Cid raadinayaa inaad 1:30 habeennimo guryaha u daadato oo aad Dumarka iyo Carruurta Argagax geliso, taasi waata keentay inaan ka sameeyo khudbadda xurmada uu Islaamku siiyey Qofka Muslimka ah.”

Sheekhu wuxuu Tilmaamay inuu la-dagaalanka Musuqmaasuqa muddo dheer ka hadlayey isla-markaana taageersan yahay haddii Xukuumaddu la-dagaalamayso, maaddaama oo Diinta Islaamka meel adag iska taagtay in Hantida Ummaddu wada leedahay Cid gaar ah ku takri-fasho “Waxaanu nahay Dadka la-dagaalama Musuqmaasuqa, laga bilaabo 1992-kii khudbaddii u horreysay ee aan Masaajidka Cali Mataan (Hargeysa) aan ka galay waxaan kaga hadlay Musuqmaasuqa, illaa Maalintaa waanu ka qaylinayney Waar Hantida Ummadda hala ilaaliyo, taa macnaheedu maaha Dadka hala dulmiyo, Musuqmaasuqa waanu la-dagaalamaynaa, waanu ka hadalnay, waanu ku taageersanahay Xukuumadda hadday la-dagaalamayso, laakiin Musuqmaasuq Cid ku kooban (waa khalad). Nebigu (CSW) wuxuu yidhi ‘Hadduu ka jilicsan uu wax xado gacantay jaraan, hadduu ka Magaca leh ama meel weyn ka soo jeedaa wax taabtana way ka tagaan.’ Markaa Meel ay ku taallaa ma jirto, in ka daciifka ah habeenkiiloo daato, ka awoodda badan ama meel weyn ka soo jeeda ama wax loogu habradaa jiraana aanu sharcigu qabanin..”ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey halka Nebiyullaahi Muxamed ka taagnaa Musuqmaasuqa “Gabadh aad loo yaqaan reerkooda ayaa wax taabatay (Xadday), dabadeedna waxa la yidhi Nebiga CSW ha laga wasteeyo, Saxaabi uu aad u jeclaa ayaa loo soo diray Nebiga (Si uu uga wasteeyo), dabadeedna Nebiga CSW Wejigiisaa isbeddelay, waxaanu yidhi ‘Haddii Faadumo (Inantii Rasuulka CSW) ay xadkaa gasho gacantaan jararayaa, ku hoggaamin maayo Dadka in ka itaalka daran ee wax taabta aan Gacanta jaro, ka awoodda lehna inaan ka tago markay wax taabtaan..”

Sheekh Aadan Xaaji Maaxamuud wuxuu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Anigoo Xukuumadda u tilmaamaya dariiqa toosan, waxaan leeyahay waynu ku wada jirnaa in lala dagaalamo Musuqmaasuqa, laakiin Dadka ha wada gaadho oo Dadku ha u sinnaadaan, waynu ku wada jirnaa in Musuqmaasuqa lala dagaalamo, laakiin idinka ha idinka bilaabanto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray sida Nebiyullaahi Muxamed CSW uga digay in Dadka la argaggax-geliyo “Rasuulku CSW wuxuu yidhi, ma habboona in Qof Muslim ah la argagax-geliyo..’. Bal ka warran markaad RRU dirto ee aad 1:30-kii habeenimo Carruurtii u daadato ?, sida inaad Maaris xorraynayso oo kale, arrintaasi waxay keenaysaa Colaad, waxay keenaysaa Sharci-darro, halkay Dastuurka kaga taallaa in labada Habeennimo Dadka loo daato, musuqmaasuq kasta oo Qofku sameeyo waa in Maxkamadda loo soo maro, Aroortii loo tago, Waaranka loo geeyo, hadduu diido Ciidan loo diro xilliga Caadiga ah ee Dadku soo jeedo.” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey isla-markaana iswaydiiyey waxa Ciidammada Amniga ku khasbaya inay Qof muwaadin ah xilli habeennimo ah Guriga ugu daataan, iyagoo xilli Maalin ah xidhi kara “Waxaan la yaabbanahay kuwan la odhanayo Hebel soo qabta ee labada Habeennimo u daadanaya, Caqligii Xagguu maray ? Boolisku hadday leeyihiin Warqad baa la soo qoray, ma labada Habeennimo u daado (Qofka la xidhayo) ayaa ku qoran Warqadda, haddii lagu yidhaahdo hebel soo xidh, macnaheedu maaha labada Habeennimo u daado.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu soo jeediyey in Dadka loo Caddaalad-falo “Waxaanu leenahay Waar Ummadda u Caddaalad-fala oo wixii lagu heshiiyey raaca. Markaad Musuqmaasuq la dagaalamaysaa idinku iska bilaaba. Xukuumadda waxaanu leenahay Musuqmaasuqa si guud ha loola dagaalamo, Nin kasta oo ay gasho Sharciga ha loo maro oo waxa uu xaq u leeyahay halla mariyo, haddii taasi dhici waydo dareen kale ayay abuuraysaa..” ayuu yidhi Sheekhu oo uu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories