Home"Waanu Ka Murugoonaynaa Wixii (Qaraxyadii) Muqdisho Ka Dhacay.." Madaxweyne M. Biixi

“Waanu Ka Murugoonaynaa Wixii (Qaraxyadii) Muqdisho Ka Dhacay..” Madaxweyne M. Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Hargeysa (SLPOST)  – Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Maanta lagu qabtay Xuska 29 Guurada ka soo wareegtay Aasaaska Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Xuska aasaaska Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda kale ee Qaranka.
Madaxweynaha Somaliland oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibadda Aasaaska Ciidammada Booliska, ayaa ka warramay marxaladihii Ciidammadu soo mareen, doorkooda la xidhiidha sugidda amniga Qaranka iyo sida loogu baahan yahay in Shacabku ku barbar istaago shaqadooda.
Madaxweynaha Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay khasaaraha ka dhasha shilalka gaadiidka ee Dalka ka dhaca, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in gaadiidka la geliyo Caymis, si loo yareeyo Culayska Dadka ka soo waajaha Shilalka.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaatay Madax-taabashadii Ururrada siyaasadda, waxaanu tilmaamay in hawshaasi si wanaagsan oo nabadgalyo ah ku soo dhamaatay.
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay inay Muslim ahaan iyo jaar ahaan awgeed ay aad ugu damqanayaan dadka dhibaatadu ka soo gaadhay.
Madaxweynaha oo ka hadlaya Qaraxyadii Muqdisho dhawaan ka dhacay ayaa yidhi “Muqdisho waad ogtihiin mashaqadii ka dhacday, dad intaa leeg oo Masaakiin ah (ayay ku dhacday), naxdin iyo Argaggax ayay leedahay. Qof walba oo bani-aadam ahina wuu ka damqanayaa, inaga oo Ehelnimo, Diin, Soomaalinimo iyo jaarnimo wadaagnaana aad iyo aad baanu uga naxaynaa oo aanu uga murugoonaynaa waxaa dhacay, Markaa Maanta Tamartayadu waa Duco keliya oo wax kale uma qaban karayno..”

Somalilandpost.net/Hargeisa Office 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories