Home“Waanu ka Codsanay Madaxweynaha Jabuuti inuu ka Odayeeyo Wada Hadalka Somaliland iyo...

“Waanu ka Codsanay Madaxweynaha Jabuuti inuu ka Odayeeyo Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

 

Hargeysa(SLpost) – Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay madaxweynaha wadanka Jabuuti ka codsatay inuu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia. Wada hadalada ayaa dani ugu jirtaa mandaqada sida uu sheegay wasiirka khaarajiga Somaliland.

 

Dr Sacad Cali Shire, wasiirka khaarajiga ee Somaliland oo ka soo laabtay socdaal uu ku joogay Jabuuti ayaa sheegay inay codsadeen in wada hadalka ay kaalin ka qaadato dawladda Jabuuti “ Waanu ka codsanay Madaxweynaha Jabuuti inuu ka odayeeyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia. Wada hadalka Somaliland iyo Somalia uma dan ah Somalia iyo Somaliland oo kaliya ee waxay dan u yihiin gobolka oo dhan( Jabuuti, Ethiopia, Kenya) markaa kulligeen dan baa inoogu jirta in wada hadalada guul laga gaadho,” ayuu yidhi Dr Sacad.

 

Geesta kalena wasiirka khaarajigu wuxuu meesha ka saaray in cid aan xukumadda ahayni faro galiso wada hadalka  Somaliland iyo Somalia “wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxaa u xilsaaran dawladda. Sharcigeenu wuxuu odhanayaa waxa u xilsaaran dawladda. cid kale oo u xilsaaran wada hadalkaasi ma jirto, dawladduna iyadaa la tashanaysa dadkeeda, hadday culimo tahay, hadday salaadiin tahay iyo cidii kaleba laakiin, cid kale oo is horfadhiisanaysa oo ka wada hadlaysa arrinkaasi ma jirayso,” ayuu yidhi wasiirku.

 

Wada hadalka Somaliland ayaa horaantii sanadkan burburay iyagoo marayay wajigii 8-aad oo la filayay in masiirka labada wadan laga wada hadlo, balse Somaliland ayaa ka baxday wada  hadalka kadib markii Somalia shirka keentay siyaasiyiin Somaliland ah oo Xamar u xilal doontay.

 

Sidoo kalena Somaliland ayaa ku gacan saydhay wada hadalka dhawaan markii dawladda Turkigu qorshaysay in madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan masiirka umadda islamarkaana xilkii xukumaddaha lagu wareejiyo madaxda dhaqanka Somaliland iyo Somalia. Somaliland ayaa ku dooday inaanay mar dambe fadhiisan doonin wada hadal Turkigu hagayo.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories