Home"Waanu dareemeynaa xanuunka iyo murugada maanta haysata dadka reer Ukraine sababtoo ah..."...

“Waanu dareemeynaa xanuunka iyo murugada maanta haysata dadka reer Ukraine sababtoo ah…” Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo booqasho rasmi ah u jooga dalka Maraykanka, ayaa fiidnimadii caawa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xarunta laga hoggaamiyo siyaasadda Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka ee Heritage Foundation.

blankMadaxweyne Muuse Biixi waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka iyo baahida Somaliland u qabto aqoonsi caalami ah oo ay beesha caalamka ka hesho.

Md Muuse Biixi oo khudbaddiisa kaga hadlay laga soo bilaabo midnimadii hungowday ee Soomaaliya iyo taabba-galka dowladnimada Somaliland, waxa uu si gaar ah uga hadlay dhibaatada xilligan ka taagan dalka Ukraine oo uu xusay inay Shacabka Somaliland dareemi karaan xannaanka uu leeyahay duullaanka milatari ee lagu qaaday iyo xasuuqa lagu hayo shacabka dalkaas maadaama oo Shacabka Somaliland hore u soo mareen xasuuq iyo tacaddiyo ay u geysteen ciidamadii taliskii dowladii Kacaanka ee Soomaaliya.

“Maanta adduunka oo dhami wuxuu ku fooggan yahay dhibaatada ka socota Ukraine; hadday tahay Duqeymaha, burburka, dhimashada, dhibaatooyinka baaxadda leh iyo qulqulatooyinka qaxootiga Yurub.

Dhibaatada maanta dadka reer Ukrain loo geysanayo indhaheenna ayaynu ku arkaynaa innagoo ku arkayna dhacdooyinka wararka 24-ka iyo Baraha Bulshada. Tani waxay annaga na soo xusuusinaysaa xasuuqii loo kaystay shacabkakayaga 33sanno ka hor. Waxay ahayd masiibo aan joobjoog u ahaa, taas oo xasuuq loogu geystay in ka badan 50,000 oo dadkayaga ah oo ku qudhbaxay gacanta dowladdii Somalia, taas oo sababtay in ka badan Hal Milyan oo Dadkayaga ahi inay noqdaan Qaxoonti dibadda u baxay ama gudaha ku baracay,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Annagu waanu dareemeynaa xanuunka iyo murugada ay maanta haysata dadka reer Ukraine sababtoo ah annaga ayay hore noo noogu dhacday. Waxaanu kaga duwannay in annaga Xasuuqii dadka loo geystay dunida laga qariyey xilligaas oo aanay jirin wararka 24 saac la baahiyo.

Si kastaba ha ahaatee, xusuusta qadhaadh ee wixii aanu soo marnay waanu xusuusannahay oo aan waligeed la illaabi doonin,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories